Maahmaahyadii 15:31

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dhegtii canaanta nolosha maqashaa Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 15:5 : 5 Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.
  • Maah 25:12 : 12 Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.
  • Ish 55:3 : 3 Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa'uud u ballanqaaday.
  • Yoox 15:3-4 : 3 Durba waad nadiifsan tihiin hadalkaan idinkula hadlay daraaddiis. 4 Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydnan igu jirin.
  • 1 Yoox 2:19 : 19 Way inaga baxeen, laakiin kuweennii ma ay ahayn; hadday kuweennii ahaayeen, way inala joogi lahaayeen; laakiin way inaga baxeen oo taasaa caddaynaysa inaanay kulligood inaga mid ahayn.
  • Maah 19:20 : 20 Talada maqal, oo edbinta qaado, Si aad ugu dambaystaada caqli u yeelatid.
  • Maah 1:23 : 23 Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
  • Maah 9:8-9 : 8 Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye, Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa. 9 Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.
  • Maah 13:20 : 20 Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa, Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 32Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.

  • 12Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.

  • 17Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.

  • 5Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.

  • Wacd 7:4-5
    2 aayado
    78%

    4Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda.

    5Nin intuu nacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsan inuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo.

  • 15Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon, Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.

  • 18Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.

  • 5Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,

  • 10Kii jidka ka taga waa u taqsiir kulul, Oo kii canaanta necebuna wuu dhiman doonaa.

  • 1Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.

  • 33Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.

  • 17Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.

  • 10Canaantu waxay ninkii garasho leh u tartaa In ka badan boqol jeedal oo nacas lagu dhuftay ay u taraan.

  • 15Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.

  • 74%

    21Kii qalbigiisu caqli leeyahay waxaa loogu yeedhi doonaa mid miyir leh, Oo bushimaha macaankooduna waxbarashuu kordhiyaa.

    22Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.

    23Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

  • 1Ku alla kii edbinta jecelu aqoon buu jecel yahay, Laakiinse kii canaanta necebu waa doqon.

  • 8Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

  • 30Indhaha nuurkoodu qalbiguu ka farxiyaa, Oo warkii wanaagsanuna lafahuu barwaaqaysiiyaa.

  • 12Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.

  • 24Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh, Si uu uga tago She'oolka hoose.

  • 20Talada maqal, oo edbinta qaado, Si aad ugu dambaystaada caqli u yeelatid.

  • 1Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;

  • 33Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

  • 1Kii inta wax badan la canaanto ka madax adkaadaa, Dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.

  • 3Waayo, dhegtu waxay hadalka u kala soocdaa Sida dhabxanaggu cuntada u dhedhemiyo oo kale.

  • 3Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.

  • 25Kan wax quudhsada garaac, oo garaadlaawaha ayaa miyir yeelan doona, Oo kii garasho leh canaano, oo isna aqoon buu sii korodhsan doonaa.

  • 16Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal; Oo erayadayda codkooda dhegayso.

  • 2Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;

  • 14Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed, In dabinnada dhimashada laga leexdo.

  • 14Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.

  • 10Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.

  • 12Kii wax quudhsadaa ma jecla in la canaanto, Oo dooni maayo inuu kuwa caqliga leh u tago.

  • 2Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 13Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad, Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.

  • 11Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin,

  • 19Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.

  • 10Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda, Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.

  • 15Usha iyo canaantu caqli bay keenaan, Laakiinse ilmihii layska daayaa ceeb buu hooyadiis u soo jiidaa.

  • 17¶ Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya.

  • 9Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.

  • 11Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.

  • 7Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.

  • 8Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay, Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.

  • 5Ku alla kii amarka dhawra innaba waxyeello ma gaadhi doonto, oo ninka xigmadda leh qalbigiisuna wakhtiga iyo garsooriddaba wuu gartaa.

  • 13Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela, Iyo ninkii waxgarashada mulkiya.