Maahmaahyadii 7:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 38:14-15 : 14 Markaasay iska dhigtay dharkii carmalinimadeeda, oo waxay hagoogatay indhashareerteedii, oo intay isdedday ayay waxay fadhiisatay iriddii Cenayim, oo ku ag tiil jidka loo maro Timnaad, waayo, waxay aragtay inuu Sheelaah weynaaday, oo aan loo guurin iyada. 15 Markii Yahuudah arkay ayuu u maleeyey inay dhillo tahay; maxaa yeelay, wejigeeday qarisay.
  • 1 Tim 2:9 : 9 Sidaas oo kalena naaguhu waa inay, iyagoo xishoonaya oo digtoon, isku sharraxaan dhar qof xishood leh ku habboon, oo ayan isku sharraxin timo tidcan, iyo dahab ama luul ama dhar qaali ah.
  • Muj 17:3-5 : 3 ¶ Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees. 4 Oo naagtuna waxay qabtay dhar midabkiisu yahay casaan iyo guduud, oo waxaa kaloo ay ku sharraxnayd dahab iyo dhagaxyo qaali ah iyo luul, oo waxay gacanta ku haysatay koob dahab ah oo waxyaalihii karaahiyada ahaa ka buuxaan, kuwaas oo ahaa waxyaalihii nijaasta ahaa oo sinadeeda, 5 oo waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida.
  • Bil 3:1 : 1 ¶ Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, Ilaah miyuu idinku yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal?
  • 2 Boq 9:22 : 22 Oo markii Yooraam Yeehuu arkay ayuu ku yidhi, War Yeehuu, ma nabad baa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, War xaggee nabadu joogtaa inta hooyadaa Yesebeel dhillanimadeedii iyo sixirnimadeediiba ay aad u badan yihiin?
  • 2 Boq 9:30 : 30 ¶ Oo Yeehuu markuu Yesreceel yimid ayaa Yesebeel maqashay, markaasay intay indhakuulatay oo gambaysatay daaqaddii ka fiirisay.
  • Ish 3:16-24 : 16 ¶ Oo weliba Rabbigu wuxuu yidhi, Gabdhaha Siyoon waa kibirsan yihiin, oo waxay socdaan iyagoo madax taagan oo indhaha ku baaqaya, oo qaadaya tallaabooyin yaryar oo degdeg ah, dugaagadaha cagahana way ka shanqadhiyaan, 17 haddaba sidaas daraaddeed gabdhaha Siyoon madaxooda dhaladiisa Sayidku wuxuu u yeeli doonaa canbaar, oo wuxuu muujin doonaa cawradooda. 18 Oo maalintaas Sayidku wuxuu iyaga ka qaadi doonaa quruxda dugaagadaha cagahooda, iyo shabagyada timaha, iyo bilaha, 19 iyo waxa dhegaha la sudho, iyo sindiyada, iyo indhashareeryada, 20 iyo waxa madaxa lagu sharraxo, iyo silsiladaha lugaha, iyo waxa madaxa lagu xidho, iyo weelasha cadarka, iyo qardhaasaha, 21 iyo kaatummada, iyo sangelisyada, 22 iyo dharka lagu iido, iyo shaadirrada, iyo go'yaasha, iyo boorsooyinka, 23 iyo muraayadaha, iyo dharka wanaagsan, iyo garbasaarrada, iyo gambooyinka. 24 Oo waxay noqon doontaa in meeshii ay ka carfi jireen ay ka qudhmuunaan doonaan, oo meeshii ay dhex-xidh ka xidhan jireenna xadhig bay dhexda ku xidhan doonaan, oo meeshii ay timo wanaagsan ka lahaayeenna waa looga xiiri doonaa, oo meeshii ay maro wanaagsan ka guntan jireenna, joonyad bay ka guntan doonaan, oo meeshii ay quruxda ka lahaayeenna waa laga sunti doonaa.
  • Ish 23:16 : 16 Dhilladii la illoobayay, kataarad qaado, oo magaalada ku dhex wareeg, oo luuq macaan luuqee, oo heeso badan hees, si lagugu soo xusuusto aawadeed.
  • Yer 4:30 : 30 Oo markii lagu dhoco bal maxaad samayn doontaa? In kastoo aad dhar guduudan xidhatid, iyo in kastoo aad dahab isku sharraxdid, iyo in kastoo aad indhakuul iska badisidba, waxtarla'aan baad isu qurxinaysaa, waayo, kuwii ku caashaqi jiray way ku wada quudhsadaan, oo waxay doonayaan inay nafta kaa qaadaan.
  • 2 Kor 11:2-3 : 2 Waxaan idiinku masayrsanahay masayr xagga Ilaah ah, waayo, waxaan idiin guuriyey nin keliya, inaan idiin dhiibo Masiix idinkoo ah bikrad daahir ah. 3 Laakiin waxaan ka baqayaa in maankiinna laga halleeyo lillaahinimada iyo daahirnimada xagga Masiix, sidii abeesadii xeeladdeedii Xaawa ugu khiyaanaysay oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 7:11-13
    3 aayado
    82%

    11Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.

    12Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.

    13Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,

  • Maah 7:5-9
    5 aayado
    81%

    5Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.

    6Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey,

    7Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,

    8Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,

    9Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay.

  • Maah 7:20-22
    3 aayado
    77%

    20Kiish lacag ahna wuu qaatay, Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado.

    21Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.

    22Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,

  • Wacd 7:26-27
    2 aayado
    74%

    26Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.

    27Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Bal eega, si aan sababta u garto ayaan midba mid ku daray oo waxaasaan soo helay.

  • Maah 6:24-26
    3 aayado
    74%

    24Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.

    25Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.

    26Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.

  • Maah 7:25-27
    3 aayado
    73%

    25Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.

    26Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan, Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.

    27Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.

  • 27Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.

  • 16In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,

  • 20Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.

  • 14Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda, Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,

  • 32Waxaad la mid tahay naag nin leh oo sinaysata oo niman qalaad ninkeeda uga hor marta!

  • 33Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.

  • 35¶ Haddaba dhillo yahay, bal erayga Rabbiga maqal:

  • 16¶ Markaasaa waxaa boqorkii u yimid oo is-hor taagay laba naagood oo dhillooyin ah.

  • 20Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?

  • 15Markii Yahuudah arkay ayuu u maleeyey inay dhillo tahay; maxaa yeelay, wejigeeday qarisay.

  • 8Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,

  • 4Oo naagtuna waxay qabtay dhar midabkiisu yahay casaan iyo guduud, oo waxaa kaloo ay ku sharraxnayd dahab iyo dhagaxyo qaali ah iyo luul, oo waxay gacanta ku haysatay koob dahab ah oo waxyaalihii karaahiyada ahaa ka buuxaan, kuwaas oo ahaa waxyaalihii nijaasta ahaa oo sinadeeda,

  • Maah 9:3-4
    2 aayado
    70%

    3Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,

    4Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,

  • 14Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.

  • 22Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.

  • 9Haddii qalbigayga ay naagu sasabatay, Oo aan albaabka deriskayga ku ag dhuuntay,

  • Maah 5:3-4
    2 aayado
    69%

    3Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,

    4Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.

  • 30Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu taag yaraa markaad samaysid waxyaalahaas oo dhan, waxaas oo ah dhillo caasiyad ah shuqulkeed!

  • Bil 38:21-22
    2 aayado
    69%

    21Markaasuu weyddiiyey dadkii degganaa meesheedii, oo wuxuu ku yidhi, Meeday dhilladii joogi jirtay Cenayim jidka dhinaciisa? Kolkaasay iyana ku yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin.

    22Markaasuu ku noqday Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Iyadii waan waayay, dadkii meeshaa degganaana waxay igu yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin.

  • 9Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.

  • Yex 23:42-43
    2 aayado
    69%

    42Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen.

    43Markaasaan tii sinada ku gabowday ka idhi, Miyey haddana ka sinaysan doonaan, oo iyaduse miyey iyaga ka dhillaysan doontaa?

  • 33Sidee baad jidkaaga u hagaajisaa markaad caashaq doondoonto? Sidaas daraaddeed xataa naagaha xunxunna jidadkaagaad bartay.

  • 4maxaa yeelay, waa dhillanimadii faraha badnayd oo ay fashay dhilladii aad loo jeclaa oo ah sayidaddii sixirrada, oo quruumo ku iibisa dhillanimadeeda, oo reerona ku iibisa sixirradeeda.

  • 2Waxay taagan tahay meelaha sarreeya Oo jidka agtiisa ah, meesha waddooyinku ku kulmaan.

  • 10Waa tuma tan u soo muuqata sida kaaha waaberiga, Oo sida dayaxa u qurxoon, Ee sida qorraxda u daahirsan, Oo haddana looga cabsado sida ciidan calammo sita oo kale?

  • 15Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.

  • 15¶ Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.