Yacquub 3:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 3:3 : 3 Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn?
  • 1 But 3:9 : 9 Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,
  • 1 Tim 5:13 : 13 Waxay kaloo weliba bartaan inay caajisiin noqdaan, iyagoo iska wareegaya oo guriba guri uga baxaya; caajisiin oo keliyana ma ahaye, weliba way warsheeko badan yihiin, oo axwaalka dadka kalena way faraggeliyaan, iyagoo ku hadlaya waxyaalo aan waajib ku ahayn.
  • Bil 20:9 : 9 Markaasaa Abimeleg wuxuu u yeedhay Ibraahim, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxa aad nagu samaysay? Oo maxaan kuugu dembaabay, oo aad aniga iyo boqortooyadaydaba dembi weyn ugu soo jiidday? Waxaad igu samaysay waxyaalo aan waajib ahayn in la sameeyo.
  • 2 Sam 13:12 : 12 Oo waxay ugu jawaabtay, Maya, walaalkayow, ha i xoogin; waayo, waxan oo kale in reer binu Israa'iil lagu dhex sameeyo ma habboona, haddaba nacasnimadan ha samayn.
  • Sab 50:16-20 : 16 Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa? 17 Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura. 18 Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo. 19 Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano. 20 Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
  • Yer 7:4-9 : 4 Ha isku hallaynina erayo been ah oo leh, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbigu waa kan. 5 Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa, 6 iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin, 7 de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan. 8 Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin. 9 Intaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan, 10 miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan?
  • Miik 3:11 : 11 Madaxdoodu laaluush bay wax ku xukumaan, wadaaddadooduna kiro bay dadka wax ku baraan, oo nebiyadooduna lacag bay u faaliyaan, oo weliba Rabbiga bay ku tiirsadaan iyagoo leh, Sow Rabbigu dhexdayada ma joogo? Belaayo innaba naguma degi doonto.
  • Room 12:14 : 14 U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yac 3:8-9
    2 aayado
    86%

    8Laakiin ninna ma rabbayn karo carrabka; waa shar rogrogmada, oo waxaa ka buuxda sunta wax disha.

    9Isla isagaynu ku ammaannaa Rabbiga iyo Aabbaha, oo isla isagaynu ku habaarnaa dadka Ilaah ekaantiisa laga abuuray.

  • Yac 3:11-14
    4 aayado
    84%

    11Ishu miyey isku meel ka soo wada daysaa biyo macaan iyo kuwa qadhaadh?

    12Walaalahayow, geed berde ahu miyuu dhali karaa saytuun, ama geed canab ahu miyuu dhali karaa midho berde ah? Sidaas oo kalena biyo dhanaanu macaan ma ay noqon karaan.

    13¶ Kumaa idinku dhex jira oo xigmad iyo waxgarasho leh? Shuqulladiisa ha ku muujiyo dabiicaddiisa wanaagsan, isagoo leh qabowga xigmadda.

    14Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina.

  • 14Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh;

  • Mat 15:18-19
    2 aayado
    75%

    18Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan; oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa.

    19Waayo, waxaa qalbiga ka soo baxaa fikirrada sharka leh iyo dilidda iyo sinada iyo galmada xaaraanta ah iyo tuuganimada iyo maragga beenta ah iyo cayda.

  • Mat 12:33-35
    3 aayado
    75%

    33¶ Ama geedka wanaajiya iyo midhihiisaba, ama geedka xumeeya iyo midhihiisaba, waayo, geedka waxaa lagu gartaa midhihiisa.

    34Dhal jilbisay, sidee baad wax wanaagsan ugu hadli karaysaan idinkoo shar leh? Waayo, afku wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.

    35Ninka wanaagsani wuxuu maalka wanaagsan ka soo saaraa wax wanaagsan, kan sharka lihina wuxuu maalka sharka leh ka soo saaraa wax shar ah.

  • 1 But 3:9-10
    2 aayado
    74%

    9Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo,

    10Kii doonaya inuu nolol jeclaado, Oo arko maalmo wanaagsan, Carrabkiisa shar ha ka joojiyo, Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin.

  • 45Ninka wanaagsan wuxuu maalka wanaagsan oo qalbiga ku jira ka soo saaraa wax wanaagsan; kan sharka lehna wuxuu sharka ka soo saaraa wax shar ah; waayo, afkiisu wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.

  • 13Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

  • 11Ma aha waxa afka gala waxa ninka nijaaseeyaa, laakiin waxa afka ka soo baxa, kaas ayaa ninka nijaaseeya.

  • 72%

    10Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.

    11Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.

  • 38Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?

  • Yac 3:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Macallimiin badan ha noqonina, walaalahayow, idinkoo garanaya inaynu heli doonno xukun ka sii weyn.

    2Waayo, dhammaanteen wax badan baynu ku gafnaa. Haddii nin ku gafi waayo hadalka, kaasu waa nin kaamil ah, wuuna xakamayn karaa jidhka oo dhan.

    3Haddaba haddaynu fardaha afkooda xakame gelinno inay ina addeecaan, jidhkooda oo dhanna waynu jeedinnaa.

  • 31Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.

  • 12¶ Laakiin wax walba hortood, walaalahayow, ha dhaaranina; ha ku dhaaranina jannada, ama dhulka, ama dhaar kale; haahdiinnu haah ha ahaato, mayadiinnuna maya ha ahaato, yeydnan ku dhicin xukun hoostiis.

  • 29Hadal qudhun ahu yuusan afkiinna ka soo bixin, laakiinse ku hadla waxa u wanaagsan dhisidda loo baahan yahay inay nimceeyaan kuwa maqla.

  • 11Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

  • Yac 3:5-6
    2 aayado
    71%

    5Sidaas oo kalena carrabku waa qayb yar, waxyaalo waaweyn buuna ku faanaa. Bal eega dab yaru intuu qoryo shido.

    6Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa.

  • Yac 1:19-20
    2 aayado
    71%

    19¶ Waad garanaysaan tan, walaalahayga aan jeclahayow. Laakiin nin walba ha u dhaqsado maqlinta, oo ha u gaabiyo hadalka, cadhadana ha u gaabiyo;

    20waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah.

  • 8Laakiinse haatan iska fogeeya waxyaalahan oo dhan, kuwaas oo ah xanaaq, iyo cadho, iyo xumaan, iyo cay, iyo hadalka ceebta ah oo afkiinna ka baxa.

  • 4Carrabka wanaagsanu waa geed nololeed Laakiinse carrabka qalloocan ayaa qalbigu ku jabaa.

  • 4Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer, Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.

  • 14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.

  • Mat 7:17-18
    2 aayado
    70%

    17Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa.

    18Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo.

  • 6Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

  • 11¶ Xumaan ha iskaga hadlina, walaalayaalow. Kii xumaan walaalkiis kaga hadlaa ama walaalkiis xukumaa, sharciga ayuu xumaan kaga hadlaa, sharcigana wuu xukumaa. Haddaad sharciga xukuntid, adigu ma ihid mid sharciga yeela, laakiin waxaad tahay mid isaga xukuma.

  • 30(Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto;)

  • 16Yaan laydin khiyaanayn, walaalahayga aan jeclahayow.

  • 7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.

  • 19Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.

  • 7Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa; Oo bushimahayguna shar bay karhaan.

  • 17Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.

  • 8iyo hadal run ah oo aan ceeb lahayn, si midka geesta kaa ahu u ceeboobo, oo uusan u helin wax xun oo uu inaga sheego.

  • 9Ha iska cabanina, walaalayaalow, yaan laydin xukumine. Bal ogaada, xaakinku albaabbada hortooduu taagan yahaye.

  • 6Afkaaga ha u oggolaan inuu jidhkaaga dembaajiyo, oo malaa'igta horteedana ha ka odhan, Qalad bay ahaayeen. Bal maxaad Ilaah codkaaga ugu cadhaysiisaa si uu shuqulka gacmahaaga u baabbi'iyo?

  • 31Haddaba qadhaadh iyo dhirif iyo cadho iyo qaylo iyo cay oo dhammi ha idinka fogaadeen iyo xumaan kastaaba;

  • 16Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin.