Maahmaahyadii 2:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 6:24 : 24 Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.
  • Maah 23:27 : 27 Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.
  • Wacd 7:26 : 26 Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.
  • Maah 7:5-9 : 5 Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata. 6 Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey, 7 Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn, 8 Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda, 9 Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay. 10 Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay. 11 Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto. 12 Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa. 13 Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi, 14 Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed, Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey. 15 Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay. 16 Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey. 17 Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe. 18 Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno. 19 Waayo, ninkaygii guriga ma joogo, Oo meel fog buu u sodcaalay, 20 Kiish lacag ahna wuu qaatay, Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado. 21 Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda. 22 Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo, 23 Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.
  • Bil 39:3-9 : 3 Sayidkiisiina wuu arkay in Rabbigu liibaaniyey wixii uu sameeyey oo dhan. 4 Isaguna raalli buu Yuusuf ka ahaa, Yuusufna waa u adeegi jiray, oo wuxuu isagii ka dhigay kan gurigiisa u sarreeya, wixii uu haystay oo dhanna gacantiisuu wada geliyey. 5 Oo waxay noqotay in wakhtigii uu ka dhigay kan u sarreeya gurigiisa iyo wixii uu haystay oo dhan, uu Rabbigu gurigii kii Masriga ahaa u barakeeyey Yuusuf aawadiis, wixii uu guriga iyo beertaba ku haystay oo dhanna barakada Rabbigaa saarnayd. 6 Wixii uu lahaa oo dhanna Yuusuf gacantiisuu kaga tegey. Waxbana kama ogayn wixii uu hayay, wixii uu cuni jiray mooyaane. Yuusufna aad buu u quruxsanaa, wuuna suurad wanaagsanaa. 7 Oo waxay noqotay waxyaalahaas ka dib in naagtii sayidkiisu ay fiirisay Yuusuf, oo ay ku tidhi, Kaalay ila jiifso. 8 Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu ku yidhi naagtii sayidkiisa, Bal eeg, sayidkaygu waxba kama oga waxa aan guriga ku hayo; wixiisii oo dhanna gacantayduu wada geliyey; 9 oo weliba gurigan mid aniga iga weynu ma joogo, oo isaguna waxba igalama hadhin adiga mooyaane, maxaa yeelay, adigu waxaad tahay naagtiisii, de haddaba sidee baan u samayn karaa xumaantan weyn, oo aan Ilaah ugu dembaabaa? 10 Oo waxay noqotay, in kastoo ay maalinba maalinta ka dambaysa la hadlaysay Yuusuf, inuu maqli waayay inuu la jiifsado ama uu la joogo iyadii. 11 Oo waxay noqotay haddaa oo kale, inuu gurigii galay inuu shuqulkiisii qabsado, nimankii gurigana midna gudaha ma joogin. 12 Kolkaasay qabsatay dharkiisii, oo waxay ku tidhi, Ila jiifso. Isaguse dharkiisii gacanteeduu kaga tegey, wuuna cararay oo baxay.
  • Nex 13:26-27 : 26 War Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil sow isba waxyaalahan kuma dembaabin? In kastoo aan quruumo badan dhexdooda boqor isagoo kala ah laga heli karin, oo uu Ilaahiisuna jeclaa, oo uu Ilaah ka dhigay boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan, haddana xataa isagii waxaa dembaajiyey naago qalaad. 27 Haddaba miyaannu idin dhegaysannaa si aannu sharkan oo dhan u samayno oo intaan naago qalaad guursanno miyaannu Ilaahayaga ku xadgudubnaa?
  • Maah 5:3-9 : 3 Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay, 4 Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh. 5 Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool, 6 Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid, 7 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina. 8 Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan, 9 Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin, 10 Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin, 11 Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan, 12 Oo aad tidhaahdaan, Sidee baan edbin u nebcaaday, Oo qalbigayguna canaantii u quudhsaday! 13 Codkii macallimiintaydii ma aan addeecin, Oo dhegtana uma aan dhigin kuwii wax i baray! 14 Anigu waxaan u dhowaa inaan shar kasta falo Anigoo ku dhex jira shirka iyo ururka. 15 Berkeddaada biyo ka cab, Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab. 16 Ma hagaag baa in ilahaagu dibadda u daataan. Oo ay durdurraduna dariiqyada maraan? 17 Iyagu ha ahaadeen kuwaaga oo keliya, Oo yaanay u ahaan shisheeyayaal adiga kula jira. 18 Ishaadu ha barakaysnaato, Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow. 19 Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow. 20 Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?
  • Maah 22:14 : 14 Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.
  • Maah 29:5 : 5 Ninkii deriskiisa faaniyaa Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 5Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.

  • Maah 6:24-26
    3 aayado
    88%

    24Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.

    25Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.

    26Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.

  • Maah 5:19-20
    2 aayado
    82%

    19Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.

    20Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?

  • Maah 2:11-12
    2 aayado
    80%

    11Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,

    12Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah, Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,

  • Maah 5:2-4
    3 aayado
    79%

    2Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.

    3Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,

    4Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.

  • Maah 2:17-18
    2 aayado
    79%

    17Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda, Oo illowda axdigii Ilaaheeda;

    18Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.

  • Yex 16:32-35
    4 aayado
    78%

    32Waxaad la mid tahay naag nin leh oo sinaysata oo niman qalaad ninkeeda uga hor marta!

    33Iyagu dhillo kasta hadiyad bay siiyaan, laakiinse adigu waxaad hadiyadahaaga siisaa kuwa ku caashaqa oo dhan, oo laaluush baad u siisaa inay dhinac kasta kaaga yimaadaan dhillanimadaada aawadeed.

    34Oo adigu naagaha kale waad ka duwan tahay xagga dhillanimadaada, waayo, laguuma soo raaco in lagaa sinaysto aawadeed, oo kiro baad u siisaa, iyadoo aan ciduna kiro ku siin, oo sidaas daraaddeed waad ka duwan tahay dhillooyinka kale oo dhan.

    35¶ Haddaba dhillo yahay, bal erayga Rabbiga maqal:

  • 14Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.

  • Maah 7:21-22
    2 aayado
    78%

    21Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.

    22Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,

  • 15Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,

  • Maah 5:6-9
    4 aayado
    76%

    6Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,

    7Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.

    8Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,

    9Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,

  • 27Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.

  • Maah 4:5-6
    2 aayado
    76%

    5Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.

    6Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.

  • 33Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.

  • 25Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.

  • 16Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.

  • Maah 7:10-12
    3 aayado
    74%

    10Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.

    11Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.

    12Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.

  • 24Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.

  • 26Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.

  • 13Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.

  • 16Ku alla kii garaaddaranu halkan ha u soo leexdo, Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,

  • 33Sidee baad jidkaaga u hagaajisaa markaad caashaq doondoonto? Sidaas daraaddeed xataa naagaha xunxunna jidadkaagaad bartay.

  • 17Iyagu ha ahaadeen kuwaaga oo keliya, Oo yaanay u ahaan shisheeyayaal adiga kula jira.

  • 15Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;

  • 20Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan, Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.

  • 20Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.

  • 11I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha, Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.

  • 5Deris ha isku hallaynina, saaxiibna ha ku kalsoonaanina, afkaagana ka xidho tan laabtaada ku jiifta.

  • 25Waaba intaas oo aad jidkiisa baratid, Oo aad naftaadana dabin ku riddid.

  • 17Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.

  • 2Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.

  • 15Ka leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar.

  • 8Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,