Wacdiyihii 10:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddii abeeso wax qaniinto iyadoo aan la falfalin, markaas ka dib falfalowgu waxtar ma leh.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 58:4-5 : 4 Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale, Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya, 5 Kaasoo aan maqlin codka saaxiriinta, Iyagoo si caqli ah u sixraya.
  • Yer 8:17 : 17 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa abeesooyin iyo jilbisyo aan la sixri karin, oo iyana way idin qaniini doonaan.
  • Yac 3:6 : 6 Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa.
  • Sab 64:3 : 3 Oo carrabkooda u afeeyey sidii seef oo kale, Oo fallaadhahoodii liishaamay kuwaas oo ah erayo qadhaadh,
  • Maah 18:21 : 21 Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka, Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa.
  • Sab 52:2 : 2 Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn, Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 77%

    12Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.

    13Erayada afkiisa bilowgoodu waa nacasnimo, oo dhammaadka hadalkiisuna waa waalli baas.

  • Wacd 10:8-10
    3 aayado
    76%

    8Kii god qodaa isagaa ku dhici doona, oo ku alla kii deyr dumiyana abeesaa qaniini doonta.

    9Ku alla kii dhagaxyo rujiyaaba wuu ku dhaawacmi doonaa, oo kii qoryo jejebiyaana isagaa khatar ku geli doona.

    10Haddii birtu af beesho, oo aan la soofayn, waa in xoog badan lagu sii kordhiyaa, laakiinse xigmaddu faa'iido bay leedahay si loogu liibaano.

  • Sab 58:4-5
    2 aayado
    75%

    4Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale, Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya,

    5Kaasoo aan maqlin codka saaxiriinta, Iyagoo si caqli ah u sixraya.

  • 32Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa.

  • 16Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada, Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.

  • 17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa abeesooyin iyo jilbisyo aan la sixri karin, oo iyana way idin qaniini doonaan.

  • 3Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale, Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)

  • 70%

    18Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.

    19Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

  • 9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

  • 8Laakiin ninna ma rabbayn karo carrabka; waa shar rogrogmada, oo waxaa ka buuxda sunta wax disha.

  • 19Waa sidii nin libaax ka cararay oo orso ka hor timid, ama intuu guri galay derbiga ku tiirsaday oo markaas abeeso gacanta ka qaniintay.

  • 31Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.

  • 69%

    18Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,

    19Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?

  • 3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.

  • Maah 18:7-8
    2 aayado
    69%

    7Nacaska afkiisu waa u baabba', Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.

    8Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

  • 10Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa. Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

  • 7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.

  • Room 3:13-14
    2 aayado
    68%

    13Hungurigoodu waa xabaal furan; Carrabbadooda wax bay ku khiyaaneeyeen; Bushimahooda waxaa ku hoos jira sun jilbis;

    14Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh;

  • 13In kastoo uu kaydsado, oo uusan iska sii dayn, Laakiinse uu afkiisa ku sii haysto,

  • 2Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 22Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

  • 7Sida lugaha curyaanku u laalaadaan Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

  • 9Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis, Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

  • 4Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.

  • 18Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.

  • 21Kii xaq ah bushimahiisu waxay masruufaan kuwa badan, Laakiinse nacasyadu waxgarashola'aantooda ayay u dhintaan.

  • 19Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.

  • 20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • 28Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay, Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.

  • 5Ninkii deriskiisa faaniyaa Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa.

  • 1¶ Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, Ilaah miyuu idinku yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal?

  • 17Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;

  • 28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.

  • 3Miyayse ku habboon tahay inuu ku xaajowdo hadal aan faa'iido lahayn, Amase hadallo uusan innaba wanaag ku samayn karin?

  • 1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.

  • 23Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed, Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.

  • 12Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay, Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.

  • 4Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.