Laawiyiintii 21:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus idinka dhiga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 21:6 : 6 Iyagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa inay quduus ahaadaan.
  • Yoox 10:36 : 36 ma waxaad ku leedihiin kii Aabbuhu quduus ka dhigay oo xagga dunida u soo diray, Waad caytantaa, waayo, waxaan idhi, Wiilka Ilaah baan ahay?
  • Yoox 17:19 : 19 Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo.
  • Cib 7:26 : 26 ¶ Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey,
  • Cib 10:29 : 29 Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada?
  • Bax 19:10 : 10 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen,
  • Bax 19:14 : 14 Markaasaa Muuse buurtii ka degay, oo wuxuu u tegey dadkii, kolkaasuu dadkii quduus ka dhigay, oo ay dharkoodii dhaqeen.
  • Bax 28:41 : 41 Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.
  • Bax 29:1 : 1 ¶ Oo waxyaalahan waa waxa aad ku samayso iyaga inaad quduus ka dhigtid inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada; waxaad wadataa dibi yar iyo laba wan oo aan iin lahayn,
  • Bax 29:43-44 : 43 Oo halkaas reer binu Israa'iil ayaan kula kulmi doonaa; oo taambuugguna wuxuu quduus ku noqon doonaa ammaantayda. 44 Oo waxaan quduus ka dhigi doonaa taambuugga shirka iyo meesha allabariga; oo Haaruun iyo wiilashiisana quduus baan ka dhigi doonaa, inay hawsha wadaadnimada iiga adeegaan.
  • Laaw 11:44-45 : 44 Waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, maxaa yeelay, anigu quduus baan ahay. Oo waa inaydaan isku nijaasayn cayn kasta oo ah waxa gurguurta oo dhulka ku kor dhaqdhaqaaqa. 45 Waayo, anigu waxaan ahay Rabbigii dalkii Masar idinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad quduus ahaataan, waayo, anba quduus baan ahay.
  • Laaw 19:2 : 2 La hadal ururka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa inaad quduus ahaataan, waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ahuba quduus baan ahay.
  • Laaw 20:7-8 : 7 Haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 8 Oo waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan oo yeeshaan, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 21:6-7
    2 aayado
    85%

    6Iyagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa inay quduus ahaadaan.

    7Waa inayan guursan naag dhillo ah ama mid la nijaaseeyey, oo waa inayan guursan naag la furay, waayo, wadaadku quduus buu Ilaahiis u yahay.

  • 84%

    21Wadaadka Haaruun ah nin alla ninkii farcankiisa ka mid ahu isagoo iin leh waa inuusan u soo dhowaan inuu bixiyo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, isagu iin buu leeyahay, oo waa inuusan u soo dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

    22Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.

    23Laakiinse waa inuusan meesha daaha leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

  • Laaw 20:7-8
    2 aayado
    82%

    7Haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    8Oo waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan oo yeeshaan, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • 2La hadal ururka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa inaad quduus ahaataan, waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ahuba quduus baan ahay.

  • 26Waa inaad quduus ii ahaataan, waayo, anigoo Rabbiga ahuba quduus baan ahay, oo dadyowgii baan idinka soocay, si aad kuwaygii u ahaataan.

  • 80%

    15Oo waa inuusan dhashiisa ku dhex nijaasayn dadkiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga isaga quduus ka dhiga.

    16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 79%

    15Oo iyagu waa inayan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah ee reer binu Israa'iil oo ay Rabbiga u bixiyaan,

    16si ayan uga dhigin inay iyagu qaataan xumaanta eedda keenta, markay cunaan waxyaalahooda quduuska ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

    17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 79%

    31Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo yeeshaan amarradayda, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    32Waa inaydaan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, laakiinse quduus baan ku dhex ahaan doonaa dadka reer binu Israa'iil, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga,

  • 78%

    44Waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, maxaa yeelay, anigu quduus baan ahay. Oo waa inaydaan isku nijaasayn cayn kasta oo ah waxa gurguurta oo dhulka ku kor dhaqdhaqaaqa.

    45Waayo, anigu waxaan ahay Rabbigii dalkii Masar idinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad quduus ahaataan, waayo, anba quduus baan ahay.

  • Laaw 22:9-10
    2 aayado
    78%

    9Oo sidaas daraaddeed iyagu waa inay amarkayga xajiyaan, waaba intaasoo ay dembi u qaataan taas aawadeed oo ay ku dhintaan haddii ay nijaaseeyaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

    10Oo qof qalaadu waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah, oo qofkii wadaadka la deggan, amase shaqaalihii la soo kiraystay waa inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah.

  • 29Oo waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa, inay noqdaan kuwa ugu wada quduusan; oo wax kasta oo iyaga taabtaaba waxay noqon doonaan quduus.

  • Tir 18:9-10
    2 aayado
    78%

    9Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan.

    10Oo sida waxyaalaha aad u quduuska ah waa inaad u cuntaa, oo mid kasta oo lab ahu wax ha ka cuno. Taasu waa inay quduus kuu ahaataa.

  • Laaw 22:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad iyaga u sheegtaa inay iska soocaan waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil, oo ay ii daahiriyaan, iyo inayan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    3Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Ku alla kii ka mid ah farcankiinna oo dhan tan iyo ab ka ab, hadduu isagoo nijaas qaba u soo dhowaado waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil ay Rabbiga u daahiriyeen, qofkaas hortayda waa in laga gooyaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 8Oo maalmaha isa-soociddiisa oo dhan ayuu quduus u yahay Rabbiga.

  • 30Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • Laaw 6:17-18
    2 aayado
    75%

    17Waa inaan khamiir lagu dubin. Anigu taas waxaan iyaga u siiyey qaybtoodii ay ka heli lahaayeen qurbaannadayda dabka lagu sameeyo. Iyadu waa ugu quduusan tahay oo waa sidii qurbaankii dembiga iyo sidii qurbaankii xadgudubka.

    18Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.

  • Bax 29:33-34
    2 aayado
    75%

    33Oo waa inay cunaan waxyaalahaas lagu kafaaro guday, inay daahir iyo quduus ku noqdaan; laakiinse qof qalaadu yaanu waxba ka cunin, waayo, iyagu waa quduus.

    34Oo haddii hilibka quduuskadhigidda iyo kibista wax ka hadhaan oo ay gaadhaan ilaa subaxda, de markaas waa inaad intii hadhay dab ku gubtaa, oo waa inaan la cunin, maxaa yeelay, waa quduus.

  • 16maxaa yeelay, waxaa qoran, Idinku waa inaad quduus ahaataan, waayo, aniguba quduus baan ahay.

  • 6Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

  • 75%

    25Oo kuwaas waa inaydaan ka guddoomin qof shisheeye ah gacantiis oo aydaan ku bixin cuntada Ilaahiinna, maxaa yeelay, iyagu wax kharriban bay leeyihiin, oo iin baa ku taal. Sidaas daraaddeed iyaga innaba laydinka aqbali maayo.

    26¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 7Oo isna markii qorraxdu dhacdo ayuu daahir noqon doonaa, oo markaas dabadeedna isagu wax ha ka cuno waxyaalaha quduuska ah, maxaa yeelay, taasu waa cuntadiisii.

  • 12Oo waa inuusan dibadda uga bixin meesha quduuska ah, waana inuusan nijaasayn meesha quduuska ah ee Ilaahiisa, waayo, isaga waxaa kor saaran taajkii saliidda subkidda ee Ilaahiisa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 2Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 13Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay, waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray.

  • 27Oo waa inaad quduus ka dhigtaa sakaarka qurbaanka la ruxruxo, iyo bowdada qurbaanka sare loo qaado, oo la ruxruxo, oo sarena loo qaado, ee wanka quduuskadhigidda, xataa qaybta Haaruun iyo qaybta wiilashiisaba,

  • 13Waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sida runta ah waa inaad dhawrtaan ayaamahayga sabtiyaasha ah: waayo, waa calaamo ina dhex taal aniga iyo idinka ka ab ka ab; si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga quduus idinka dhigaya.

  • 31Oo waa inaad qaaddaa wanka quduuskadhigidda, oo hilibkiisa waxaad ku karisaa meel quduus ah.

  • 8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

  • 8Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha keeno.

  • 37Oo toddoba maalmood waa inaad meesha allabariga u kafaaro guddaa oo quduus ka dhigtaa, oo meesha allabarigu waa inay ugu wada quduusnaataa, oo wax kasta oo meesha allabariga taabtaa quduus wuu noqon doonaa.

  • 9¶ Oo neef Rabbiga qurbaan loogu bixiyo hadduu yahayna, wax alla wixii qofi Rabbiga saas ugu bixiyaa quduus bay ahaan doonaan.

  • 8ku alla kii cunaase dembigiisuu qaadanayaa, maxaa yeelay, nijaas buu ka dhigay Rabbiga wixiisii quduuska ahaa, oo qofkaasna dadkiisa waa laga gooyn doonaa.

  • 14Oo waa inaad reer Laawi sidaas uga soocdaa reer binu Israa'iil, oo reer Laawina kuwaygay ahaan doonaan.

  • 29Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan.