Maahmaahyadii 1:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Si miyir loo siiyo garaadlaawaha, Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 8:5 : 5 Garaadlaawayaashow, miyir lahaada, Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.
  • Maah 8:12 : 12 Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir, Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.
  • Maah 8:17 : 17 Anigu kuwa i jecel waan jeclahay, Oo kuwa aad iyo aad ii doonaana way i heli doonaan.
  • Maah 8:32 : 32 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.
  • Maah 9:4-6 : 4 Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay, 5 Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba. 6 Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada, Oo jidka waxgarashadana mara.
  • Wacd 11:9-12:1 : 9 ¶ Barbaarkow, barbaarnimadaada ku farax, oo wakhtiga dhallinyaranimadaadana qalbigaagu ha ku istareexiyo, oo sida qalbigaagu doonayo oo ay indhahaagu arkaanba u soco, laakiinse waxaad ogaataa in Ilaah waxyaalahaas aawadood oo dhan kuu xukumi doono. 10 Haddaba sidaa daraaddeed qalbigaaga murugta ka durki, oo jidhkaagana xumaanta ka fogee, waayo, carruurnimada iyo dhallinyaranimaduba waa wax aan waxba tarayn. 1 ¶ Haddaba wakhtiga dhallinyaranimadaada Abuurahaaga xusuuso intaan maalmaha xumu kuu iman, ama ayan kuu soo dhowaan sannadaha aad odhan doonto, Sannadahan kuma istareexo,
  • Ish 35:8 : 8 Oo waxaa halkaas jiri doona jid weyn, oo waxaa jidka loo bixin doonaa Jidkii Quduusnimada, kuwa aan daahirsanaynuna ma mari doonaan, laakiinse waxaa leh kuwa isaga jidka la socda, oo xataa nacasyaduna kuma qaldami doonaan.
  • 2 Tim 2:22 : 22 Haddaba ka fogow damacyada xunxun ee dhallinyaronimada, laakiinse xaqnimo, iyo rumaysad, iyo jacayl, iyo nabad la raac kuwa Rabbiga uga yeedha qalbi daahir ah.
  • Titus 2:6 : 6 Ragga dhallinyarada ahna sidaas oo kale ku waani inay digtoonaadaan.
  • Sab 19:7 : 7 Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
  • Sab 34:11 : 11 Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta, Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.
  • Sab 119:9 : 9 Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
  • Sab 119:130 : 130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
  • Maah 1:22-23 : 22 Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan? Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan? Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan? 23 Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
  • Maah 2:10-11 : 10 Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada; 11 Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,
  • Maah 3:21 : 21 Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin. Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.
  • Maah 7:7-9 : 7 Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn, 8 Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda, 9 Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay. 10 Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay. 11 Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto. 12 Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa. 13 Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi, 14 Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed, Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey. 15 Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay. 16 Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey. 17 Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe. 18 Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno. 19 Waayo, ninkaygii guriga ma joogo, Oo meel fog buu u sodcaalay, 20 Kiish lacag ahna wuu qaatay, Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado. 21 Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda. 22 Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo, 23 Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado. 24 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 1:5-7
    3 aayado
    84%

    5Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,

    6Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta, Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.

    7Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.

  • Maah 1:2-3
    2 aayado
    84%

    2Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada,

    3In la helo edbinta ku saabsan xigmadda, Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;

  • Maah 2:9-11
    3 aayado
    77%

    9Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.

    10Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;

    11Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,

  • 5Garaadlaawayaashow, miyir lahaada, Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.

  • 18Garaadlaawayaashu nacasnimay dhaxlaan, Laakiinse kuwii miyir leh waxaa madaxa loo saaraa taaj aqoon ah.

  • Maah 2:5-6
    2 aayado
    75%

    5Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.

    6Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.

  • 75%

    21Kii qalbigiisu caqli leeyahay waxaa loogu yeedhi doonaa mid miyir leh, Oo bushimaha macaankooduna waxbarashuu kordhiyaa.

    22Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.

    23Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

  • Maah 9:9-10
    2 aayado
    75%

    9Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.

    10Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda, Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.

  • 9Iyagu dhammaantood waa u cad yihiin kii wax garanaya, Oo waana u qumman yihiin kuwa aqoonta hela.

  • 15Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon, Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.

  • Maah 2:1-2
    2 aayado
    74%

    1Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,

    2Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;

  • 7Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,

  • 4Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,

  • Maah 5:1-2
    2 aayado
    73%

    1Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;

    2Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.

  • 8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.

  • 16Ku alla kii garaaddaranu halkan ha u soo leexdo, Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,

  • 7Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.

  • 15Kii garaaddaranu eray kasta wuu rumaystaa, Laakiinse kii miyir lahu socodkiisa aad buu u fiiriyaa.

  • Maah 24:4-5
    2 aayado
    72%

    4Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.

    5Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.

  • 22Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan? Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan? Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan?

  • 1Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.

  • 12Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir, Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.

  • 25Kan wax quudhsada garaac, oo garaadlaawaha ayaa miyir yeelan doona, Oo kii garasho leh canaano, oo isna aqoon buu sii korodhsan doonaa.

  • 13Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela, Iyo ninkii waxgarashada mulkiya.

  • 32Waayo, garaadlaawayaasha dibunoqoshadooda ayaa iyaga dili doonta, Oo nacasyadana waxaa baabbi'in doonta barwaaqadooda.

  • 33Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

  • 130Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.

  • 26Waayo, caqligaas Ilaahiisaa ku tacliimiya, oo isaga bara.

  • 14Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.

  • 16Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.

  • 11Markii mid wax quudhsada la taqsiiro, garaadlaawahu wuu caqliyaystaa, Oo kii caqli leh marka la edbiyona aqoon buu helaa.

  • 2Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla; Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.

  • 12Odayaashu waxay leeyihiin xigmad, Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.

  • 21Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin. Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.

  • 12Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.

  • 23Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.

  • 17Haddaba afartaas nin oo dhallinyarada ahaa Ilaah wuxuu siiyey aqoon, iyo inay tacliin iyo xigmad oo dhan ku dheeraadaan; Daanyeelna wuxuu garan jiray waxyaalo la tuso iyo riyooyin oo dhan.

  • 3Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.