Ishacyaah 54:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 62:4 : 4 Mar dambe laguuguma yeedhi doono Tii la dayriyey, oo dalkaagana mar dambe looguma yeedhi doono Dhulka baabba'a ah, laakiinse waxaa lagugu magacaabi doonaa Xefsiibaah, oo dalkaagana waxaa lagu magacaabi doonaaBecuulaah, waayo, Rabbigu waa kugu farxaa, oo dalkaagana waa la guursan doonaa.
  • Hos 2:1-2 : 1 ¶ Waxaad wiilasha walaalihiinna ah ku tidhaahdaan, Cammii, gabdhaha walaalihiinna ahna waxaad ku tidhaahdaan, Ruxaamaah. 2 ¶ Hooyadiin barya, ee barya, waayo, iyadu ma aha afadaydii, oo aniguna ma ahi ninkeedii. Oo wejigeeda ha ka fogayso dhillanimadeeda, oo sinadeedana ha ka fujiso naasaheeda dhexdooda,
  • Hos 2:14-15 : 14 ¶ Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa. 15 Oo waxaan iyada halkaas ka siin doonaa beeraheedii canabka ahaa, oo dooxada Caakoorna waxaan uga dhigi doonaa albaab rajo, oo iyana halkaasay ku jawaabi doontaa, sidii waagii ay dhallintayarayd oo kale, iyo sidii maalintii ay dalkii Masar ka soo baxday.
  • Mal 2:14 : 14 Oo idinku waxaad tidhaahdaan, Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu ahaa markhaati u dhexeeya midkiin kasta iyo naagtii dhallinyaranimadiisa oo uu khiyaano kula macaamilooday in kastoo ay tahay weheshiisii iyo naagtii uu axdiga la dhigtay.
  • Mat 11:28 : 28 Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa.
  • 2 Kor 7:6 : 6 Laakiin Ilaaha dhiirigeliya kuwa is-hoosaysiiya ayaa nagu dhiirrigeliyey imaatinka Tiitos;
  • 2 Kor 7:9-9 : 9 Haddana waan ku farxayaa, mana aha inaad si kale u calool xumaateen, laakiin inaad u calool xumaateen toobadkeenidda, waayo, waad u calool xumaateen sida Ilaah doonayay, inaanad waxba xaggayaga ku khasaarin. 10 Maxaa yeelay, caloolxumaanta ah sida Ilaah doonayo waxay keentaa toobadda xagga badbaadada ee aan laga qoomamayn, laakiin caloolxumaanta dunidu waxay keentaa dhimasho.
  • Maah 5:18 : 18 Ishaadu ha barakaysnaato, Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow.
  • Wacd 9:9 : 9 Naagtaada aad jeceshahay farxad kula noolow intaad ku nooshahay cimrigaaga aan waxba tarayn ee Ilaah qorraxda hoosteeda kugu siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtaadii aad ku heshay noloshan iyo hawshaadii aad qorraxda hoosteeda ku dhibtootay.
  • Ish 49:14-21 : 14 ¶ Laakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay. 15 Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo. 16 Bal eeg, waxaan kugu calaamadeeyey calaacalaha gacmahayga, oo derbiyadaaduna had iyo goorba way i hor yaalliin. 17 Carruurtaadu way soo degdegayaan, oo kuwii ku dumiyey iyo kuwii cidlada kaa dhigayba way kaa bixi doonaan. 18 Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Kuwaas oo dhammu way isa soo wada urursanayaan oo adigay kuu imanayaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay, hubaal kuwaas oo dhan waxaad u xidhan doontaa sida sharraxaad oo kale, oo waxaad u huwan doontaa sida aroosaddu wax u huwato oo kale. 19 Waayo, baabba'aagii iyo meelahaagii cidloobay iyo dalkaagii burburayba haatan cidhiidhi bay ku noqon doonaan kuwa ku degaya, oo kuwii ku liqayna way kaa fogaan doonaan. 20 Carruurta aad dhashay markaad gablantay dabadeed ayaa kugu odhan doonta adigoo maqlaya, Meeshu aad bay noogu cidhiidhisan tahay, haddaba bal meel aannu degno noo bannee. 21 Markaasaad qalbigaaga iska odhan doontaa, Bal yaa kuwan ii dhalay? Maxaa yeelay, carruurtaydii waan ka gablamay, oo waxaan ahay mid cidlowday, oo la masaafuriyey, oo wareegta. Oo bal yaase kuwan ii koriyey? Waayo, anoo keligay ah ayaa layga tegey, ee haddaba kuwanu xaggee bay joogeen?
  • Ish 50:1-2 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeday warqaddii furniinka ee hooyadiin, oo aan ku eryay? Waase kuma kan ka mid ah kuwa daynka iga qaba oo aan idinka iibiyey? Bal eega, xumaatooyinkiina aawadood ayaa laydiin iibiyey, oo xadgudubyadiinna aawadood ayaa hooyadiin lagu furay. 2 Haddaba markaan imid, muxuu ninna u jirin? Oo markaan dhawaaqayse maxaa la iigu jawaabi waayay? Miyaa innaba gacantaydu gaaban tahay si ayan wax u furan karin? Amase miyaanan lahayn xoog aan wax ku samatabbixiyo? Bal eega, canaantayda ayaan badda ku engejiyaa, oo webiyaashana cidlo baan ka dhigaa. Kalluunkoodu biyola'aan aawadeed buu la soo uraa, oo oon buu u dhintaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 54:4-5
    2 aayado
    86%

    4Ha cabsan, waayo, ma aad ceeboobi doontid, hana sharafjabin, waayo, laguma ceebayn doono, oo ceebtii yaraantaadana waad illoobi doontaa, oo ceebtii carmalnimadaadana innaba mar dambe sooma aad xusuusan doontid.

    5Waayo, Uumahaaga ayaa ninkaaga ah, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iilna waa Bixiyahaaga, oo waxaa isaga la odhan doonaa Ilaaha dhulka oo dhan.

  • Ish 54:7-8
    2 aayado
    84%

    7Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan.

    8Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa.

  • Ish 62:3-5
    3 aayado
    81%

    3Oo weliba waxaad gacanta Rabbiga ku noqon doontaa taaj qurux ah, iyo cigaal boqornimo.

    4Mar dambe laguuguma yeedhi doono Tii la dayriyey, oo dalkaagana mar dambe looguma yeedhi doono Dhulka baabba'a ah, laakiinse waxaa lagugu magacaabi doonaa Xefsiibaah, oo dalkaagana waxaa lagu magacaabi doonaaBecuulaah, waayo, Rabbigu waa kugu farxaa, oo dalkaagana waa la guursan doonaa.

    5Waayo, sida barbaar inan bikrad ah u guursado oo kale ayaa wiilashaadu kuu guursan doonaan, oo sida ninkii aroos ahu uu aroosadda ugu farxo oo kale ayaa Ilaahaagu kuugu farxi doonaa.

  • Yer 3:19-20
    2 aayado
    78%

    19Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan.

    20Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen.

  • 14Oo idinku waxaad tidhaahdaan, Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu ahaa markhaati u dhexeeya midkiin kasta iyo naagtii dhallinyaranimadiisa oo uu khiyaano kula macaamilooday in kastoo ay tahay weheshiisii iyo naagtii uu axdiga la dhigtay.

  • 8Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay.

  • 14Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Yer 3:1-3
    3 aayado
    75%

    1¶ Waxaa la yidhaahdaa, Haddii nin naagtiisa iska furo, oo ay ka tagto isaga, oo ay nin kale naagtiis noqoto, kii qabi jiray miyuu iyada u soo noqdaa? Miyaan dalkaasu aad u nijaasoobayn? Laakiinse adigu waxaad ka dhillaysatay saaxiibbo badan, oo haddana miyaad ii soo noqon doontaa? ayaa Rabbigu leeyahay.

    2Bal indhaha kor u qaad oo waxaad fiirisaa meelaha dhaadheer, oo bal eeg. Miyey jirtaa meel aan lagula seexan? Adoo iyaga sugaya ayaad jidadka ag fadhiisatay sidii Carab cidlada jooga, oo waxaad dalkii ku nijaasaysay dhillanimadaada iyo sharkaagaba.

    3Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.

  • Ish 49:14-15
    2 aayado
    75%

    14¶ Laakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay.

    15Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo.

  • 15In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan.

  • Yer 2:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Oo haddana eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh,

    2Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay, hees ku dhufo oo mashxarad, taada aan carruur ku foolanay, waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh carruurteeda.

  • 35¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad i illowday oo dhabarkaaga gadaashiisaad igu xoortay, sidaas daraaddeed waa inaad sharkaaga iyo dhillanimadaadaba u xambaarataa.

  • 32Gabadhu miyey illoobi kartaa wixii ay isku sharaxdo, aroosadduse miyey illoobi kartaa wixii ay xidhato? Laakiinse dadkaygu waxay i illoobeen maalmo badan oo aan la tirin karin.

  • 22Kaaga sida bikrad dib u socdow, ilaa goormaad iska daba wareegaysaa? Waayo, Rabbigu wax cusubuu dhulka ku sameeyey, oo naag baa nin ku wareegi doonta.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeday warqaddii furniinka ee hooyadiin, oo aan ku eryay? Waase kuma kan ka mid ah kuwa daynka iga qaba oo aan idinka iibiyey? Bal eega, xumaatooyinkiina aawadood ayaa laydiin iibiyey, oo xadgudubyadiinna aawadood ayaa hooyadiin lagu furay.

  • Yer 30:14-15
    2 aayado
    73%

    14Kuwii ku jeclaan jiray oo dhammu way ku wada illoobeen, oo innaba kuma ay doondoonaan, waayo, waxaan kugu dhaawacay dhaawicii cadowga, iyo edbintii kan naca weyn, waana xumaantaadii badatay aawadeed, maxaa yeelay, dembiyadaadii way sii kordheen.

    15Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood.

  • 6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.

  • 17Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda, Oo illowda axdigii Ilaaheeda;

  • 8Haddaba markaan ku soo ag maray, oo aan ku fiiriyey, wakhtigaagu wuxuu ahaa wakhtigii caashaqa, oo waxaan kugu deday macawistaydii, oo cawradaadiina waan daboolay, oo weliba waan kuu dhaartay oo axdi kula dhigtay, oo taydii baad noqotay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 2Bikradda ah dalka Israa'iil waa dhacday, oo mar dambena ma sara joogsan doonto. Dalkeedii ayaa lagu dayriyey, oo qof kor u qaada lama arko.

  • 25Rabbigu wuxuu leeyahay, Tanu waa qaybtaada oo ah intii aan kuu qiyaasay, maxaa yeelay, waad i illowday, oo been baad isku hallaysay.

  • 16Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaad iigu yeedhid, Ninkaygiiyow, oo aadan mar dambe iigu yeedhin, Bacalkaygiiyow, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 20Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale.

  • 9Dumarkii dadkayga waxaad ka saartaan guryahoodii wacnaa, oo carruurtoodii yaryaraydna waxaad weligiin ka qaadataan ammaantaydii.

  • 30Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu taag yaraa markaad samaysid waxyaalahaas oo dhan, waxaas oo ah dhillo caasiyad ah shuqulkeed!

  • 58Rabbigu wuxuu leeyahay, Adiga sharkaagii iyo waxyaalahaagii karaahiyada ahaaba waa lagugu ciqaabay.

  • 39Sidaas daraaddeed bal ogaada, Aniga qudhayda ayaa giddigiin idin illoobi doona, waanan idin xoori doonaa idinka iyo magaaladii aan idinka iyo awowayaashiinba siiyey, oo hortaydana waan idinka fogayn doonaa.

  • 14¶ Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa.

  • 35¶ Haddaba dhillo yahay, bal erayga Rabbiga maqal:

  • 12Waxaa loogu yeedhi doonaa, Dadka quduuska ah iyo Kuwa Rabbigu soo furtay, oo waxaa lagugu magacaabi doonaa, Tii la doondoonay, iyo Magaalo aan la dayrin.

  • 17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin.

  • 22Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.

  • 15¶ Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.

  • 7Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay.

  • 12¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nabarkaagu waa mid aan bogsan karin, oo dhaawacaaguna aad buu u xun yahay.

  • 10Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.

  • 16Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu waan necbahay furidda, oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan necbahay kii dharkiisa dulmi ku deda, haddaba sidaas daraaddeed iska jira oo khiyaano ha ku macaamiloonina.

  • 20Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa.

  • 17Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Naagtaadu dhillo bay ku ahaan doontaa magaalada, oo wiilashaada iyo gabdhahaaguba seef bay ku dhiman doonaan, oo dhulkaaga xadhig baa lagu qaybsan doonaa, oo adna waxaad ku dhex dhiman doontaa dal nijaasaysan, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysan doonaa dalkooda.