Wacdiyihii 9:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yac 3:17-18 : 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji. 18 Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.
  • Bil 41:33-40 : 33 Haddaba Fircoonow, waxaad doontaa nin caqli iyo xigmad leh, oo u sarraysii dalka Masar oo dhan. 34 Tan yeel oo waxaad doorataa niman dalka u sarreeya, oo waxa toddobada sannadood oo barwaaqada ah dhulka ka baxa inta shanaad ha ururiyeen. 35 Oo cuntada oo dhan sannadahan wanaagsan oo imanaya ha ururiyeen, hadhuudhkana ha kugu hoos kaydiyeen, Fircoonow, oo intay cunto ahaan magaalooyinka u dhigaan, ha ilaaliyeen. 36 Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in. 37 Waxaasuna Fircoon way la wanaagsanaayeen, isaga iyo addoommadiisiiba. 38 Markaasaa Fircoon wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Miyaynu heli karaynaa mid la mid ah kan, oo ah nin Ruuxa Ilaah ku jiro? 39 Markaasuu Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Mar haddii Ilaah ku tusay waxyaalahan oo dhan, ma jiro mid sidaadoo kale caqli iyo xigmad u leh. 40 Adigu waxaad ka sarrayn doontaa gurigayga, dadkayga oo dhanna waxaa lagu xukumi doonaa si waafaqsan hadalkaaga, oo anigu carshiga oo keliya ayaan kaaga weynaan doonaa.
  • 1 Sam 7:3-6 : 3 Markaasaa Samuu'eel wuxuu la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigiinna oo dhan Rabbiga ugu soo noqotaan, de haddaba dhexdiinna ka fogeeya ilaahyada qalaad iyo Cashtarod, oo qalbiyadiinna u diyaariya Rabbiga oo keligiis u adeega; oo isna wuu idinka samatabbixin doonaa gacanta reer Falastiin. 4 Markaasaa reer binu Israa'iil iska fogeeyeen Bacaliim iyo Cashtarod, oo waxay u adeegeen Rabbiga keliya. 5 ¶ Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil oo dhan Misfaah ku soo wada ururiya, oo anna Rabbigaan idiin baryayaa. 6 Markaasay dhammaantood Misfaah ku soo wada urureen, oo intay biyo soo dhaamiyeen ayay Rabbiga hortiisa ku shubeen, oo maalintaasna way soomeen, oo waxay halkaas ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku dembaabnay Rabbiga. Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil ku xukumi jiray Misfaah.
  • Maah 28:23 : 23 Kii nin canaantaa wuxuu marka dambe heli doonaa Raallinimo ka badan kan carrabka ku faaniya.
  • Ish 42:2 : 2 Ma uu qaylin doono, korna uma dhawaaqi doono, oo codkiisana kama uu dhigi doono in jidadka laga maqlo.
  • Ish 42:4 : 4 Isagu ma uu taag darnaan doono, mana uu qalbi jabi doono, jeeruu caddaalad dhulka ku hagaajiyo, oo gasiiraduhuna waxay sugi doonaan sharcigiisa.
  • Yac 1:20 : 20 waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 9:15-16
    2 aayado
    84%

    15Haddana waxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh, oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey, laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusuusan.

    16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.

  • Wacd 7:4-6
    3 aayado
    80%

    4Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda.

    5Nin intuu nacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsan inuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo.

    6Waayo, qosolka nacasku waa sida qodxo dheri hoostiis ka jacjac leh, oo taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 11Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.

  • 78%

    27Kii hadalkiisa yareeyaa, aqoon buu leeyahay, Oo kii qalbigiisu qabow yahayna waa nin garasho leh.

    28Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.

  • 18Xigmaddu waa ka fiican tahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa wax badan oo wanaagsan baabbi'iya.

  • 9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

  • 33Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

  • 13¶ Boqor nacas ah oo gaboobay oo aan innaba mar dambe talo qaadan waxaa ka wanaagsan barbaar miskiin ah oo xigmad leh.

  • 23Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.

  • 19¶ Xigmaddu kan xigmadda leh way uga xoog badan tahay toban taliye oo magaalada jooga.

  • 9Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.

  • 24Kuwa caqliga leh taajkoodu waa maalkooda, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa nacasnimo keliya.

  • 14Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.

  • 10Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.

  • 7Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay, Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.

  • 8Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

  • 5Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,

  • 20Ma aragtay nin hadalkiisa ku degdega? Kaas waxaa ka rajo roon nacas.

  • 74%

    15Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.

    16Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.

  • 10Canaantu waxay ninkii garasho leh u tartaa In ka badan boqol jeedal oo nacas lagu dhuftay ay u taraan.

  • 2Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.

  • Maah 14:7-8
    2 aayado
    73%

    7Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.

    8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.

  • 12Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.

  • 24Xigmaddu waxay hor joogtaa kii garasho leh; Laakiinse nacaska indhihiisu waxay eegaan dhulka darafkiisa.

  • 16Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.

  • 19Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

  • 1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.

  • 9Xanaaq ha ku degdegin, waayo, xanaaqu wuxuu ku jiraa laabta nacasyada.

  • Wacd 2:13-14
    2 aayado
    72%

    13Markaasaan gartay in xigmaddu ay ka sii fiican tahay nacasnimada, sida iftiinku uu gudcurka uga fiican yahay oo kale.

    14Ninkii xigmadda leh indhihiisu madaxiisay ku yaallaan, oo nacasku gudcur buu ku dhex socdaa, laakiinse waxaan gartay inuu isku wax dhammaantood ku dhoco.

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 15Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon, Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.

  • 7Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.

  • 3Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.

  • 14Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.

  • 29Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay; Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.

  • 2Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla; Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.

  • 16Waayo, kan xigmadda leh lama xusuusto ilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaa yeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhan waa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahu wuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!

  • 17Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.

  • 7Hadalkii weynu nacas uma eka, Sidaas oo kalena bushimihii been sheegaa amiir uma eka.

  • 14Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.

  • 6Sacab muggiis oo xasilloonaan lagu helo ayaa ka wanaagsan laba sacab oo hawl iyo dabagalka dabaysha lagu helo.

  • 16Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.

  • 22Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.