Laawiyiintii 19:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waa inaydaan magacayga been ugu dhaaran, yeydnan hadal nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 20:7 : 7 ¶ Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.
  • Laaw 18:21 : 21 Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
  • Laaw 6:3 : 3 amase hadduu helo wax lumay oo uu waxaas qarsado oo uu been ku dhaarto, hadduu waxyaalahaas midkood sameeyo oo uu saas ku dembaabo,
  • Sharc 5:11 : 11 ¶ Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.
  • Mat 5:33-34 : 33 ¶ Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada. 34 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Ha dhaaraninaba; jannada ha ku dhaaranina, waayo, waa carshigii Ilaah.
  • Yac 5:12 : 12 ¶ Laakiin wax walba hortood, walaalahayow, ha dhaaranina; ha ku dhaaranina jannada, ama dhulka, ama dhaar kale; haahdiinnu haah ha ahaato, mayadiinnuna maya ha ahaato, yeydnan ku dhicin xukun hoostiis.
  • Sab 15:4 : 4 Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
  • Yer 4:2 : 2 Oo haddaad si run iyo caddaalad iyo xaqnimo ah ugu dhaarataan, Rabbigu waa nool yahay, de markaas quruumuhu isagay ku ducaysan doonaan, oo isagay ku faani doonaan.
  • Yer 7:9 : 9 Intaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan,
  • Yex 36:20-23 : 20 Oo markay quruumihii ay tageenba dhex galeen, magacayga quduuska ah nijaas bay kaga dhigeen, waayo, waxaa laga yidhi, Kuwanu waa dadkii Rabbiga oo dalkiisii ka soo baxay. 21 Laakiinse anaa u naxay magacayga quduuska ah oo ay reer binu Israa'iil nijaas kaga dhex dhigeen quruumihii ay tageenba. 22 Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu taas idinka aawadiin uma aanan samayn, laakiinse waxaan u sameeyey magacayga quduuska ah aawadiis, kaasoo aad nijaas kaga dhex dhigteen quruumihii aad tagteenba. 23 Oo quduus baan ka dhigi doonaa magacayga weyn oo quruumaha nijaas laga dhex dhigay, oo aad idinku nijaas kaga dhigteen. Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumuhu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay markaan dhexdiinna quduus kaga noqdo iyagoo indhaha ku haya.
  • Sak 5:4 : 4 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan soo bixin doonaa, oo wuxuu soo geli doonaa guriga tuugga, iyo guriga kan magacayga beenta ugu dhaarta, oo wuxuu iska joogi doonaa gurigiisa dhexdiisa, oo alwaaxdiisa iyo dhagaxyadiisaba wuu wada baabbi'in doonaa.
  • Mal 3:5 : 5 Oo anigu waan idiin soo dhowaan doonaa inaan idin xukumo aawadeed, oo markhaati dheereeya baan ku noqon doonaa saaxiriinta, iyo dhillayada, iyo dhaarbeenlowyada, iyo kuwa shaqaale mushahaaradiisa ku dulma, iyo kuwa carmalka iyo agoonta dhiba, iyo kuwa qariibka gartiisa ka qalloociya, iyo kuwa aan iga cabsan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
  • Laaw 24:11 : 11 Markaasaa naagtii reer binu Israa'iil wiilkeedii magicii Rabbiga caayay oo habaaray, oo isagii waxaa loo keenay Muuse. Oo wiilkaas hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Shelomiid ina Dibrii, waxayna ahayd qabiilka Daan.
  • Laaw 24:15-16 : 15 Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii Ilaahiisa caayaa waa inuu dembigiisa qaadaa. 16 Kii magaca Rabbiga caaya sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. Ururka oo dhammu hubaal waa inay isaga dhagxiyaan, oo hadduu shisheeye yahay iyo hadduu waddani yahayba, markuu magaca Rabbiga caayo waa in la dilaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Waa inaydaan waxba xadin, oo aydaan daacadla'aan ku isticmaalin, waana inaan midkiinna midka kale been u sheegin.

  • Bax 20:7-8
    2 aayado
    83%

    7¶ Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

    8¶ Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto.

  • 82%

    11¶ Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

    12¶ Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu amray.

  • 81%

    31Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo yeeshaan amarradayda, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    32Waa inaydaan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, laakiinse quduus baan ku dhex ahaan doonaa dadka reer binu Israa'iil, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga,

    33oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado aawadeed, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 79%

    13Waa inaadan deriskaaga dulmin, waana inaadan waxba ka dhicin. Oo shaqaale aad soo kiraysatay mushahaaradiisu yaanay habeenkii kugu baryin oo kugu gaadhin tan iyo subaxda dambe.

    14Waa inaadan caayin qofkii dhega la', oo kii indha la'na waa inaadan hortiisa dhigin wax lagu turunturoodo, laakiinse waa inaad Ilaahaaga ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    15Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu garsoortaa si caddaalad ah.

    16Waa inaadan dadkaaga xan kula dhex wareegin, oo waa inaadan deriskaaga dhiiggiisa hor joogsan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • Bax 20:13-16
    4 aayado
    78%

    13¶ Waa inaanad qudh gooyn.

    14¶ Waa inaanad sinaysan.

    15¶ Waa inaanad waxba xadin.

    16¶ Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.

  • 13Oo waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsataa, oo u adeegtaa oo magiciisa ku dhaarataa.

  • 30Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 77%

    19¶ Oo waa inaadan waxba xadin.

    20¶ Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin.

  • Mat 5:33-34
    2 aayado
    76%

    33¶ Weliba waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad nidarradaada jebin, laakiin waa inaad Rabbiga u yeeshaa nidarradaada.

    34Laakiin waxaan idinku leeyahay, Ha dhaaraninaba; jannada ha ku dhaaranina, waayo, waa carshigii Ilaah.

  • Laaw 19:3-4
    2 aayado
    76%

    3Oo idinka midkiin kastaaba waa inuu ka cabsadaa aabbihiis iyo hooyadiis, oo waa inaad dhawrtaan maalmahayga sabtida ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    4Sanamyo ha u jeesanina, oo hana samaysanina ilaahyo la tumay, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Laaw 26:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Waa inaydaan sanamyo samaysan, ama aydaan qotonsan ekaan la qoray amase tiir, oo waa inaydaan dalkiinna dhagax la qoray u dhex dhigin inaad u sujuuddaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    2Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 12¶ Laakiin wax walba hortood, walaalahayow, ha dhaaranina; ha ku dhaaranina jannada, ama dhulka, ama dhaar kale; haahdiinnu haah ha ahaato, mayadiinnuna maya ha ahaato, yeydnan ku dhicin xukun hoostiis.

  • 4Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn.

  • 17Waa inaan midkiinna midka kale dulmin; laakiinse waxaad ka cabsataan Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 13Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.

  • 1¶ Waa inaadan qaadqaadin war been ah; gacantaada heshiis ha ugu dhiibin kan sharka ah, yaadan markhaati xaqdaran noqone.

  • 74%

    20Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin.

    21Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 18Waa inaadan ninna ka aarsan, waana inaadan dadkaaga u ciil qabin, laakiinse waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay oo kale, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 20Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad u adeegtaan, waana inaad ku dhegtaan oo aad magiciisana ku dhaarataan.

  • 7¶ Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

  • 15Oo iyagu waa inayan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah ee reer binu Israa'iil oo ay Rabbiga u bixiyaan,

  • 7Oo iska jira inaydnaan quruumahaas dhex iman, kuwaasoo ah kuwa idinku dhex hadhay, oo magacyada ilaahyadoodana marnaba ha soo hadalqaadina, ninnana ha ku dhaaranina, hana u adeegina, hana u sujuudina kolnaba,

  • 2La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad iyaga u sheegtaa inay iska soocaan waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil, oo ay ii daahiriyaan, iyo inayan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 8Oo waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan oo yeeshaan, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • 9Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin, Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.

  • 35Waa inaydaan xaqdarro ka samayn garsooridda, iyo cabbiridda, iyo miisaamidda iyo beegiddaba.

  • 17oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin deriskiisa, oo ha jeclaanina dhaar been ah, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahan oo dhammu waa waxyaalo aan necbahay.

  • 14waayo, idinku waa inaydnaan caabudin ilaah kale, maxaa yeelay, Rabbiga magiciisu yahay Masayr waa Ilaah masayr ah;

  • 1¶ Reer Yacquubka magaca Israa'iil loogu yeedho, oo biyihii Yahuudah ka soo baxay, oo magaca Rabbiga ku dhaarta, oo soo magacaaba Ilaaha Israa'iil, iyagoo aan run iyo xaqnimo toona ku xusuusanaynow, bal waxan maqla.

  • 30Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 44Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, iyadoo aan ahayn sidii jidadkiinnii sharka ahaa ay ahaayeen, amase sidii falimihiinnii qudhunka ahaa ay ahaayeen, markaan magacayga aawadiis idiinku shaqeeyo ayaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 3¶ Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.

  • 9Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.