Sabuurradii 94:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso, Oo aad sharcigaaga wax ka barto,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 3:11-12 : 11 Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin, 12 Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.
  • Ayuub 5:17 : 17 Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto, Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.
  • Sab 119:71 : 71 Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo, Si aan qaynuunnadaada u barto.
  • 1 Kor 11:32 : 32 Markii layna xukumo, Rabbiga ayaa ina edbiya, inaan laynala xukumin dunida.
  • Cib 12:5-9 : 5 Waxaad illowdeen waanada idiinla hadasha sida wiilal oo kale. Wiilkaygiiyow, ha fududaysan Rabbiga edbintiisa, Hana itaal beelin kolkuu ku canaanto. 6 Waayo, ka uu Rabbigu jecel yahay ayuu edbiyaa, Wuuna karbaashaa wiil kasta oo uu aqbalo. 7 U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin? 8 Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin. 9 Oo weliba waxaynu lahayn aabbayaal xagga jidhka ah, oo ina edbiyey, oo waynu maamuusnay. Miyaynan intaas in ka badan ka dambaynayn Aabbaha ruuxyada oo aynaan noolaannayn? 10 Waayo, iyagu dhawr maalmood ayay inoo edbiyeen sidii la wanaagsanayd, laakiin isagu wuxuu inoo edbiya si inoo faa'iido ah si aynu uga qayb galno quduusnimadiisa. 11 Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah.
  • Muj 3:19 : 19 In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen.
  • Ayuub 33:16-25 : 16 Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa, 17 Si uu dadka uga soo celiyo qasdigooda xun, Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo, 18 Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yamayska, Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta. 19 Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira. 20 Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa. 21 Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan. 22 Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yamayska, Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa. 23 Hadday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah Oo ah mid kun ka mid ahu, Inay dadka tusto waxa ku qumman, 24 Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay, Yamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi, Waayo, furasho baan helay. 25 Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha; Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa.
  • Sab 119:67 : 67 Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.
  • Sharc 8:5 : 5 Oo waa inaad qalbigiinna kaga fikirtaan in Rabbigu idin edbiyo sida nin wiilkiisa u edbiyo.
  • Miik 6:9 : 9 ¶ Codkii Rabbigu magaalada buu u qaylinayaa, oo ninkii xigmad lahu magacaaga buu ka cabsan doonaa. Idinku usha maqla iyo kan soo dirayba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 13Si aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.

  • 12Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

  • 17Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto, Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.

  • Maah 3:11-13
    3 aayado
    79%

    11Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin,

    12Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.

    13Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela, Iyo ninkii waxgarashada mulkiya.

  • Cib 12:5-8
    4 aayado
    78%

    5Waxaad illowdeen waanada idiinla hadasha sida wiilal oo kale. Wiilkaygiiyow, ha fududaysan Rabbiga edbintiisa, Hana itaal beelin kolkuu ku canaanto.

    6Waayo, ka uu Rabbigu jecel yahay ayuu edbiyaa, Wuuna karbaashaa wiil kasta oo uu aqbalo.

    7U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin?

    8Laakiin haddaan laydinku edbin edbinta laga wada qayb galo, haddaba waxaad tihiin garacyo, oo wiilashiisii ma ihidin.

  • Sab 94:10-11
    2 aayado
    77%

    10Kan quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo? Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?

    11Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu Inay micnela'aan yihiin.

  • 5Oo waa inaad qalbigiinna kaga fikirtaan in Rabbigu idin edbiyo sida nin wiilkiisa u edbiyo.

  • 12Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.

  • 18Rabbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.

  • 1Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.

  • Cib 12:10-11
    2 aayado
    72%

    10Waayo, iyagu dhawr maalmood ayay inoo edbiyeen sidii la wanaagsanayd, laakiin isagu wuxuu inoo edbiya si inoo faa'iido ah si aynu uga qayb galno quduusnimadiisa.

    11Edbinina wakhtiga la joogo uma eka mid lagu farxo, laakiin waxay u eg tahay mid caloolxumo leh, laakiin dabadeedto waxay kuwii lagu edbiyey u dhashaa midho nabad iyo xaqnimo ah.

  • 24Rabbiyow, i edbi, si caddaalad ah mooyaane xanaaqaaga ha igu edbin, si aadan iiga dhigin wax aan waxba ahayn.

  • 68Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

  • 71Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo, Si aan qaynuunnadaada u barto.

  • 8Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.

  • 21Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.

  • 12Rabbiga ciidammadow, Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya.

  • 75Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin, Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 17Wiilkaaga edbi, oo isna wuu ku nasin doonaa, Haah, naftaada wuu ka farxin doonaa.

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 1¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?

  • 70%

    64Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

    65Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.

    66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.

  • 4Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa Ninka Rabbiga ka cabsadaa.

  • 16¶ Rabbiyow, markay dhibaataysnaayeen way ku doondooneen, oo markaad edbinaysayna aad bay kuu baryeen.

  • 1Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda.

  • 14Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.

  • 2Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.

  • 26Waayo, caqligaas Ilaahiisaa ku tacliimiya, oo isaga bara.

  • 12Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay, Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.

  • 20Carshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa, Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?

  • 14Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.

  • 10Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.

  • 18Wiilkaaga edbi intay rajo jirto, Laakiinse naftaada ha ku qasbin si uu u dhinto.

  • 4Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

  • 124Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.

  • 1Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.

  • 15Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh, Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,

  • 33Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.

  • 1Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.