Laawiyiintii 19:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

La hadal ururka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa inaad quduus ahaataan, waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ahuba quduus baan ahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 11:44-45 : 44 Waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, maxaa yeelay, anigu quduus baan ahay. Oo waa inaydaan isku nijaasayn cayn kasta oo ah waxa gurguurta oo dhulka ku kor dhaqdhaqaaqa. 45 Waayo, anigu waxaan ahay Rabbigii dalkii Masar idinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad quduus ahaataan, waayo, anba quduus baan ahay.
  • Laaw 20:7 : 7 Haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Laaw 20:26 : 26 Waa inaad quduus ii ahaataan, waayo, anigoo Rabbiga ahuba quduus baan ahay, oo dadyowgii baan idinka soocay, si aad kuwaygii u ahaataan.
  • 1 But 1:15-16 : 15 laakiinse siduu kan idiin yeedhay quduuska u yahay, idinkuna sidaas oo kale dabiicaddiinna oo dhan quduus ku ahaada, 16 maxaa yeelay, waxaa qoran, Idinku waa inaad quduus ahaataan, waayo, aniguba quduus baan ahay.
  • Bax 19:6 : 6 oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto.
  • Mat 5:48 : 48 Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay.
  • 2 Kor 6:14-16 : 14 ¶ Ha noqonina kuwo ku xidhan kuwa aan rumaysanaynin, waayo, sidee bay xaqnimada iyo dembigu isu weheliyaan, ama sidee bay iftiinka iyo gudcurku isu dhex galaan? 15 Oo sidee bay Masiix iyo ina belaayo isku mid u yihiin? Ama maxaa ka dhexeeya mid rumaysta iyo mid aan rumaysanaynin? 16 Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
  • 2 Kor 7:1 : 1 ¶ Haddaba, gacaliyayaalow, innagoo ballamadan haysanna, aan iska safayno nijaas kasta oo jidhka iyo ruuxa ku jirta, innagoo quduusnimada kaamilayna oo Ilaah ka cabsanayna.
  • Laaw 21:8 : 8 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus idinka dhiga.
  • Ish 6:3-4 : 3 Oo midba wuxuu u qaylinayay midka kale, oo waxay lahaayeen, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa. 4 Oo aasaaska iridda ayaa la gariiray kii qayliyey codkiisii, oo gurigiina waxaa ka buuxsamay qiiq.
  • Aam 3:3 : 3 Laba qof miyey wada socdaan haddaanay heshiis ahayn?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 20:7-8
    2 aayado
    87%

    7Haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    8Oo waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan oo yeeshaan, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • 85%

    44Waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, maxaa yeelay, anigu quduus baan ahay. Oo waa inaydaan isku nijaasayn cayn kasta oo ah waxa gurguurta oo dhulka ku kor dhaqdhaqaaqa.

    45Waayo, anigu waxaan ahay Rabbigii dalkii Masar idinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad quduus ahaataan, waayo, anba quduus baan ahay.

  • 26Waa inaad quduus ii ahaataan, waayo, anigoo Rabbiga ahuba quduus baan ahay, oo dadyowgii baan idinka soocay, si aad kuwaygii u ahaataan.

  • Laaw 18:1-2
    2 aayado
    85%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 83%

    15laakiinse siduu kan idiin yeedhay quduuska u yahay, idinkuna sidaas oo kale dabiicaddiinna oo dhan quduus ku ahaada,

    16maxaa yeelay, waxaa qoran, Idinku waa inaad quduus ahaataan, waayo, aniguba quduus baan ahay.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 6oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto.

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • 79%

    31Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo yeeshaan amarradayda, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    32Waa inaydaan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, laakiinse quduus baan ku dhex ahaan doonaa dadka reer binu Israa'iil, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga,

    33oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado aawadeed, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • Laaw 19:3-4
    2 aayado
    79%

    3Oo idinka midkiin kastaaba waa inuu ka cabsadaa aabbihiis iyo hooyadiis, oo waa inaad dhawrtaan maalmahayga sabtida ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    4Sanamyo ha u jeesanina, oo hana samaysanina ilaahyo la tumay, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • Laaw 22:1-3
    3 aayado
    79%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad iyaga u sheegtaa inay iska soocaan waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil, oo ay ii daahiriyaan, iyo inayan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    3Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Ku alla kii ka mid ah farcankiinna oo dhan tan iyo ab ka ab, hadduu isagoo nijaas qaba u soo dhowaado waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil ay Rabbiga u daahiriyeen, qofkaas hortayda waa in laga gooyaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 30Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 2Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • Laaw 23:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo aad naadin doontaan inay ahaadaan shirar quduus ah. Xataa kuwanu waa iidahayga la amray.

  • Laaw 17:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi,

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Bax 31:12-13
    2 aayado
    76%

    12¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    13Waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sida runta ah waa inaad dhawrtaan ayaamahayga sabtiyaasha ah: waayo, waa calaamo ina dhex taal aniga iyo idinka ka ab ka ab; si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga quduus idinka dhigaya.

  • 29Oo waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa, inay noqdaan kuwa ugu wada quduusan; oo wax kasta oo iyaga taabtaaba waxay noqon doonaan quduus.

  • 2Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.

  • 19Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Qaynuunnadayda ku socda, oo xukummadayda xajiya oo sameeya,

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 10Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen,

  • 30Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu haddana Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 19iyo inuu idinka sare mariyo quruumaha uu sameeyey oo dhan xagga ammaanta iyo xagga magaca iyo xagga sharaftaba, iyo inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u ahaanaysaan dad quduus ah siduu yidhi.

  • Tir 15:40-41
    2 aayado
    74%

    40laakiinse aad xusuusataan oo aad samaysaan amarradayda oo dhan, oo aad quduus uu ahaataan Ilaahiinna.

    41Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Muuse isu soo ururiyey shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Kuwanu waa erayadii Rabbigu idinku amray inaad yeeshaan.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Iyagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa inay quduus ahaadaan.

  • 2¶ Markaasaa Ilaah wuxuu la hadlay Muuse oo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga,

  • 4¶ Oo Muuse wuxuu la hadlay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, isagoo leh, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, isagoo leh,

  • 10oo waa inaad kala dudaan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn, iyo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah;

  • 37Oo waa inaad wada dhawrtaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 7oo waxaan iyaga ku idhi, Ninkiin kastaaba waxyaalaha karaahiyada ah ee indhihiisa ha iska xooro, oo sanamyada Masar ha isku nijaasaynina. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 11¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 14¶ Oo haddana Rabbigu wuxuu Muuse kula hadlay cidlada Siinay, oo wuxuu ku yidhi,