Maahmaahyadii 15:5
Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.
Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
31Dhegtii canaanta nolosha maqashaa Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.
32Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.
20Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.
21Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.
18Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.
1Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.
17Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.
25Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.
1Ku alla kii edbinta jecelu aqoon buu jecel yahay, Laakiinse kii canaanta necebu waa doqon.
15Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha. Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa.
15Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.
16Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.
7Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
8Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,
10Kii jidka ka taga waa u taqsiir kulul, Oo kii canaanta necebuna wuu dhiman doonaa.
10Canaantu waxay ninkii garasho leh u tartaa In ka badan boqol jeedal oo nacas lagu dhuftay ay u taraan.
4Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.
5Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.
21Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.
5Nin intuu nacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsan inuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo.
7Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.
8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.
9Nacasyadu dembigay ku majaajiloodaan, Laakiinse kuwa qumman waxaa ku dhex jirta raallinimo.
8Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.
25Kan wax quudhsada garaac, oo garaadlaawaha ayaa miyir yeelan doona, Oo kii garasho leh canaano, oo isna aqoon buu sii korodhsan doonaa.
26Kii aabbihiis kharriba, hooyadiisna erya, Waa wiil ceeb keena oo cay soo jiida.
27Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.
22Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.
2Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.
16Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.
12Oo aad tidhaahdaan, Sidee baan edbin u nebcaaday, Oo qalbigayguna canaantii u quudhsaday!
15Usha iyo canaantu caqli bay keenaan, Laakiinse ilmihii layska daayaa ceeb buu hooyadiis u soo jiidaa.
16Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.
17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.
9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.
11Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin,
1Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.
14Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.
25Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen, Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin;
3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.
12Kii wax quudhsadaa ma jecla in la canaanto, Oo dooni maayo inuu kuwa caqliga leh u tago.
1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.
29Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa, Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.
23Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.
13¶ Boqor nacas ah oo gaboobay oo aan innaba mar dambe talo qaadan waxaa ka wanaagsan barbaar miskiin ah oo xigmad leh.
7Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa, Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.
16Lacagta nacaska gacantiisa ku jirtaa bal maxay u tartaa inuu xigmad ku soo iibsado, Waayo, isagu garasho ma leh?
5Ku alla kii miskiinka ku majaajiloodaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Kii belaayooyin ku farxaana ma taqsiir la'aan doono.
2Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.