Yeremyaah 3:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waxaa la yidhaahdaa, Haddii nin naagtiisa iska furo, oo ay ka tagto isaga, oo ay nin kale naagtiis noqoto, kii qabi jiray miyuu iyada u soo noqdaa? Miyaan dalkaasu aad u nijaasoobayn? Laakiinse adigu waxaad ka dhillaysatay saaxiibbo badan, oo haddana miyaad ii soo noqon doontaa? ayaa Rabbigu leeyahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 24:1-4 : 1 ¶ Haddii nin naag qaato oo uu guursado, oo dabadeed uusan raalli ka ahayn, sababtuna ay tahay ceeb uu iyada ka dhex helay, markaas isagu ha u qoro warqaddii furniinka oo iyada gacanta ha u geliyo, gurigiisana ha ka eryo. 2 Oo iyadu markay gurigiisa ka tagto way tegi kartaa oo nin kale naagtiis way noqon kartaa. 3 Oo ninka dambena hadduu iyada nebcaado, oo uu qoro warqaddii furniinta, oo uu iyada gacanta u geliyo, oo uu gurigiisana ka eryo, amase haddii ninka dambe oo iyada guursaday uu dhinto, 4 ninkeedii hore oo iyada eryay yuusan mar dambe naagnimo u qaadan, kolkii iyadu ay nijaasowday dabadeed, maxaa yeelay, taasu Rabbiga hortiisa karaahiyo bay ku tahay, oo waa inaydaan dembi keenin dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo.
  • Yer 2:20 : 20 Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale.
  • Yex 16:26 : 26 Oo weliba waxaad ka sinaysatay Masriyiinta derisyadaada ah, oo buurbuuran, oo intaad dhillanimadaadii si badisay ayaad iga cadhaysiisay.
  • Yer 4:1 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo.
  • Yer 4:14 : 14 Yeruusaalemay, qalbigaaga xumaanta ka maydh, si aad u badbaaddo aawadeed. Ilaa goormay fikirradaada sharka ahu kugu sii dhex jirayaan?
  • Yer 8:4-6 : 4 ¶ Weliba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dhacaa miyeyan soo kicin? Kii leexdaase miyuusan soo noqon? 5 Haddaba dadkan reer Yeruusaalem bal maxay dib ugugu simbiriirixdeen dibunoqosho weligeed ah? Iyagu khiyaano way xajisanayaan, wayna diidaan inay soo noqdaan. 6 Waan dhegaystay oo waan maqlay, laakiinse si qumman uma ay hadlin. Oo midkoodna xumaantiisii kama toobadkeeno, isagoo leh, Bal maxaan sameeyey? Mid kastaaba wuxuu u leexdaa jidkiisii sida faras dagaal ku yaacaya.
  • Ish 55:6-9 : 6 ¶ Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay. 7 Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa. 8 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Fikirradaydu fikirradiinna ma aha, oo jidadkiinnuna jidadkayga ma aha. 9 Maxaa yeelay, sida samooyinku ay dhulka uga sarreeyaan ayay jidadkaygu jidadkiinna uga sarreeyaan, oo ay fikirradayduna fikirradiinna uga sarreeyaan.
  • Sak 1:3 : 3 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ii soo noqda, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay, oo anna waan idiin soo noqonayaa, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.
  • Luuk 15:16-24 : 16 Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin. 17 Goortuu isgartay ayuu yidhi, Intee baa kuwa aabbahay kiraystay haysata kibis ka badan in ku filan, aniguna macaluul baan halkan ugu bakhtiyayaa. 18 Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba. 19 Kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga, ee iga dhig sida kuwa aad kiraysatay midkood oo kale. 20 Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday. 21 Markaasaa wiilkii ku yidhi, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba; kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga. 22 Laakiin aabbihii ayaa addoommadiisii ku yidhi, Dhaqso u soo bixiya khamiiska ugu wanaagsan oo u geliya, kaatunna gacanta u geliya, kabona cagaha u geliya. 23 Dibigii yaraa ee la shishleeyey keena oo gowraca, aynu cunno oo faraxno, 24 waayo, wiilkaygan wuu dhintay, wuuna soo noolaaday; wuu lumay, waana la helay. Markaasay bilaabeen inay farxaan.
  • Yex 16:28-29 : 28 Weliba waxaad ka dhillaysatay kuwa reer Ashuur, maxaa yeelay, waad kacsi beeli weyday, haddana iyaga waad ka dhillaysatay, oo weliba waad ka dhergi weyday. 29 Oo weliba dhillanimadaadii waad ku sii badisay dalka reer Kancaan, iyo tan iyo dalka Kalday, oo weliba waxaas waad ka dhergi weyday.
  • Yex 23:4-9 : 4 Oo labadooda tan weyn waxaa la odhan jiray Aaholaah, oo walaasheed magaceeduna wuxuu ahaa Aaholiibaah, oo kuwaygay noqdeen, oo waxay dhaleen wiilal iyo gabdho. Haddaba magacyadoodu waa sidan, Aaholaah waa Samaariya, oo Aaholiibaahna waa Yeruusaalem. 5 Aaholaah waxay dhillaysatay iyadoo taydii ah, oo waxay caashaqday kuwii iyada jeclaa ee reer Ashuur oo deriska la ahaa, 6 kuwaas oo dhar buluug ah xidhnaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal, oo kulligood dhallinyaro suurad wacan ahaa, oo ahaa fardooley fardo fuushan. 7 Oo iyadu kulligood bay ka dhillaysatay, kuwaasoo kulligood ahaa raggii Ashuur ee ugu wacanaa, oo ku alla kii ay caashaqday iyo sanamyadoodii oo dhanba way isugu nijaasaysay. 8 Oo iyadu innaba kama ay tegin dhillanimadeedii tan iyo markay Masar joogtay, waayo, iyadoo yar ayay la seexdeen, oo ibihii naasaha ee bikradnimadeeda way nabareeyeen, oo dhillanimadoodii ayay iyada ku kor shubeen. 9 Oo sidaas daraaddeed waxaan u gacangeliyey kuwii iyada jeclaan jiray ee reer Ashuur oo ay caashaqday. 10 Kuwaasu cawradeedii bay soo bandhigeen, oo waxay qaateen wiilasheedii iyo gabdhaheedii, iyadiina seef bay ku dileen, oo magaceediina magac xun buu dumarka dhexdiisa ku noqday, waayo, xukummo baa lagu soo dejiyey. 11 Oo walaasheed Aaholiibaahna waxaas way aragtay, laakiinse iyadu way kaga sii darnayd caashaqeedii, oo xagga dhillanimadana way ka sii darnayd dhillanimada walaasheed. 12 Waxay caashaqday kuwii reer Ashuur ee deriska la ahaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal si qurux badan u xidhan, oo ahaa fardooley fardo fuushan, oo kulligood wada ahaa dhallinyaro suurad wacan. 13 Oo anigu waxaan arkay inay nijaasowday, oo ay labadoodiiba isku jid qaadeen. 14 Dhillanimadeediina way sii kordhisay, waayo, waxay aragtay niman derbiga ku taswiiran, oo ahaa taswiirihii reer Kaldayiin oo asal guduudan lagu taswiiray, 15 oo dhexda dhex-xidhyo ugu xidhan yihiin, oo madaxana duubab la sibaaqeeyey ugu xidhan yihiin, oo kulligood la wada moodo amiirro u eg reer Baabuloon dalkoodu Kalday yahay. 16 Oo isla markii ay aragtay ayay caashaqday, oo farriinqaadayaal dalkii Kalday bay ugu dirtay. 17 Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day. 18 Sidaasay dhillanimadeedii u soo bandhigtay oo cawradeedii daahay ka qaadday, markaasaa nafsaddaydii iyada uga go'day sidii ay nafsaddaydu walaasheed uga go'day oo kale. 19 Laakiinse waxay sii badisay dhillanimadeedii iyadoo wakhtigii yaraanteeda soo xusuusanaysa markay dalkii Masar ku dhillowday. 20 Waxay caashaqday dhillayadeeda uu jiidhkoodu yahay sida jiidhka dameerrada, oo ay shahwaddooduna tahay sida shahwadda fardaha oo kale. 21 Oo sidaas ayaad u soo xusuusatay sharkii yaraantaada markay Masriyiintu ibihii naasahaaga ee yaraantaada nabarayn jireen. 22 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aaholiibaahay, bal ogow, kuwii ku caashaqi jiray ayaan kugu soo kicin doonaa, kuwaasoo ay naftaadu ka go'day, oo iyagaan dhinac kasta kaaga soo dayn doonaa, 23 kuwaasoo ah reer Baabuloon, iyo reer Kaldayiin oo dhan, iyo Feqood, iyo Shooca, iyo Qooca, iyo reer Ashuur oo dhan oo iyaga la jira, oo kulligood ah rag dhallinyaro ah oo suurad wacan oo ah saraakiil iyo taliyayaal, iyo amiirro, iyo rag caan ah, oo kulligood fardo fuushan. 24 Oo waxay kugula soo duuli doonaan hub iyo gaadhifardood iyo giraangiro iyo guuto dad, oo hareerahaaga oo dhan ayay kaaga soo kici doonaan iyagoo wata gaashaan weyn, iyo gaashaan yar, iyo koofiyad bir ah, oo waxaan iyaga u dhiibi doonaa xukun, oo waxay kuu xukumi doonaan sida ay xukummadoodu yihiin. 25 Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona. 26 Oo weliba dharkaaga way kaa wada muruxsan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa furan doonaan. 27 Oo sidaasaan kaaga joojin doonaa sharkaagii iyo dhillanimadaadii aad dalka Masar ka keentay, si aadan indhahaaga kor ugu taagin, oo aadan Masar kol dambe soo xusuusan. 28 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan kugu ridi doonaa gacantii kuwa aad neceb tahay, iyo gacantii kuwii ay nafsaddaadu ka go'day. 29 Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba. 30 Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday. 31 Waxaad qaadday jidkii walaashaa, oo sidaas daraaddeed koobkeedii gacantaan kuu gelin doonaa. 32 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad cabbi doontaa walaashaa koobkeedii dheeraa oo weynaa, oo fudaydsasho baa laguugu qosli doonaa oo waa lagu quudhsan doonaa, waayo, wuu buuxaa. 33 Aad baad u sakhraami doontaa oo murug baa kaa buuxsami doonta, oo waxaad ku cabbi doontaa koobkii yaabka iyo baabba'da, kaasoo ah koobkii walaashaa Samaariya. 34 Waad cabbi doontaa, oo weliba waad heenheensan doontaa, oo burburkiisana waad ruugi doontaa, oo naasahaagaad jiidi doontaa, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay. 35 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad i illowday oo dhabarkaaga gadaashiisaad igu xoortay, sidaas daraaddeed waa inaad sharkaaga iyo dhillanimadaadaba u xambaarataa. 36 ¶ Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, Aaholaah iyo Aaholiibaah miyaad xukumi doontaa? Bal waxyaalahooda karaahiyada ah u sheeg. 37 Waayo, way sinaysteen, oo dhiig baa gacmahooda ku jira, oo sanamyadoodana way ka sinaysteen, oo wiilashoodii ay ii dhaleenna dab bay u dhex marsiiyeen si ay u baabba'aan aawadeed. 38 Oo weliba saasoo kalay igu sameeyeen. Iyagu isku maalin ayay meeshaydii quduuska ahayd nijaaseeyeen, oo sabtiyadaydiina wax nijaas ah bay ka dhigeen. 39 Waayo, markay carruurtoodii sanamyadooda u qaleen ayay isla maalintaasba meeshaydii quduuska ahayd u soo galeen inay nijaaseeyaan, oo bal eeg, waxaas ayay gurigayga dhexdiisa ku sameeyeen. 40 Oo weliba rag baad meel fog uga cid dirsatay, oo waxaa loo diray wargeeye, oo bal eeg, iyana way yimaadeen, oo iyaga aawadood ayaad isu soo maydhay, oo u indhakuushatay, oo wax baad isugu sharraxday, 41 oo waxaad ku fadhiisatay sariir haybad badan oo miis horteeda lagu soo diyaarshay, kaasoo aad fooxaygii iyo saliiddaydii saartay. 42 Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen. 43 Markaasaan tii sinada ku gabowday ka idhi, Miyey haddana ka sinaysan doonaan, oo iyaduse miyey iyaga ka dhillaysan doontaa? 44 Laakiinse iyadii waxay ugu galeen sidii naag dhillo ah loogu galo oo kale, oo sidaasay ugu galeen naagihii sharka ahaa oo ahaa Aaholaah iyo Aaholiibaah. 45 Oo ragga xaqa ahu waxay iyaga u xukumi doonaan sida dhillooyin iyo naago dhiig galay loo xukumo oo kale, maxaa yeelay, iyagu waa dhillooyin, oo gacmahoodana dhiig baa ku yaal. 46 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Guuto baan iyaga ku soo kicin doonaa, oo cabsi iyo dhac baan u gacangelin doonaa. 47 Oo guutadaasu iyagay dhagxin doontaa oo seefaf ku kala jarjari doontaa, oo wiilashooda iyo gabdhahoodaba way wada layn doonaan, oo guryahoodana dab bay ku gubi doonaan. 48 Oo sidaasaan shar dalka uga joojin doonaa, si naagaha oo dhan loo baro inaanay mar dambe sidii sharkiinnii oo kale u falin. 49 Oo sharkiinnii waa laydinka abaalmarin doonaa, oo dembiyadii sanamyadiinna ayaad xambaaran doontaan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
  • Yex 33:11 : 11 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaanan innaba farxad ka helayn dhimashada sharrowga, laakiinse waxaan jeclahay in sharrowgu uu jidkiisa ka soo noqdo oo uu noolaado. Soo noqda, jidkiinna ka soo noqda, waayo, reer binu Israa'iilow, bal maxaad u dhimanaysaan?
  • Hos 1:2 : 2 ¶ Rabbigu markuu Hoosheeca markii ugu horraysay la hadlay, wuxuu Rabbigu Hoosheeca ku yidhi, Tag, oo waxaad guursataa naag dhillo ah oo waxaad yeelataa carruur dhillo dhashay, waayo, dadka dalku Rabbigay ka fogaadaan sida naagu ninkeeda uga sinaysata.
  • Hos 2:5-7 : 5 Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga. 6 Haddaba bal eeg, anigu jidkaaga waxaan ku awdi doonaa qodxan, oo deyr baan iyada hor dhigi doonaa, si ayan dhabbaheedii u helin. 7 Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay.
  • Hos 14:1-4 : 1 ¶ Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen. 2 Erayo ula taga Rabbiga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Xumaanta oo dhan naga fogee oo si wanaagsan noo aqbal, oo annaguna waxaan sidii dibi qurbaan ah kuu siin doonnaa caabudidda bushimahayaga. 3 Reer Ashuur na badbaadin maayo, oo annagu fardo fuuli mayno, oo weliba sancada gacmahayagana mar dambe ku odhan mayno, Waxaad tihiin ilaahayo. Waayo, agoontu adigay naxariis kaa helaan. 4 Dibunoqoshadooda waan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u jeclaan doonaa si ikhtiyaar ah, waayo, cadhadaydii way ka noqotay.
  • Yer 2:23 : 23 Sidee baad u odhan kartaa, Anigu ma nijaasoobin, oo Bacaliimna ma raacin? Bal fiiri socodkii aad dooxada ku martay, oo garo wixii aad samaysay. Waxaad tahay qaalin geel oo dheeraysa oo warwareegta,
  • Yer 3:9 : 9 Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.
  • Xaak 19:2 : 2 Markaasay naagtiisii addoonta ahayd ka dhillowday, oo intay isagii ka tagtay ayay aadday gurigii aabbeheed oo ku yiil Beytlaxam Yahuudah, oo halkaasay joogtay intii afar bilood ah.
  • Sharc 4:29-31 : 29 Laakiinse haddaad halkaas Rabbiga Ilaahiinna ah ka doondoontaan, waad heli doontaan, haddaad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku doondoontaan. 30 Markaad dhib ku dhex jirtaan, oo waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, marka u dambaysa waxaad ku soo noqon doontaan Rabbiga Ilaahiinna ah, codkiisana waad dhegaysan doontaan, 31 maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaah naxariis badan, oo isagu idin gabi maayo, idinna baabbi'in maayo, illoobina maayo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay.
  • Sharc 22:21 : 21 markaas gabadha dibadda ha u soo bixiyeen oo ha keeneen guriga aabbaheed iriddiisa, oo dadka magaaladaas jooga oo dhammu iyada ha dhagxiyeen si ay u dhimato, maxaa yeelay, iyadu nacasnimo bay ku dhex samaysay reer binu Israa'iil oo waxay ku dhillowday gurigii aabbaheed, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.
  • Ish 24:5 : 5 Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen.
  • Yer 3:12-14 : 12 Tag, oo erayadan xagga woqooyi u naadi, oo waxaad tidhaahdaa, Boqortooyada Israa'iil ee dib u noqotayay, soo noqo, maxaa yeelay, weji cadhaysan kugu eegi maayo, waayo, waan naxariis badnahay, oo cadhadaydana weligay sii haysan maayo, ayaa Rabbigu leeyahay. 13 Waxaa keliya ood aqoonsataa xumaantaada, inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku xadgudubtay, iyo inaad geed kasta oo doog ah hoostiisa jidadkaaga ugu kala firdhisay shisheeyayaasha, iyo inaadan codkaygii addeecin, ayaa Rabbigu leeyahay. 14 Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 3:22 : 22 Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah.
  • Miik 2:10 : 10 Sara joogsada oo taga, waayo, tanu ma aha nasashadiinna, maxaa yeelay, waxaa jirta wasakh wax ku baabbi'inaysa baabba' xoog badan.
  • Laaw 18:24-28 : 24 ¶ Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen, 25 oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan. 26 Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba, 27 (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;) 28 si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale.
  • Yer 2:7 : 7 Oo waxaan idin keenay waddan barwaaqo badan, inaad midhihiisa iyo wanaaggiisa cuntaan, laakiinse markaad soo gasheen ayaad dalkaygii nijaasayseen, oo dhaxalkaygiina waxaad ka dhigteen wax karaahiyo ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 3:2-3
    2 aayado
    86%

    2Bal indhaha kor u qaad oo waxaad fiirisaa meelaha dhaadheer, oo bal eeg. Miyey jirtaa meel aan lagula seexan? Adoo iyaga sugaya ayaad jidadka ag fadhiisatay sidii Carab cidlada jooga, oo waxaad dalkii ku nijaasaysay dhillanimadaada iyo sharkaagaba.

    3Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.

  • Yer 3:20-22
    3 aayado
    82%

    20Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen.

    21Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa.

    22Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah.

  • 7Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay.

  • Yer 3:6-10
    5 aayado
    80%

    6¶ Weliba wakhtigii Boqor Yoosiyaah Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, War miyaad aragtay waxa boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay ay samaysay? Iyadu waxay tagtay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis, oo halkaasay ku dhillowday.

    7Oo iyadu markay waxyaalahaas oo dhan samaysay dabadeed ayaan waxaan is-idhi, Way ii soo noqon doontaa, laakiinse iyadu sooma noqon. Oo walaasheedii boqortooyadii Yahuudah oo sirreyda ahaydna waxaas way aragtay.

    8Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday.

    9Oo waxay noqotay inuu dalkii ku nijaasoobay fudaydkii dhillanimadeeda, oo iyana way ka sinaysatay dhagxan iyo geedo.

    10Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah.

  • Yer 3:13-14
    2 aayado
    79%

    13Waxaa keliya ood aqoonsataa xumaantaada, inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku xadgudubtay, iyo inaad geed kasta oo doog ah hoostiisa jidadkaaga ugu kala firdhisay shisheeyayaasha, iyo inaadan codkaygii addeecin, ayaa Rabbigu leeyahay.

    14Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo.

  • 14Oo idinku waxaad tidhaahdaan, Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu ahaa markhaati u dhexeeya midkiin kasta iyo naagtii dhallinyaranimadiisa oo uu khiyaano kula macaamilooday in kastoo ay tahay weheshiisii iyo naagtii uu axdiga la dhigtay.

  • 15¶ Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Haddana tag, oo waxaad jeclaataa naag la caashaqo oo dhillo ah, sida Rabbigu u jecel yahay dadka Israa'iil in kastoo ay ilaahyo kale u jeestaan, oo ay jeclaadaan wax sabiib ah.

  • Yex 16:35-36
    2 aayado
    76%

    35¶ Haddaba dhillo yahay, bal erayga Rabbiga maqal:

    36Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nijaastaadii way shubantay, oo cawradaadiina daahaa lagaga qaaday dhillanimadaadii aad kuwii ku caashaqay ka dhillaysanaysay, iyo sanamyada waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan, iyo dhiiggii carruurtaada oo aad iyaga siisay.

  • 20Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale.

  • 4ninkeedii hore oo iyada eryay yuusan mar dambe naagnimo u qaadan, kolkii iyadu ay nijaasowday dabadeed, maxaa yeelay, taasu Rabbiga hortiisa karaahiyo bay ku tahay, oo waa inaydaan dembi keenin dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo.

  • 11Dadka dalka Yahuudah khiyaano bay ku macaamiloodeen, oo dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemna waxaa lagu sameeyey wax karaahiyo ah, waayo, dadka dalka Yahuudah waxay nijaaseeyeen meeshii quduuska ahayd ee Rabbiga oo uu jecelyahay, oo waxay guursadeen gabdho ilaahoodu qalaad yahay.

  • 6Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale.

  • 32Waxaad la mid tahay naag nin leh oo sinaysata oo niman qalaad ninkeeda uga hor marta!

  • 17Oo weliba waxaad qaadatay waxyaalahaagii quruxdasanaa oo dahabkayga iyo lacagtayda ahaa oo aan ku siiyey, oo waxaad ka samaysatay sanamyo nimeed, oo iyagii baad la dhillowday.

  • Yex 16:28-30
    3 aayado
    75%

    28Weliba waxaad ka dhillaysatay kuwa reer Ashuur, maxaa yeelay, waad kacsi beeli weyday, haddana iyaga waad ka dhillaysatay, oo weliba waad ka dhergi weyday.

    29Oo weliba dhillanimadaadii waad ku sii badisay dalka reer Kancaan, iyo tan iyo dalka Kalday, oo weliba waxaas waad ka dhergi weyday.

    30Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu taag yaraa markaad samaysid waxyaalahaas oo dhan, waxaas oo ah dhillo caasiyad ah shuqulkeed!

  • 30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.

  • 17Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Naagtaadu dhillo bay ku ahaan doontaa magaalada, oo wiilashaada iyo gabdhahaaguba seef bay ku dhiman doonaan, oo dhulkaaga xadhig baa lagu qaybsan doonaa, oo adna waxaad ku dhex dhiman doontaa dal nijaasaysan, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysan doonaa dalkooda.

  • 17Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.

  • Hos 2:2-3
    2 aayado
    75%

    2¶ Hooyadiin barya, ee barya, waayo, iyadu ma aha afadaydii, oo aniguna ma ahi ninkeedii. Oo wejigeeda ha ka fogayso dhillanimadeeda, oo sinadeedana ha ka fujiso naasaheeda dhexdooda,

    3si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.

  • 7Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.

  • 23Sidee baad u odhan kartaa, Anigu ma nijaasoobin, oo Bacaliimna ma raacin? Bal fiiri socodkii aad dooxada ku martay, oo garo wixii aad samaysay. Waxaad tahay qaalin geel oo dheeraysa oo warwareegta,

  • 20laakiinse haddaad gees u leexatay adigoo ninkaaga ka dambayn lahaa, oo aad markaas nijaasowday, oo haddii nin kale kula jiifsaday ninkaaga mooyaane,

  • 16Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waan necbahay furidda, oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan necbahay kii dharkiisa dulmi ku deda, haddaba sidaas daraaddeed iska jira oo khiyaano ha ku macaamiloonina.

  • 22Kaaga sida bikrad dib u socdow, ilaa goormaad iska daba wareegaysaa? Waayo, Rabbigu wax cusubuu dhulka ku sameeyey, oo naag baa nin ku wareegi doonta.

  • 5Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga.

  • 19¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.

  • 3Oo waxaan iyada ku idhi, Waa inaad wakhti dheer ii joogtaa, oo aadan dhilloobin, oo aadan innaba nin kale naagtiis noqon, oo aniguna sidaas oo kalaan kuu ahaan doonaa.

  • 15Dadka Israa'iilow, in kastoo aad dhillowdaan, yaan dadka Yahuudah isla dembigaas ku eedaysnaan, oo Gilgaal ha imanina, oo Beytaawen ha tegin, hana ku dhaaranina Rabbiga noloshiisa.

  • 30¶ Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ma waxaad isu nijaasaysaan sidii awowayaashiin isu nijaaseeyeen oo kale? Oo ma waxaad ka daba gashaan waxyaalahooda karaahiyada ah sida naag ninkeed ka dhillowda oo kale?

  • 27Waan arkay sinadaadii, iyo dananiddaadii, iyo wasakhnimadii dhillanimadaada kuwaasoo ahaa karaahiyadaadii aad kuraha iyo berrinkaba ku samaysay. Yeruusaalemay, adigaa iska hoogay! Ilaa goormaad diidaysaa inaad nadiifsanaato?

  • 7¶ Tan iyo wakhtigii awowayaashiin ayaad amarradaydii gees uga leexanayseen, oo ma aydaan dhawraynin iyagii. Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Xaggayga u soo noqda, oo anna waan idiin soo noqon doonaa. Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sidee baannu u noqonaynaa?

  • 43Markaasaan tii sinada ku gabowday ka idhi, Miyey haddana ka sinaysan doonaan, oo iyaduse miyey iyaga ka dhillaysan doontaa?

  • 9War miyaad illowdeen xumaantii awowayaashiin, iyo xumaantii boqorradii dalka Yahuudah, iyo xumaantii naagahooda, iyo xumaantiinnii, iyo xumaantii naagihiinna, oo ay dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba ku dhex sameeyeen?

  • Yer 2:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Oo haddana eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh,

    2Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin.

  • 38Oo waxaan kuu xukumi doonaa sida naagaha raggooda ka dhillooba iyo kuwa dhiigga daadiya loo xukumo oo kale; oo waxaan kugu ridi doonaa dhiigga cadhada iyo masayrka.