15Oo iyagu waa inayan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah ee reer binu Israa'iil oo ay Rabbiga u bixiyaan,
16si ayan uga dhigin inay iyagu qaataan xumaanta eedda keenta, markay cunaan waxyaalahooda quduuska ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.
17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
18Waxaad la hadashaa Haaruun iyo wiilashiisa iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama dadka shisheeyayaasha ah ee reer binu Israa'iil dhex deggan, markay keenaan qurbaankooda ay Rabbiga ugu bixinayaan qurbaan la gubo aawadiis, hadduu yahay nidarradooda midkood amase qurbaannadooda ikhtiyaarka ah,