Ishacyaah 28:26
Waayo, caqligaas Ilaahiisaa ku tacliimiya, oo isaga bara.
Waayo, caqligaas Ilaahiisaa ku tacliimiya, oo isaga bara.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
12Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
8Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
9Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
22Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya; Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?
13Bal yaa Ruuxa Rabbiga la taliyey? Bal yaase intuu lataliyihiisii noqday isaga wax baray?
14Bal yuu isagu la tashaday? Oo bal yaa tacliimiyey, oo dhabbaha caddaaladda baray? Oo yaa aqoon baray, oo jidka waxgarashada tusay?
25Markuuse beerta ciiddeeda oo dhan wada simo miyuusan ku firdhin kabsarmadowda, oo miyuusan kamuunta firdhin, oo sarreenkana miyuusan safsaf u beerin, iyo shaciirkana meeshiisii, iyo heeddana xagga darafka?
22Bal ma Ilaah baa wax la baraa? Maxaa yeelay, isagaa xukuma xataa kuwa sare.
9Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.
3In la helo edbinta ku saabsan xigmadda, Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;
4Si miyir loo siiyo garaadlaawaha, Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.
5Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,
27Waayo, kabsarmadowda wax af leh laguma tumo, oo giringirta gaadhiguna kamuunta kuma kor wareegto, laakiinse kabsarmadowda siiqaa lagu garaacaa, oo kamuuntana ul baa lagu tumaa.
28Hadhuudhka kibista waa la tumaa, laakiinse had iyo goorba siima uu tumi doono, oo ma uu burburiyo in kastoo giringirta gaadhigiisa iyo fardihiisuba ay ku tuntaan.
29Oo taasuna waxay ka timaadaa Rabbiga ciidammada, kaasoo xagga talada yaab miidhan ah, oo xagga xigmaddana aad ugu weyn.
9Bal yuu aqoon bari doonaa? Bal yuuse warka garansiin doonaa? Ma kuwa caanihii laga gudhiyey oo naasaha laga duway baa?
10Waayo, amarba amar, amarba amar baa lagu daraa, oo qaynuunba qaynuun, qaynuunba qaynuun baa lagu daraa, halkan in yar, halkaasna in yar.
8Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd, Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
6Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
10Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda, Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.
10Kan quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo? Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?
22Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.
23Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.
6Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.
11Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda; Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.
12Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso, Oo aad sharcigaaga wax ka barto,
11Waxaan idin barayaa wax gacanta Ilaah ku saabsan, Oo waxa Ilaaha Qaadirka ah la jirana idinka qarin maayo.
12Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.
11Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin,
12Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.
3Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!
11Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,
24Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa; Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.
28Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.
12Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa, Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro Dunida la dego dusheeda oo dhan,
13Hadday tahay hagaajin aawadeed, ama dalkiisa aawadiis, Ama naxariis aawadeed, kolleyba wuxuu ka dhigay inay kuwaasu noqdaan.
9Iyagu dhammaantood waa u cad yihiin kii wax garanaya, Oo waana u qumman yihiin kuwa aqoonta hela.
22Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
17Rabbiga ah Bixiyihiinna oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idin bara waxa idiin wanaagsan oo idinku hoggaamiya jidkii aad mari lahaydeen.
11Oo wax na bara in ka sii badan xayawaanka dunida jooga, Oo weliba naga sii xigmad badiya haadda samada duusha?
17Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto, Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.
6Oo bal muu ku tuso waxyaalaha qarsoon ee xigmadda ah, Waayo, way badan yihiin. Haddaba bal ogow in Ilaah kaa jisaynayo in ka sii yar ciqaabta dembigaagu istaahilo.
66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
24Oo weliba kuwa xagga ruuxa ka qaldamaa garaad bay yeelan doonaan, oo kuwa iska gunuunacaana cilmi bay baran doonaan.
16Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,
23Ilaah ayaa jidkeeda garanaya, Oo isagaa meesheeda yaqaan.
10War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan, Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?
17Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.
4Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi, Qalbigaagu erayadayda ha xajisto; Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.