Maahmaahyadii 15:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Carrabka wanaagsanu waa geed nololeed Laakiinse carrabka qalloocan ayaa qalbigu ku jabaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 3:18 : 18 Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.
  • Maah 12:18 : 18 Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.
  • Maah 16:24 : 24 Hadalkii wacanu waa sida awlallo shinniyeed oo kale, Nafta wuu u macaan yahay, oo lafahana waa u caafimaad.
  • Maah 18:8 : 8 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
  • Maah 18:14 : 14 Nin qalbigiisu waa u adkaysan karaa cudurkiisa, Laakiinse qalbi jaban bal yaa u dulqaadan kara?
  • Bil 3:22-24 : 22 ¶ Oo Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu yidhi, Ninku wuxuu noqday sidii mid innaga mid ah, isagoo garanaya wanaagga iyo xumaanta; oo haatan, waaba intaasoo uu gacantiisa soo fidiyaa, oo uu wax ka qaataa geedka nolosha, oo uu cunaa oo uu weligiis noolaadaa: 23 sidaas daraaddeed Ilaah isaga wuu ka saaray Beer Ceeden, si uu u beerto dhulkii isaga laga soo qaaday. 24 Kolkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha.
  • Sab 52:2-4 : 2 Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn, Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano. 3 Wanaagga waxaad ka jeceshahay xumaanta, Oo inaad xaqnimo ku hadashidna waxaad ka jeceshahay beensheegidda. (Selaah) 4 Waxaad jeceshahay erayada wax baabbi'iya oo dhan, Iyo carrab khiyaano miidhan ah.
  • Sab 109:22 : 22 Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
  • Mal 4:2 : 2 Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale.
  • 1 Tim 6:3 : 3 ¶ Haddii nin dadka cilmi kale baro oo uusan u oggolaan hadalka runta ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix iyo cilmiga raacsan cibaadada,
  • Muj 2:7 : 7 Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta ayaa waxaan siin doonaa amar uu wax kaga cuno geedka nolosha oo ku dhex yaal Firdooska Ilaah.
  • Maah 26:22 : 22 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 79%

    31Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.

    32Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo, Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.

  • Maah 15:1-3
    3 aayado
    78%

    1Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.

    2Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.

    3Rabbiga indhihiisu meel kastay jiraan, Iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan.

  • 20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • 24Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.

  • 76%

    18Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.

    19Bushintii runta sheegtaa weligeedba way sii taagnaan doontaa, Laakiinse carrabkii beenta sheegaa daqiiqad buu joogaa.

  • 76%

    20Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa, Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha.

    21Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka, Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa.

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 23Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.

  • 11Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

  • 13Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.

  • Maah 13:2-3
    2 aayado
    74%

    2Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa, Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.

    3Kii afkiisa dhawraa wuxuu dhawraa naftiisa, Laakiinse kii bushimihiisa aad u kala qaadaa wuu baabbi'i doonaa.

  • 74%

    19Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

    20Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay, Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.

  • 15Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan, Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.

  • 10Kii doonaya inuu nolol jeclaado, Oo arko maalmo wanaagsan, Carrabkiisa shar ha ka joojiyo, Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin.

  • Yac 3:5-6
    2 aayado
    74%

    5Sidaas oo kalena carrabku waa qayb yar, waxyaalo waaweyn buuna ku faanaa. Bal eega dab yaru intuu qoryo shido.

    6Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa.

  • 74%

    23Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

    24Hadalkii wacanu waa sida awlallo shinniyeed oo kale, Nafta wuu u macaan yahay, oo lafahana waa u caafimaad.

  • 30Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda, Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.

  • 5Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.

  • 4Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.

  • 8Laakiin ninna ma rabbayn karo carrabka; waa shar rogrogmada, oo waxaa ka buuxda sunta wax disha.

  • 28Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay, Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.

  • 30Qalbigii degganu waa nolosha jidhka, Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.

  • 7Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.

  • 4Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer, Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.

  • 30Kan xaqa ah midhihiisu waa geed nololeed, Oo kii nafo soo hanuuniyaana caqli buu leeyahay.

  • 1Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh, Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.

  • 12Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.

  • 14Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh;

  • 19Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.

  • 23Nin wuxuu farxad ka helaa jawaabta afkiisa, Oo eraygii wakhti ku habboon la yidhaahdaana sidee buu u wanaagsan yahay!

  • 5Waayo, afkaaga waxaa wax bara xumaantaada, Oo waxaad doorataa carrabka khaa'inka.

  • 10Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon.

  • 13Qalbigii faraxsanu wejiguu nuuriyaa, Laakiinse caloolxumaanta ayaa qalbigu ku jabaa.

  • 7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.

  • 10Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka, Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.

  • 21Kii qalbigiisu caqli leeyahay waxaa loogu yeedhi doonaa mid miyir leh, Oo bushimaha macaankooduna waxbarashuu kordhiyaa.

  • 17Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa.

  • 7Nacaska afkiisu waa u baabba', Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.

  • 11Hadalkii si hagaagsan loogu hadlaa Wuxuu la mid yahay tufaaxyo dahab ah oo lagu dhex sameeyey taswiiro lacag ah.

  • 14Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa, Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.

  • 22Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.