Maahmaahyadii 18:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Nacaska afkiisu waa u baabba', Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 10:14 : 14 Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.
  • Maah 12:13 : 13 Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa, Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa.
  • Maah 13:3 : 3 Kii afkiisa dhawraa wuxuu dhawraa naftiisa, Laakiinse kii bushimihiisa aad u kala qaadaa wuu baabbi'i doonaa.
  • Sab 64:8 : 8 Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda, Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.
  • Sab 140:9 : 9 Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.
  • Maah 6:2 : 2 Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.
  • Maah 10:8 : 8 Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
  • Wacd 10:11-14 : 11 Haddii abeeso wax qaniinto iyadoo aan la falfalin, markaas ka dib falfalowgu waxtar ma leh. 12 Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan. 13 Erayada afkiisa bilowgoodu waa nacasnimo, oo dhammaadka hadalkiisuna waa waalli baas. 14 Nacasku hadalkiisa wuu badiyaa, waxa ahaan doona binu-aadmigu garan maayo, oo waxa dabadiis dhici doonana bal yaa u sheegi kara?
  • Mark 6:23-28 : 23 Kolkaasuu wuxuu ugu dhaartay, Wax alla wixii aad i weyddiisatidba, waan ku siinayaa ilaa boqortooyadayda badhkeed. 24 Markaasay baxday oo hooyadeed ku tidhi, Maxaan weyddiistaa? Oo waxay tidhi, Madaxa Yooxanaa Baabtiisaha. 25 Kolkiiba boqorkii ayay dhaqso ugu timid oo weyddiisatay iyadoo leh, Waxaan doonayaa haddaba madaxii Yooxanaa Baabtiisaha inaad xeedho igu siiso. 26 Markaasaa boqorkii aad u calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuusan doonaynin inuu diido. 27 Kolkiiba boqorkii wuxuu diray askari oo ku amray inuu madaxiisa soo qaado. Markaasuu tegay oo xabsiga madaxa kaga gooyay. 28 Madaxiisiina ayuu xeedho ku soo qaaday oo gabadhii siiyey, gabadhiina waxay siisay hooyadeed.
  • Fal 23:14-22 : 14 Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno. 15 Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii. 16 ¶ Laakiin Bawlos wiilkuu abtiga u ahaa wuxuu maqlay gaadmadoodii, markaasuu yimid oo qalcaddii galay oo Bawlos u warramay. 17 Markaasaa Bawlos wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyayaashii midkood oo ku yidhi, Wiilkan u gee sirkaalka sare, maxaa yeelay, war buu qabaa inuu u sheego. 18 Sidaas daraaddeed ayuu kaxeeyey oo u geeyey sirkaalkii sare oo ku yidhi, Bawlos oo maxbuuska ah ayaa ii yeedhay, oo wuxuu i weyddiistay inaan kuu keeno wiilka oo war qaba inuu kuu sheego. 19 Markaasaa sirkaalkii sare gacanta ku qabtay isagii oo gees ula leexday oo gooni ahaan u weyddiiyey isagoo leh, Waa maxay warkaad qabtaa inaad ii sheegtid? 20 Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii. 21 Haddaba yaanay ku oggolaysiin; maxaa yeelay, waxaa isagii gaadaya kuwa ka badan afartan nin oo iyaga ka mid ah, kuwaasoo nidar galay inayan wax cunin, waxna cabbin ilaa ay isaga dilaan; haddana diyaar bay yihiin, iyagoo ballanqaad kaa filanaya. 22 Haddaba sirkaalkii sare wiilkii buu iska diray isagoo ku amraya oo leh, Ninna ha u sheegin inaad waxyaalahan ii muujisay.
  • Xaak 11:35 : 35 Oo markuu arkay iyadii ayuu dharkiisii iska jeexjeexay, oo wuxuu yidhi, Hoogay gabadhaydiiyey! Hoos baad ii dhigtay, oo waxaad tahay kuwa i dhiba middood; waayo, Rabbigaan afkayga u furay, oo dibna uma aan noqon karo.
  • 1 Sam 14:24-46 : 24 ¶ Oo maalintaas dadka reer binu Israa'iil way dhibaataysnaayeen; laakiinse Saa'uul baa dadkii dhaariyey oo ku yidhi, Ilaa ay fiidkii noqoto, oo aan cadaawayaashayda ka aarsado ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Haddaba dadkii cunto ma dhadhamin innaba. 25 Oo dadkii oo dhammu waxay soo galeen duurkii, dhulkana waxaa yiil malab. 26 Oo markii dadkii soo galay duurkii ayaa malabkii soo dareeray, laakiinse ninna gacanta afka ma saarin, waayo, dadku waxay ka cabsadeen dhaartii. 27 Laakiinse Yoonaataan ma uu maqlin markii aabbihiis dadka dhaarta ku amray, sidaas aawadeed wuxuu soo fidiyey ushii gacanta ugu jirtay caaraddeedii, oo wuxuu daray malabkii, markaasuu gacantii afka saaray; oo indhihiisiina aad bay u iftiimeen. 28 Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen. 29 Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Aabbahay isagaa dalka dhibay, waan idin baryayaaye, bal eega sida indhahaygu u iftiimeen, maxaa yeelay, in yar baan ka dhadhamiyey malabkan. 30 Haddaba intee bay ka sii fiicnaan lahayd haddii dadku maanta ikhtiyaar wax uga cuni lahaayeen wixii ay cadaawayaashooda ka dhaceen ee ay heleen? Waayo, hadday sidaas ahaan lahayd reer Falastiin dhexdooda layn tan ka weyn baa ku dhici lahayd. 31 Oo maalintaas waxay reer Falastiin ku laayeen ilaa Mikmaash iyo tan iyo Ayaaloon; oo dadkuna aad bay u itaal darnaayeen. 32 Oo dadkiina wixii ay dhaceen ayay ku boodeen, oo waxay qaateen ido iyo dibi iyo weylo, oo dhulkay ku qasheen, markaasaa dadkii waxay cuneen hilibkii oo dhiig leh. 33 Dabadeedna waxaa loo sheegay Saa'uul, oo lagu yidhi, Bal eeg, dadku Rabbigay ku dembaabaan, markay cunaan hilib dhiig leh. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Aad baad u xadgudubteen, haddaba maanta ii soo giringiriya dhagax weyn. 34 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Dadka dhex gala, oo waxaad ku tidhaahdaan, Nin waluba halkan ha iigu keeno dibigiisa, nin walubana laxdiisa, oo halkan ku gowraca oo cuna; oo Rabbiga ha ku dembaabina intaad hilib dhiig leh cuntaan. Habeenkaas dadkii oo dhammu nin waluba wuxuu keenay dibigiisii, kolkaasay halkaas ku gowraceen. 35 Markaasaa Saa'uul wuxuu Rabbiga u dhisay meel allabari, oo taasuna waxay ahayd meeshii allabariga ee ugu horraysay uu Rabbiga u dhiso. 36 ¶ Saa'uulna wuxuu yidhi, Ina keena aynu reer Falastiin raacdaysannee oo habeennimo mirnee, oo tan iyo aroortii dhacnee, oo ninkoodna yeynan ka sii dayn. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Wax alla wixii kula wanaagsan samee. Markaasaa wadaadkii wuxuu yidhi, Ina keena aynu Rabbiga u dhowaannee. 37 Markaasaa Saa'uul Ilaah talo weyddiistay, oo wuxuu yidhi, Miyaan reer Falastiin raacdaystaa? Oo ma doonaysaa inaad iyaga soo geliso gacanta reer binu Israa'iil? Laakiinse maalintaas Ilaah uma uu jawaabin. 38 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Madaxda reer binu Israa'iil oo dhammay, soo dhowaada, oo maanta dembiganu wuxuu ku jiray bal soo ogaada oo soo eega. 39 Waayo, Rabbiga reer binu Israa'iil badbaadiya noloshiisaan ku dhaartaye, xataa hadduu ku jiray wiilkayga Yoonaataan, hubaal kaasu wuu dhiman doonaa. Laakiinse dadkii oo dhan laguma arag nin u jawaabay. 40 Markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Idinku dhan joogsada, aniga iyo wiilkayga Yoonaataanna dhanka kale ayaannu joogsanaynaa. Dadkiina waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Wixii kula wanaagsan samee. 41 Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu ku yidhi Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Saamiga runta ah na tus. Oo wuxuu saamigii ku dhacay Yoonaataan iyo Saa'uul, laakiinse dadkii way baxeen. 42 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Noo saami rida aniga iyo wiilkayga Yoonaataan. Dabadeedna saamigii wuxuu ku dhacay Yoonaataan. 43 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Bal ii sheeg waxaad samaysay. Oo Yoonaataan wuu u sheegay oo ku yidhi, Xaqiiqa in yar oo malab ah ayaan ku dhadhamiyey ushii gacanta iigu jirtay caaraddeedii; haddaba waa inaan dhintaa. 44 Markaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daran ha sameeyo, waayo, Yoonaataan, hubaal waa inaad dhimataa. 45 Oo dadkii waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Yoonaataan oo badbaadadan weyn ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, ma inuu dhintaa? Yaanay noqon; Rabbiga noloshiisaan ku dhaarannay ee waa inaan tin keliya oo madaxiisu dhulka ku dhicin; waayo, isagu wuxuu maanta la shaqeeyey Ilaah. Sidaasay dadkii u samatabbixiyeen Yoonaataan inuusan dhiman. 46 Markaasaa Saa'uul wuxuu ka hadhay reer Falastiin raacdaysigoodii; oo reer Falastiinna meeshoodii bay tageen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 6Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.

  • 84%

    12Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.

    13Erayada afkiisa bilowgoodu waa nacasnimo, oo dhammaadka hadalkiisuna waa waalli baas.

    14Nacasku hadalkiisa wuu badiyaa, waxa ahaan doona binu-aadmigu garan maayo, oo waxa dabadiis dhici doonana bal yaa u sheegi kara?

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 14Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.

  • 2Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.

  • 8Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

  • Maah 13:2-3
    2 aayado
    78%

    2Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa, Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.

    3Kii afkiisa dhawraa wuxuu dhawraa naftiisa, Laakiinse kii bushimihiisa aad u kala qaadaa wuu baabbi'i doonaa.

  • 23Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.

  • 77%

    18Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.

    19Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

  • 7Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.

  • 11Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.

  • 9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

  • 21Kii xaq ah bushimahiisu waxay masruufaan kuwa badan, Laakiinse nacasyadu waxgarashola'aantooda ayay u dhintaan.

  • Maah 14:7-8
    2 aayado
    75%

    7Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.

    8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.

  • 14Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.

  • 8Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

  • Maah 26:4-7
    4 aayado
    74%

    4Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.

    5Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.

    6Kii nacas gacantiis farriin u sii dhiibaa Cagahuu iska gooyaa oo khasaaruu cabbaa.

    7Sida lugaha curyaanku u laalaadaan Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

  • 23Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.

  • 7Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay, Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.

  • 2Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.

  • 23Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

  • 31Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.

  • 1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.

  • 2Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.

  • 28Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.

  • 28Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay, Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.

  • 15Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.

  • 9Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis, Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

  • 72%

    20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

    21Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.

  • 27Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.

  • 3Oo weliba kan nacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa, oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacas yahay.

  • 4Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.

  • 16Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.

  • 10Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa. Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 13Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa, Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa.

  • 7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.

  • 7Hadalkii weynu nacas uma eka, Sidaas oo kalena bushimihii been sheegaa amiir uma eka.

  • 14Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.

  • 22Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

  • 20Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa, Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha.