Wacdiyihii 7:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 22:14 : 14 Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.
  • Maah 5:3-5 : 3 Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay, 4 Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh. 5 Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,
  • Maah 2:16 : 16 In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,
  • Maah 2:18-19 : 18 Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay. 19 Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo, Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.
  • Wacd 2:26 : 26 Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Xaak 16:18-21 : 18 Deliilaahna markay ogaatay inuu u wada sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan ayay u cid dirtay oo u yeedhay amiirradii reer Falastiin, oo waxay ku tidhi, Bal markan ii kaalaya, waayo, wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan wuu ii sheegay. Markaasay amiirradii reer Falastiin iyadii u yimaadeen oo lacagtiina gacantooday ugu soo qaadeen. 19 Markaasay intay isagii ku seexisay jilbaheedii, ayay nin u yeedhatay, oo waxay ka xiirtay toddobadii raamood ee madaxiisa, dabadeedna waxay bilowday inay saxariiriso, oo xooggiisiina waa ka tegey. 20 Markaasay ku tidhi, Samsoonow, reer Falastiin waa ku hayaan. Kolkaasuu hurdadiisii ka soo toosay, oo wuxuu yidhi, Sidii mararkii kale ayaan bixi doonaa oo isgilgili doonaa. Laakiinse isma uu ogayn in Rabbigu ka tegey isaga. 21 Markaasay reer Falastiin isagii qabteen, indhihiisiina way ka rideen, kolkaasay isagii keeneen Gaasa, oo waxay ku xidheen silsilado naxaas ah; oo isna wax buu ku ridqi jiray xabsiga.
  • Maah 23:27-28 : 27 Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah. 28 Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.
  • Maah 7:21-27 : 21 Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda. 22 Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo, 23 Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado. 24 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta. 25 Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina. 26 Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan, Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin. 27 Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.
  • Maah 9:18 : 18 Laakiinse isagu garan maayo in kuwii dhintay ay halkaas joogaan, Iyo in martideedii ay She'ool guntiisa ku jiraan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 7:27-28
    2 aayado
    81%

    27Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Bal eega, si aan sababta u garto ayaan midba mid ku daray oo waxaasaan soo helay.

    28Oo weliba waan sii doondoonayaa, laakiinse ma aan helo. Kun nin dhexdood ayaan nin qudha ka helay, laakiinse kuwaas oo dhan xataa naag qudha kama helin.

  • Maah 5:3-6
    4 aayado
    78%

    3Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,

    4Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.

    5Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,

    6Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,

  • Maah 6:24-26
    3 aayado
    77%

    24Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.

    25Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.

    26Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.

  • Maah 7:25-27
    3 aayado
    76%

    25Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.

    26Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan, Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.

    27Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.

  • Maah 7:10-13
    4 aayado
    75%

    10Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.

    11Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.

    12Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.

    13Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,

  • 25Waxaan qalbigayga oo dhan u diyaariyey oo u soo jeediyey inaan ogaado, oo baadho, oo aan doondoono xigmad iyo wax kasta sababtiisa, iyo inaan ogaado in sharnimadu tahay nacasnimo, iyo in doqonnimadu tahay waalli.

  • Maah 2:16-19
    4 aayado
    75%

    16In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,

    17Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda, Oo illowda axdigii Ilaaheeda;

    18Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.

    19Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo, Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.

  • Maah 7:21-23
    3 aayado
    75%

    21Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.

    22Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,

    23Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.

  • 5Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.

  • 14Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.

  • 73%

    27Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.

    28Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.

  • Maah 3:17-18
    2 aayado
    73%

    17Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.

    18Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.

  • 33Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.

  • 20Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?

  • 22Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.

  • 35Waayo, ku alla kii i helaa wuxuu helaa nolol, Oo Rabbiguna raalli buu ka ahaan doonaa.

  • 19In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.

  • 8Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,

  • 71%

    30Suuradwacnaantu waa khiyaano miidhan, oo quruxduna waa ceeryaamo oo kale, Laakiinse naagtii Rabbiga ka cabsata waa la ammaani doonaa.

    31Midhihii gacmaheeda wax ka siiya, Oo shuqulladeeduna iyada ha ku ammaaneen irdaha magaalada.

  • 16Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.

  • 23Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.

  • 32Waxaad la mid tahay naag nin leh oo sinaysata oo niman qalaad ninkeeda uga hor marta!

  • 10Bal yaa heli kara naag wanaagsan? Waayo, qiimaheedu waa ka sii badan yahay xataa luul.

  • 22Ku alla kii afo helaa wuxuu helaa wax wanaagsan, Oo Rabbigana raallinimuu ka helaa.

  • 9Haddii qalbigayga ay naagu sasabatay, Oo aan albaabka deriskayga ku ag dhuuntay,

  • 7Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay.

  • 6Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.

  • 8Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,

  • 32Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay, Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa.

  • 6Laakiin tii raaxaysi u noolaataa waa meyd intay nooshahay.

  • 9In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.