Wacdiyihii 1:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, xigmaddii badan caloolxumo badan baa ku jirta, oo kii aqoon korodhsadaana murug buu sii korodhsadaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Wacd 12:12-13 : 12 Oo weliba, wiilkaygiiyow, waxyaalahan ku waano qaado. Buugag badan samayntoodu innaba dhammaad ma leh, oo waxbarashada badanuna jidhkay daalisaa. 13 ¶ Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wada maqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo, taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon.
  • 1 Kor 3:18-20 : 18 ¶ Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho. 19 Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa, 20 oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin.
  • Ayuub 28:28 : 28 Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.
  • Wacd 2:15 : 15 Oo haddana waxaan qalbigayga iska idhi, Wixii nacaska ku dhaca anigana way igu dhici doonaan, haddaba bal maxaan uga xigmad badnaaday? Markaasaan qalbigayga iska idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
  • Wacd 2:23 : 23 Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
  • Wacd 7:16 : 16 Aad xaq ha u noqon oo hana iska dhigin mid aad xigmad u leh, waayo, bal maxaad isu baabbi'inaysaa?
  • Yac 3:13-17 : 13 ¶ Kumaa idinku dhex jira oo xigmad iyo waxgarasho leh? Shuqulladiisa ha ku muujiyo dabiicaddiisa wanaagsan, isagoo leh qabowga xigmadda. 14 Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina. 15 Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada. 16 Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh. 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 1:13-17
    5 aayado
    85%

    13Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan.

    14Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

    15Wixii qalloocan lama toosin karo, oo wixii dhimmanna lama tirin karo.

    16Qalbigaygaan la hadlay, oo waxaan ku idhi, Bal eeg, anigu waxaan helay xigmad ka sii badan tii kuwii hortaydii Yeruusaalem u talin jiray oo dhan, oo qalbigaygu aad buu u arkay xigmad badan iyo aqoon dheer.

    17Waxaan qalbigayga siiyey inaan xigmad ogaado iyo inaan waalli iyo nacasnimo ogaado, oo waxaan gartay inay taasuna tahay dabagalka dabaysha oo kale.

  • 25Waxaan qalbigayga oo dhan u diyaariyey oo u soo jeediyey inaan ogaado, oo baadho, oo aan doondoono xigmad iyo wax kasta sababtiisa, iyo inaan ogaado in sharnimadu tahay nacasnimo, iyo in doqonnimadu tahay waalli.

  • Wacd 2:19-22
    4 aayado
    75%

    19Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    20Haddaba sidaas daraaddeed ayaan uga qalbi jabay wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan.

    21Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro.

    22Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba?

  • 26Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

  • Wacd 7:3-4
    2 aayado
    75%

    3Qosol waxaa ka wanaagsan murug, waayo, qalbigu wuxuu ku wanaagsanaadaa wejiga caloolxumadiisa.

    4Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda.

  • 12Oo weliba, wiilkaygiiyow, waxyaalahan ku waano qaado. Buugag badan samayntoodu innaba dhammaad ma leh, oo waxbarashada badanuna jidhkay daalisaa.

  • Maah 1:5-7
    3 aayado
    74%

    5Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,

    6Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta, Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.

    7Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.

  • Wacd 2:13-17
    5 aayado
    74%

    13Markaasaan gartay in xigmaddu ay ka sii fiican tahay nacasnimada, sida iftiinku uu gudcurka uga fiican yahay oo kale.

    14Ninkii xigmadda leh indhihiisu madaxiisay ku yaallaan, oo nacasku gudcur buu ku dhex socdaa, laakiinse waxaan gartay inuu isku wax dhammaantood ku dhoco.

    15Oo haddana waxaan qalbigayga iska idhi, Wixii nacaska ku dhaca anigana way igu dhici doonaan, haddaba bal maxaan uga xigmad badnaaday? Markaasaan qalbigayga iska idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

    16Waayo, kan xigmadda leh lama xusuusto ilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaa yeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhan waa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahu wuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!

    17¶ Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha.

  • 16Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado, Aad bay iigu xanuun badnayd,

  • Wacd 8:16-17
    2 aayado
    74%

    16¶ Markaan qalbigayga u soo jeedshay inaan xigmad garto, iyo inaan arko hawsha dhulka lagu sameeyo (waayo, waxaa jira mid aan habeen iyo maalin toona indhihiisa hurdo saarin),

    17markaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.

  • Maah 24:4-5
    2 aayado
    74%

    4Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.

    5Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.

  • 15Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon, Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.

  • 13Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela, Iyo ninkii waxgarashada mulkiya.

  • 18Xigmaddu waa ka fiican tahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa wax badan oo wanaagsan baabbi'iya.

  • 10Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;

  • 2Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada,

  • 18Garaadlaawayaashu nacasnimay dhaxlaan, Laakiinse kuwii miyir leh waxaa madaxa loo saaraa taaj aqoon ah.

  • 10Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda, Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • Wacd 7:11-12
    2 aayado
    73%

    11Xigmaddu sida dhaxal oo kale ayay u wanaagsan tahay, oo waa u faa'iido kuwa qorraxda arka.

    12Waayo, xigmaddu waxay wax u daafacdaa sida lacagtu wax u daafacdo oo kale, laakiinse aqoonta faa'iidadeedu waa in xigmaddu ay nabadgeliso kuwa iyada haysta.

  • 13Qalbigu xataa qosol waa ku murugoodaa, Oo farxad dhammaadkeeduna waa caloolxumo.

  • 8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?

  • 22Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.

  • 13¶ Oo xigmad caynkan ah ayaan qorraxda hoosteeda ku arkay, iyana way ila weynayd.

  • 9Sidaasaan u weynaa oo uga maal badnaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan, oo weliba xigmaddaydiina way igu hadhay.

  • 23¶ Waxyaalahan oo dhan xigmad baan ku tijaabiyey. Waxaan is-idhi, Xigmad baan yeelan doonaa, laakiinse xigmaddii way iga fogayd.

  • 7Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.

  • 21Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.

  • 11Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay?

  • 12Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?

  • 2¶ Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

  • 6Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.

  • 6Kii wax quudhsadaa xigmad buu doondoonaa, mana helo, Laakiinse aqoontu waa u fudud dahay kii waxgarasho leh.