Maahmaahyadii 18:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 19:16 : 16 Waa inaadan dadkaaga xan kula dhex wareegin, oo waa inaadan deriskaaga dhiiggiisa hor joogsan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
  • Maah 16:28 : 28 Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.
  • Maah 26:20-22 : 20 Xaabola'aanta dabku waa bakhtiyaa, Oo meeshii aan mid xan badanu jooginna muranku waa ka joogsadaa. 21 Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan, Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa. 22 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
  • Sab 52:2 : 2 Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn, Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.
  • Maah 12:18 : 18 Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.
  • Sab 64:3-4 : 3 Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale, Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh, 4 Si ay meelo qarsoon kan qumman fallaadh ugaga ganaan, Haddiiba si kedis ah ayay ugu ganaan, mana cabsadaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    22Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

    23Bushimihii macaan iyo qalbigii shar lehba Waxay la mid yihiin weel dhoobo ah oo lagu dahaadhay lacag wasakhdeed.

  • 19Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.

  • 13Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.

  • Maah 18:6-7
    2 aayado
    78%

    6Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.

    7Nacaska afkiisu waa u baabba', Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.

  • 74%

    27Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.

    28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.

  • 74%

    27Ku alla kii bohol qodaaba isagaa ku dhex dhici doona, Oo kii dhagax giringiriyana, isaguu ku soo rogman doonaa.

    28Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay, Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.

  • 74%

    18Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.

    19Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

  • 18Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.

  • 73%

    11Haddii abeeso wax qaniinto iyadoo aan la falfalin, markaas ka dib falfalowgu waxtar ma leh.

    12Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.

  • 4Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.

  • 9Kii shuqulkiisa caajis ku ahu, Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.

  • Maah 6:18-19
    2 aayado
    71%

    18Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega,

    19Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.

  • 18Ninkii deriskiisa marag been ah ku furaa Waa sida budh iyo seef iyo fallaadh af badan oo kale.

  • Maah 23:8-9
    2 aayado
    71%

    8Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.

    9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

  • 71%

    19Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?

    20Xaabola'aanta dabku waa bakhtiyaa, Oo meeshii aan mid xan badanu jooginna muranku waa ka joogsadaa.

  • 8Carrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa.

  • 6Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.

  • 70%

    20Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa, Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha.

    21Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka, Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa.

  • 6Oo midkood hadduu i soo booqdona been buu ku hadlaa, Oo qalbigiisuna xumaatuu urursadaa; oo markuu dibadda u baxo ayuu ka warramaa.

  • 4Carrabka wanaagsanu waa geed nololeed Laakiinse carrabka qalloocan ayaa qalbigu ku jabaa.

  • 4Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer, Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.

  • 7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.

  • 2Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa, Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.

  • 20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • 23Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.

  • 9Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.

  • 28Markhaatigii waxmatare ahu gartuu quudhsadaa, Oo kan sharka leh afkiisuna wuxuu liqaa xumaan.

  • 5Ninkii deriskiisa faaniyaa Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa.

  • 16Waa inaadan dadkaaga xan kula dhex wareegin, oo waa inaadan deriskaaga dhiiggiisa hor joogsan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 3Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,

  • 10Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa. Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

  • 23Dabaysha woqooyi roob bay keentaa, Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.

  • 21Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale, Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal, Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen, Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.

  • 30Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka, Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.

  • 14Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh;

  • 14Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.

  • 7Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.

  • 2Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.