Yexesqeel 16:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu taag yaraa markaad samaysid waxyaalahaas oo dhan, waxaas oo ah dhillo caasiyad ah shuqulkeed!

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 3:3 : 3 Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.
  • Yer 4:22 : 22 Waayo, dadkaygu waa nacasyo, oo aniga ima ay yaqaaniin. Iyagu waa carruur caqlidaran, oo innaba waxgarasho ma leh. Inay xumaan sameeyaan way u caqli badan yihiin, laakiinse inay samaan sameeyaan innaba aqoon uma leh.
  • Maah 9:13 : 13 Naagta nacasadda ahu waa qaylo badan tahay, Iyadu way garaaddaran tahay, oo waxba ma taqaan.
  • Ish 1:3 : 3 Dibigu kan isaga leh wuu yaqaan, oo dameerkuna waa yaqaan meeshuu wax ka cuno ee sayidkiisa, laakiinse reer binu Israa'iil waxba ma yaqaaniin, oo dadkayguna waxba garan maayaan.
  • Ish 3:9 : 9 Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.
  • Yer 2:12-13 : 12 Rabbigu wuxuu leeyahay, Samooyinkow, bal waxan la yaaba, oo aad iyo aad u cabsada, oo haddana aad u gariira. 13 Waayo, dadkaygii laba waxyaalood oo shar ah ayay sameeyeen, way iga tageen anigoo ah isha biyaha nool, oo waxay qoteen berkedo daldaloola oo aan innaba biyo celin karin.
  • Muj 17:1-6 : 1 ¶ Markaasaa waxaa timid toddobadii malaa'igood oo toddobada fijaan haystay middood, oo way ila hadashay, waxayna igu tidhi, Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa xukunka dhillada weyn oo biyaha badan ku dul fadhida, 2 taasoo boqorrada dunidu ay ka sinaysteen, oo kuwa dunida degganuna ay khamrigii sinadeeda ku sakhraameen. 3 ¶ Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees. 4 Oo naagtuna waxay qabtay dhar midabkiisu yahay casaan iyo guduud, oo waxaa kaloo ay ku sharraxnayd dahab iyo dhagaxyo qaali ah iyo luul, oo waxay gacanta ku haysatay koob dahab ah oo waxyaalihii karaahiyada ahaa ka buuxaan, kuwaas oo ahaa waxyaalihii nijaasta ahaa oo sinadeeda, 5 oo waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida. 6 Markaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay.
  • Xaak 16:15-16 : 15 Markaasay isagii ku tidhi, Sidee baad u odhan kartaa, Waan ku jeclahay, adigoo aanu qalbigaagu ila jirin? Bal eeg, saddex jeer baad igu majaajilootay oo iimana aad sheegin meesha xooggaaga weynu ku jiro. 16 Oo markay maalin walba hadalkeedii ku sii cadaadisay, oo ay ku adkaysay, ayaa naftiisii cidhiidhi gashay ilaa dhimasho.
  • Maah 7:11-13 : 11 Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto. 12 Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa. 13 Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,
  • Maah 7:21 : 21 Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 16:31-38
    8 aayado
    85%

    31Oo jid kasta madaxiisa waxaad ka dhisataa qudbad, oo jid kastana waxaad ka samaysataa meel sare, oo weliba ma aadan ahayn sidii dhillo oo kale, waayo, adigu kirada waad quudhsataa.

    32Waxaad la mid tahay naag nin leh oo sinaysata oo niman qalaad ninkeeda uga hor marta!

    33Iyagu dhillo kasta hadiyad bay siiyaan, laakiinse adigu waxaad hadiyadahaaga siisaa kuwa ku caashaqa oo dhan, oo laaluush baad u siisaa inay dhinac kasta kaaga yimaadaan dhillanimadaada aawadeed.

    34Oo adigu naagaha kale waad ka duwan tahay xagga dhillanimadaada, waayo, laguuma soo raaco in lagaa sinaysto aawadeed, oo kiro baad u siisaa, iyadoo aan ciduna kiro ku siin, oo sidaas daraaddeed waad ka duwan tahay dhillooyinka kale oo dhan.

    35¶ Haddaba dhillo yahay, bal erayga Rabbiga maqal:

    36Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nijaastaadii way shubantay, oo cawradaadiina daahaa lagaga qaaday dhillanimadaadii aad kuwii ku caashaqay ka dhillaysanaysay, iyo sanamyada waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan, iyo dhiiggii carruurtaada oo aad iyaga siisay.

    37Haddaba sidaas daraaddeed waxaan soo wada ururin doonaa kuwii ku caashaqay oo aad la raaxaysatay oo dhan, iyo kuwa aad jeclaatay oo dhan, iyo kuwa aad necbaatay oo dhan. Kulligood dhinac kastaan kaaga soo ururin doonaa, oo cawradaadana iyagaan daaha uga qaadi doonaa, si ay cawradaada oo dhan u arkaan.

    38Oo waxaan kuu xukumi doonaa sida naagaha raggooda ka dhillooba iyo kuwa dhiigga daadiya loo xukumo oo kale; oo waxaan kugu ridi doonaa dhiigga cadhada iyo masayrka.

  • Yex 16:28-29
    2 aayado
    84%

    28Weliba waxaad ka dhillaysatay kuwa reer Ashuur, maxaa yeelay, waad kacsi beeli weyday, haddana iyaga waad ka dhillaysatay, oo weliba waad ka dhergi weyday.

    29Oo weliba dhillanimadaadii waad ku sii badisay dalka reer Kancaan, iyo tan iyo dalka Kalday, oo weliba waxaas waad ka dhergi weyday.

  • Yex 16:15-18
    4 aayado
    82%

    15¶ Laakiinse quruxdaadaad isku hallaysay, oo warkaagii faafay aawadiis ayaad u dhillowday, oo dhillanimadaadiina waxaad u badisay mid alla midkii ku soo ag marayba, oo waad isu dhiibtay.

    16Oo dharkaagiina waad iska furtay, oo meelo sarsare ayaad samaysatay oo waxaad ku sharraxday marooyin midabyo badan, oo halkaasaad ku dhillaysatay. Waxyaalahaas oo kale ma jirin, oo weligood ma ay noqon doonaan.

    17Oo weliba waxaad qaadatay waxyaalahaagii quruxdasanaa oo dahabkayga iyo lacagtayda ahaa oo aan ku siiyey, oo waxaad ka samaysatay sanamyo nimeed, oo iyagii baad la dhillowday.

    18Oo dharkaagii daabaca lahaa intaad iska furtay ayaad iyagii huwisay, oo saliiddaydii iyo fooxaygiina iyagaad hor dhigtay.

  • Yex 16:22-26
    5 aayado
    81%

    22Oo weliba intaad ku dhex jirtay waxyaalahaagii karaahiyada iyo dhillanimada ahaa marna sooma aad xusuusan wakhtigii yaraantaada, markaad qaawanayd oo aadan dednayn, oo aad dhiiggaaga ku dhex nijaasnayd.

    23(Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigaa iska hoogay, oo hoogay.) Oo xumaantaadii oo dhan dabadeed

    24waxaad dhisatay meel qudbad ah, oo meel sare oo jid kastaba ku dhex taal ayaad samaysatay.

    25Meeshaadii sare waxaad ka dhisatay madaxa jid kasta, oo quruxdaadiina waxaad ka dhigtay wax la karhay, oo waxaad lugaha u kala wadhay ku alla kii ku soo ag marayba, oo dhillanimadaadiina waad sii badisay.

    26Oo weliba waxaad ka sinaysatay Masriyiinta derisyadaada ah, oo buurbuuran, oo intaad dhillanimadaadii si badisay ayaad iga cadhaysiisay.

  • Yex 16:57-58
    2 aayado
    81%

    57intaan xumaantaada daaha laga qaadin, sidii markii gabdhaha Suuriya iyo inta hareerahooda ku wareegsan oo dhan, iyo xataa gabdhaha reer Falastiin ay ku caayeen iyagoo dhan kastaba kaa quudhsada.

    58Rabbigu wuxuu leeyahay, Adiga sharkaagii iyo waxyaalahaagii karaahiyada ahaaba waa lagugu ciqaabay.

  • 30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.

  • Yer 3:1-3
    3 aayado
    80%

    1¶ Waxaa la yidhaahdaa, Haddii nin naagtiisa iska furo, oo ay ka tagto isaga, oo ay nin kale naagtiis noqoto, kii qabi jiray miyuu iyada u soo noqdaa? Miyaan dalkaasu aad u nijaasoobayn? Laakiinse adigu waxaad ka dhillaysatay saaxiibbo badan, oo haddana miyaad ii soo noqon doontaa? ayaa Rabbigu leeyahay.

    2Bal indhaha kor u qaad oo waxaad fiirisaa meelaha dhaadheer, oo bal eeg. Miyey jirtaa meel aan lagula seexan? Adoo iyaga sugaya ayaad jidadka ag fadhiisatay sidii Carab cidlada jooga, oo waxaad dalkii ku nijaasaysay dhillanimadaada iyo sharkaagaba.

    3Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.

  • 47Jidadkoodii kuma aadan socon oo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo kalena ma aadan samayn, laakiinse taasu wax yar bay kula noqotay, oo iyaga jidadkaagii oo dhan waad kaga sii darnayd.

  • 15¶ Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.

  • Yer 2:19-20
    2 aayado
    78%

    19Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.

    20Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale.

  • 43Adigu wakhtigii yaraantaada sooma aadan xusuusan, laakiinse waxyaalahaas oo dhan waad igaga xanaajisay, oo sidaas daraaddeed ayaan jidkaaga madaxaaga kaga abaalmarin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, oo sharkaas waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan kuma aad sii dari doontid.

  • 20Oo weliba wiilashaadii iyo gabdhahaagii aad ii dhashayna allabari ahaan baad iyaga ugu bixisay in la cuno aawadeed. Dhillanimadaadu ma wax yar bay ahayd

  • Yex 23:35-36
    2 aayado
    77%

    35¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad i illowday oo dhabarkaaga gadaashiisaad igu xoortay, sidaas daraaddeed waa inaad sharkaaga iyo dhillanimadaadaba u xambaarataa.

    36¶ Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, Aaholaah iyo Aaholiibaah miyaad xukumi doontaa? Bal waxyaalahooda karaahiyada ah u sheeg.

  • 41Oo guryahaagana dab bay ku gubi doonaan, oo iyadoo ay naago badanu indhaha kugu hayaan ayay xukummo kugu samayn doonaan, oo aniguna waxaan kaa dhigi doonaa inaad dhillaysiga ka joogsatid, oo mar dambe kiro ma aad bixin doontid.

  • 27Waan arkay sinadaadii, iyo dananiddaadii, iyo wasakhnimadii dhillanimadaada kuwaasoo ahaa karaahiyadaadii aad kuraha iyo berrinkaba ku samaysay. Yeruusaalemay, adigaa iska hoogay! Ilaa goormaad diidaysaa inaad nadiifsanaato?

  • 30¶ Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad isu nijaasaysaan sidii awowayaashiin isu nijaaseeyeen oo kale? Oo ma waxaad ka daba gashaan waxyaalahooda karaahiyada ah sida naag ninkeed ka dhillowda oo kale?

  • 20Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen.

  • 23Sidee baad u odhan kartaa, Anigu ma nijaasoobin, oo Bacaliimna ma raacin? Bal fiiri socodkii aad dooxada ku martay, oo garo wixii aad samaysay. Waxaad tahay qaalin geel oo dheeraysa oo warwareegta,

  • Yer 3:8-10
    3 aayado
    76%

    8Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday.

    9Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.

    10Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah.

  • Nax 3:4-5
    2 aayado
    75%

    4maxaa yeelay, waa dhillanimadii faraha badnayd oo ay fashay dhilladii aad loo jeclaa oo ah sayidaddii sixirrada, oo quruumo ku iibisa dhillanimadeeda, oo reerona ku iibisa sixirradeeda.

    5Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, col baan kula ahay, oo gogaradahaagana waan kaa feydi doonaa oo wejigaan kuu saari doonaa, oo waxaan quruumaha tusi doonaa cawradaada, boqortooyooyinkana ceebtaada.

  • 6Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagii sidii qalbigii Ilaah oo kale ayaad ka dhigtay,

  • 18Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.

  • 11Oo walaasheed Aaholiibaahna waxaas way aragtay, laakiinse iyadu way kaga sii darnayd caashaqeedii, oo xagga dhillanimadana way ka sii darnayd dhillanimada walaasheed.

  • 17Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.

  • 7Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.

  • 10Dadka Israa'iil waxaan ku dhex arkay wax aad iyo aad u xun. Reer Efrayim waxaa laga dhex helay sino, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.

  • 51Oo xataa dembigaaga badhkiis Samaariya ma ay samayn, laakiinse waxyaalahaaga karaahiyada ah waad ka sii badisay kuweeda, oo walaalahaana waxaad xaq kaga dhigtay waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo aad samaysay oo dhan.