Maahmaahyadii 18:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon, Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 15:14 : 14 Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.
  • Sab 119:97-99 : 97 Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa. 98 Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan. 99 Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga. 100 Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada. 101 Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro. 102 Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay. 103 Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin! 104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
  • Maah 1:5 : 5 Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,
  • Maah 4:5 : 5 Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.
  • Maah 4:7 : 7 Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.
  • Maah 9:9 : 9 Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.
  • Maah 10:14 : 14 Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.
  • Maah 23:23 : 23 Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.
  • Luuk 8:8-9 : 8 Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo soo baxeen, waxayna midho dhaleen boqol jibbaar. Goortuu waxan yidhi, ayuu qayliyey oo yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo. 9 ¶ Markaasaa xertiisii weyddiisay oo ku tidhi, Muxuu yahay masaalkan? 10 Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan.
  • Luuk 10:39 : 39 Waxayna lahayd walaal Maryan la odhan jiray, oo iyaduna waxay ag fadhiisatay cagihii Sayidka oo ereygiisa maqashay.
  • 2 Tim 3:15-17 : 15 tan iyo yaraantaadii waxaad garanaysay qorniinka quduuska ah oo badbaadada kugu garansiin kara rumaysadka Ciise Masiix lagu rumaysto. 16 Qorniin kastaa wuxuu ku ahaaday Ruuxa Ilaah oo waxtar buu u leeyahay waxbaridda, iyo canaanashada, iyo hagaajinta, iyo edbinta xagga xaqnimada; 17 in ninka Ilaah u ahaado mid dhan oo aad loogu diyaariyey shuqul kasta oo wanaagsan.
  • Yac 1:5 : 5 ¶ Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye.
  • 1 Boq 3:9 : 9 Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah i sii qalbi wax garanaya oo aan dadkaaga ku xukumo, si aan ku kala garto xumaanta iyo samaanta, waayo, bal yaa kara inuu dadkaagan badan xukumo?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.

  • Maah 1:4-6
    3 aayado
    82%

    4Si miyir loo siiyo garaadlaawaha, Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.

    5Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,

    6Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta, Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.

  • 14Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.

  • 80%

    21Kii qalbigiisu caqli leeyahay waxaa loogu yeedhi doonaa mid miyir leh, Oo bushimaha macaankooduna waxbarashuu kordhiyaa.

    22Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.

    23Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

  • 7Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.

  • 12Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.

  • 78%

    31Dhegtii canaanta nolosha maqashaa Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.

    32Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.

  • 23Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.

  • Maah 2:2-3
    2 aayado
    77%

    2Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;

    3Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid, Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;

  • 18Garaadlaawayaashu nacasnimay dhaxlaan, Laakiinse kuwii miyir leh waxaa madaxa loo saaraa taaj aqoon ah.

  • 10Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;

  • 14Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.

  • 16Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.

  • 15Kii garaaddaranu eray kasta wuu rumaystaa, Laakiinse kii miyir lahu socodkiisa aad buu u fiiriyaa.

  • 76%

    15Waxgarashadii wanaagsan raalli baa laga noqdaa, Laakiinse jidka khaayinnadu waa xun yahay.

    16Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.

  • 8Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay, Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.

  • 2Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.

  • Maah 14:6-8
    3 aayado
    75%

    6Kii wax quudhsadaa xigmad buu doondoonaa, mana helo, Laakiinse aqoontu waa u fudud dahay kii waxgarasho leh.

    7Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.

    8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.

  • 1Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;

  • 13Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela, Iyo ninkii waxgarashada mulkiya.

  • Maah 2:5-6
    2 aayado
    75%

    5Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.

    6Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.

  • 2Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada,

  • 8Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

  • 5Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.

  • 5Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer, Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona.

  • 5Garaadlaawayaashow, miyir lahaada, Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.

  • 4Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda.

  • 33Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

  • Ayuub 34:2-3
    2 aayado
    74%

    2Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla; Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.

    3Waayo, dhegtu waxay hadalka u kala soocdaa Sida dhabxanaggu cuntada u dhedhemiyo oo kale.

  • Maah 18:1-2
    2 aayado
    74%

    1Kii gooni isu soocaa, wuxuu doondoonaa damaciisa, Oo xigmadda oo dhanna wuu ku kacaa.

    2Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.

  • 15Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.

  • 9Iyagu dhammaantood waa u cad yihiin kii wax garanaya, Oo waana u qumman yihiin kuwa aqoonta hela.

  • 27Kii hadalkiisa yareeyaa, aqoon buu leeyahay, Oo kii qalbigiisu qabow yahayna waa nin garasho leh.

  • 12Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir, Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.

  • 18Waayo, xigmaddii badan caloolxumo badan baa ku jirta, oo kii aqoon korodhsadaana murug buu sii korodhsadaa.

  • 7Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.

  • 25Waxaan qalbigayga oo dhan u diyaariyey oo u soo jeediyey inaan ogaado, oo baadho, oo aan doondoono xigmad iyo wax kasta sababtiisa, iyo inaan ogaado in sharnimadu tahay nacasnimo, iyo in doqonnimadu tahay waalli.

  • 9Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.