Hosheeca 2:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 20:35-36 : 35 Oo waxaan idiin keeni doonaa cidlada dadyowga, oo halkaasaan fool ka fool idinkula xaajoon doonaa. 36 Sidii aan awowayaashiin cidladii dalka Masar ugula xaajooday oo kale ayaan idinkana idiinla xaajoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Muj 12:6 : 6 Oo naagtiina waxay u carartay xagga cidlada, halkaasoo Ilaah iyada uga diyaariyey meel lagu quudiyo kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood.
  • Muj 12:14 : 14 Oo waxaa naagtii la siiyey laba baal oo gorgor weyn si ay uga duusho maskii ilaa meesheedii cidlada ku tiil, halkaasoo iyada lagu quudiyo wakhti, iyo wakhtiyo, iyo wakhti badhkiis.
  • Yoox 6:44 : 44 Ninna iima iman karo hadduusan Aabbihii i soo diray soo jiidin, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
  • Miik 7:14-20 : 14 ¶ Dadkaaga oo ah adhigii dhaxalkaaga oo kaynta Karmel ku dhex taal keli ahaantood deggan ushaada ku daaji. Iyagu ha daaqeen Baashaan iyo Gilecaad sidii waagii hore. 15 Sidii wakhtigii aad dalkii Masar ka soo baxdeen ayaan waxyaalo yaab badan tusi doonaa. 16 Quruumuhu way arki doonaan, oo waxay ka ceeboobi doonaan itaalkooda oo dhan, oo intay gacanta afka saaraan ayay dhego beeli doonaan. 17 Waxay ciidda u leefleefi doonaan sidii abeeso oo kale, sidii waxyaalo dhulka ku gurguurta ayay iyagoo gariiraya meelahooda ka soo bixi doonaan, oo waxay cabsi ugu iman doonaan Rabbiga Ilaaheenna ah, oo idinka aawadiin ayay u baqi doonaan. 18 Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa. 19 Isagu wuu soo jeedsan doonaa oo wuu inoo naxariisan doonaa. Xumaanteennana cagta buu kula joogsan doonaa. Adigu dembiyadooda oo dhan waxaad ku tuuri doontaa badda moolkeeda. 20 Sidaad waagii hore awowayaashayo ugu dhaaratay, waxaad Yacquub u samayn doontaa run, Ibraahimna naxariis.
  • Saf 3:9-9 : 9 ¶ Waayo, markaas ayaan dadyowga siin doonaa af daahir ah, si ay kulligood magaca Rabbiga ugu yeedhaan, oo ay isaga ugu adeegaan isku niyad keliya. 10 Kuwa i barya oo ah dadkayga firidhsan waxay webiyaasha Itoobiya shishadooda ka keeni doonaan qurbaankayga. 11 ¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah. 12 Laakiinse dhexdaada waxaan uga tegi doonaa dad dhibaataysan oo masaakiin ah, oo iyana magaca Rabbiga ayay isku hallayn doonaan. 13 Kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay xumaan ma samayn doonaan, beenna ma sheegi doonaan, oo afkoodana innaba carrab khiyaano badan lagama heli doono, waayo, iyagu wax bay quudan doonaan oo way iska jiifsan doonaan, oo waxba iyaga ma cabsiin doonaan. 14 ¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree. 15 Rabbigu wuxuu qaaday xukummadaadii, oo cadowgaagiina wuu tuuray. Boqorkii reer binu Israa'iil oo Rabbiga ah ayaa dhexdaada jooga, oo mar dambe shar ka baqi maysid. 16 Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu odhan doonaa, Ha cabsan, Siyoonay, yaan gacmahaagu debcin. 17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa. 18 Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd. 19 Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac. 20 Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sak 1:12-17 : 12 Markaasaa malaggii Rabbigu jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadow, ilaa goormaadan u naxariisanayn Yeruusaalem iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, kuwaasoo aad toddobaatan sannadood u cadhaysnayd? 13 Markaasaa Rabbigu malaggii ila hadlay ugu jawaabay erayo wanaagsan oo qabow. 14 Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn. 15 Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii. 16 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed. 17 Oo haddana qayli oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkaygu mar kalay barwaaqo la faafi doonaan, oo Rabbigu mar kaluu Siyoon u qalbi qaboojin doonaa, oo mar kaluu Yeruusaalem dooran doonaa.
  • Sak 8:19-23 : 19 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Soonkii bisha afraad iyo soonkii bisha shanaad iyo soonkii bisha toddobaad iyo soonkii bisha tobnaadba waxay dadka dalka Yahuudah u noqon doonaan farxad iyo rayrayn iyo iido lagu rayreeyo, haddaba sidaas daraaddeed jeclaada runta iyo nabadda. 20 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Mar kale waxaa iman doona dadyow iyo kuwo magaalooyin badan deggan. 21 Oo magaalo dadka deggan waxay u tegi doonaan dad magaalo kale deggan, oo waxay ku odhan doonaan, Ina keena aynu dhaqsiyo Rabbiga u barinnee, oo aynu Rabbiga ciidammada doondoonnee, oo aniguna waan tegi doonaa. 22 Dadyow badan iyo quruumo xoog badanuba waxay u soo kici doonaan inay Yeruusaalem ka doondoonaan Rabbiga ciidammada, iyo inay Rabbiga baryaan. 23 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas toban nin oo ka mid ah quruumaha oo dhammu waxay ku dhegi doonaan mid Yuhuud ah darafka dharkiisa, iyagoo leh, Annagu waannu idin raaci doonnaa, waayo, waxaannu maqalnay in Ilaah idinla jiro.
  • Yex 34:22-31 : 22 Sidaas daraaddeed adhigayga waan badbaadin doonaa, oo mar dambena wax la dhaco siima uu ahaan doono, oo waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo. 23 Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijir keliya oo iyaga jira, oo isaguna wuu daajin doonaa, oo kaasu waa addoonkayga Daa'uud. Isagaa daajin doona, oo adhijir buu u ahaan doonaa. 24 Oo aniga Rabbiga ahu Ilaahooda baan ahaan doonaa, oo addoonkayga Daa'uudna wuxuu ahaan doonaa amiir dhexdooda jooga. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. 25 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi nabdeed, waxaanan ka dhigi doonaa in dugaag baas ay dalka ka dhex baabba'aan. Cidladay ammaan ku degganaan doonaan, oo kaynta dhexdeedana way iska seexan doonaan. 26 Oo iyaga iyo meelaha buurtayda ku wareegsanba barako baan ka dhigi doonaa, oo roobkana xilligiisaan u soo di'in doonaa, oo waxaa jiri doona tiixo barakee. 27 Dhirta duurku midhay dhali doontaa, oo dhulkuna wax badan buu soo bixin doonaa, oo iyaguna ammaan bay dalkooda ku dhex joogi doonaan, oo markaan xadhkaha harqoodkooda kala gooyo, oo aan gacanta kuwii iyaga addoonsan jiray ka soo samatabbixiyo, waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay. 28 Oo iyagu mar dambe wax la dhaco quruumaha uma ay ahaan doonaan, oo dugaagga dalku ma ay cuni doonaan, laakiinse ammaan bay ku degganaan doonaan, oo ciduna innaba kama cabsiin doonto. 29 Oo waxaan iyaga u soo bixin doonaa geed caan ah, oo mar dambena dalka dhexdiisa abaar uguma ay baabbi'i doonaan, oo kol dambe ceebtii quruumaha ma ay sidan doonaan. 30 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay markaas ogaan doonaan in anigoo Rabbiga Ilaahooda ah aan iyaga la jiro, iyo in iyagoo reer binu Israa'iil ah ay dadkaygii yihiin. 31 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idahaygiiyow, idihii daaqsintaydow, waxaad tihiin binu-aadmi, oo aniguna waxaan ahay Ilaahiinna.
  • Yex 36:8-9 : 8 Laakiinse idinku buuraha reer binu Israa'iilow, waxaad soo bixin doontaan laamihiinna, oo waxaad midhihiinna u dhali doontaan dadkayga reer binu Israa'iil, waayo, iyagu dhaqsay u iman doonaan. 9 Waayo, bal eega, raalli baan idinka ahay, oo waan idiin soo noqon doonaa, oo idinkana waa laydin fali doonaa oo waa laydin beeri doonaa. 10 Oo waxaan idinku badin doonaa dad ah reer binu Israa'iil oo dhan, xataa kulligoodba, oo magaalooyinka waa la degi doonaa, meelaha burbursanna waa la wada dhisi doonaa. 11 Oo waxaan idinku badin doonaa dad iyo duunyo, oo iyana way sii kordhi doonaan oo wax bay dhali doonaan, oo dad baan idin dejin doonaa sidii markii hore, oo waxaan idiin samayn doonaa wax bilowgiinnii hore ka sii wanaagsan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 12 Hubaal waxaan ka dhigi doonaa in dad kugu dul socdo, waana dadkayga reer binu Israa'iil, oo way ku hantiyi doonaan, oo dhaxalkoodii baad ahaan doontaa, oo haatan ka dibna mar dambe ma aad gablamin doontid. 13 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa lagu yidhaahdaa, Dalyahow, dadka waad baabbi'isaa oo quruuntaadiina waad gablamisay, 14 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Mar dambe dad ma aad baabbi'in doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad gablamin doontid. 15 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa inaan mar dambe ceebtii quruumaha dhexdaada laga maqal, oo mar dambena caydii dadyowga siima aad sidan doontid, oo quruuntaadana mar dambe ma aad turunturayn doontid.
  • Yex 37:11-28 : 11 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu waa reer binu Israa'iil oo dhan. Bal eeg, iyagu waxay yidhaahdaan, Lafahayagii way engegeen, oo rajadayadiina way go'day, oo waannu wada baabba'nay. 12 Sidaas daraaddeed hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygow, bal eega, qabuurihiinnaan wada furi doonaa, oo qabuurihiinnaan idinka soo bixin doonaa, waxaanan idin keeni doonaa dalkii reer binu Israa'iil. 13 Dadkaygow, markaan qabuurihiinna wada furo, oo aan qabuurihiinna idinka soo bixiyo, waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 14 Ruuxaygaan idin gelin doonaa, waanad soo noolaan doontaan, oo waxaan idin keeni doonaa dalkiinnii. Oo markaasaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan saas ku hadlay, oo aan weliba oofiyey, ayaa Rabbigu leeyahay. 15 ¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 16 Wiilka Aadamow, ul soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yahuudah iyo reer binu Israa'iil oo saaxiibbadiis ah. Oo haddana ul kale soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yuusuf taasoo ah ushii Efrayim, iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo saaxiibbadiis ah. 17 Oo labadoodaba isku dar oo waxaad isaga dhigtaa ul qudha inay iyagu gacantaada isku mid qudha ku noqdaan. 18 Oo markay dadkaagu kula hadlaan oo ay kugu yidhaahdaan, War, maad noo sheegtid waxa aad xaalkan ula jeeddid? 19 waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo qaadan doonaa usha reer Yuusuf oo gacanta reer Efrayim ku jirta, iyo qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo isaga saaxiibbadiis ah, oo waxaan ku dari doonaa usha reer Yahuudah, oo kulligood waxaan isaga wada dhigi doonaa ul qudha oo gacantayday ku midoobi doonaan. 20 Oo ulaha aad waxaas ku qortana waa inay gacantaada ku jiraan iyagoo indhaha ku haya. 21 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa. 22 Oo iyaga quruun qudha ayaan uga dhigi doonaa dalka buuraha reer binu Israa'iil, oo boqor qudha ayaa kulligood boqor u wada ahaan doona, oo mar dambe laba quruumood ma ay kala ahaan doonaan, oo kol dambe innaba laba boqortooyo uma ay kala qaybsanaan doonaan. 23 Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa. 24 Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan. 25 Oo waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa. 26 Oo weliba axdi nabdeed baan la dhigan doonaa, oo kaasu wuxuu ahaan doonaa axdi daa'imis ah oo weligoodba iyaga lala dhigtay. Oo iyagaan barakayn doonaa, waanan sii badin doonaa, oo meeshayda quduuska ahna weligeedba waan dhex dhigi doonaa. 27 Oo taambuuggayguna iyaguu la jiri doonaa, oo Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan. 28 Oo quruumuhuna waxay ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan reer binu Israa'iil quduus ka dhigo, markii meeshayda quduuska ahu ay weligeedba dhexdooda ku sii taallo.
  • Yex 39:25-29 : 25 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa. 26 Waxay illoobi doonaan ceebtoodii iyo xadgudubyadii ay igu xadgudbeen oo dhan markay si ammaan ah dalkooda u degganaan doonaan, oo aan ciduna ka cabsiin doonin, 27 markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan. 28 Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin. 29 Oo wejigaygana innaba mar dambe iyaga kama aan qarin doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ruuxaygii ayaan reer binu Israa'iil ku dul shubay.
  • Hos 2:3 : 3 si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.
  • Aam 9:11-15 : 11 ¶ Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore, 12 inay iyagu dhaxlaan kuwii ka hadhay reer Edom iyo quruumaha magacayga loogu yeedho oo dhan, ayaa Rabbiga waxan sameeya leeyahay. 13 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti kan beerta falaa uu soo gaadhi doono kan gooya, oo kan canabka ku tuntaana wuxuu soo gaadhi doonaa kan iniinaha beera, oo buurahana waxaa ka soo daadan doona khamri macaan, oo kuraha oo dhammuna way wada dhalaali doonaan. 14 Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan. 15 Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.
  • Yoox 12:32 : 32 Aniguna haddii kor layga qaado dhulka, dhammaan xaggaygaan u soo jiidi doonaa.
  • Room 11:26-27 : 26 oo sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu u wada badbaadi doonaan, sida qoran, Waxaa Siyoon ka soo bixi doona Bixiyaha. Wuxuu Yacquub ka sii jeedin doonaa cibaadola'aanta. 27 Oo kanu waa axdigayga aan la dhigan doono iyaga, Markaan dembigooda ka qaadi doono.
  • Bil 34:3 : 3 Naftiisiina way raacday gabadhii Yacquub oo Diinah ahayd, wuuna jeclaaday gabadhii, si raxmad lehna wuu ula hadlay gabadhii.
  • Xaak 19:3 : 3 Markaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo.
  • Hees 1:4 : 4 I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.
  • Ish 30:18 : 18 Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu sugayaa inuu idiin roonaado, oo wuxuu u sarreeyaa inuu idiin naxariisto, waayo, Rabbigu waa Ilaah caddaalad badan, oo waxaa barakaysan kuwa isaga sugaya oo dhan.
  • Ish 35:3-4 : 3 Gacmaha taagta daran xoogeeya, oo jilbaha tabarta yarna adkeeya. 4 Kuwa qalbigoodu cabsanayo waxaad ku tidhaahdaan, Xoog yeesha oo ha cabsanina, waayo, Ilaahiinnu wuxuu la iman doonaa aarsasho iyo abaalmarintii Ilaah, wuu iman doonaa, wuuna idin badbaadin doonaa.
  • Ish 40:1-2 : 1 ¶ Ilaahiinnu wuxuu leeyahay, Dadkayga qalbi qaboojiya oo sii qalbi qaboojiya! 2 Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.
  • Ish 49:13-26 : 13 Samooyinkow, heesa, oo dhulkow, faraxsanow, buurahow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo kuwiisa dhibaataysanna wuu u naxariisan doonaa. 14 ¶ Laakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay. 15 Miyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo. 16 Bal eeg, waxaan kugu calaamadeeyey calaacalaha gacmahayga, oo derbiyadaaduna had iyo goorba way i hor yaalliin. 17 Carruurtaadu way soo degdegayaan, oo kuwii ku dumiyey iyo kuwii cidlada kaa dhigayba way kaa bixi doonaan. 18 Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Kuwaas oo dhammu way isa soo wada urursanayaan oo adigay kuu imanayaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay, hubaal kuwaas oo dhan waxaad u xidhan doontaa sida sharraxaad oo kale, oo waxaad u huwan doontaa sida aroosaddu wax u huwato oo kale. 19 Waayo, baabba'aagii iyo meelahaagii cidloobay iyo dalkaagii burburayba haatan cidhiidhi bay ku noqon doonaan kuwa ku degaya, oo kuwii ku liqayna way kaa fogaan doonaan. 20 Carruurta aad dhashay markaad gablantay dabadeed ayaa kugu odhan doonta adigoo maqlaya, Meeshu aad bay noogu cidhiidhisan tahay, haddaba bal meel aannu degno noo bannee. 21 Markaasaad qalbigaaga iska odhan doontaa, Bal yaa kuwan ii dhalay? Maxaa yeelay, carruurtaydii waan ka gablamay, oo waxaan ahay mid cidlowday, oo la masaafuriyey, oo wareegta. Oo bal yaase kuwan ii koriyey? Waayo, anoo keligay ah ayaa layga tegey, ee haddaba kuwanu xaggee bay joogeen? 22 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, quruumahaan u gacan haadin doonaa, oo calankayga dadyowgaan u taagi doonaa, oo wiilashaada laabtooday ku keeni doonaan, oo gabdhahaagana garbahooday ku soo qaadi doonaan. 23 Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan. 24 Mid xoog badanu wuxuu qabsado miyaa laga qaadaa? Miyaase la samatabbixiyaa maxaabbiistii kan xaqa ah? 25 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Xataa kii xoog badan maxaabbiistiisa waa laga qaadi doonaa, oo kan laga cabsado wuxuu qabsadona waa laga samatabbixin doonaa, waayo, kii kula dirira waan la diriri doonaa, oo carruurtaadana waan badbaadin doonaa. 26 Oo kuwii ku dulmana waxaan ku quudin doonaa hilibka jidhkooda, oo dhiiggoodana waxay ugu sakhraami doonaan sida khamri macaan, oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.
  • Ish 51:3-9 : 3 Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed. 4 ¶ Dadkaygow, i maqla, oo quruuntaydoy, dhegta ii dhiga, waayo, sharci baa iga soo bixi doona, oo caddaaladdaydana waxaan ka dhigi doonaa inay dadyowga iftiin u noqoto. 5 Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan. 6 Bal indhihiinna samooyinka ku taaga, oo haddana dhulka hoose fiiriya, waayo, samooyinku sida qiiq oo kale bay u libdhi doonaan, oo dhulkuna sida dhar buu u duugoobi doonaa, oo kuwa degganuna sidaas oo kalay u dhiman doonaan, laakiinse badbaadintaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo xaqnimadayduna weligeed ma dhammaan doonto. 7 ¶ Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina. 8 Waayo, aboor baa sida dhar oo kale u cuni doona, oo dixiri baa sida dhogor oo kale u cuni doona, laakiinse xaqnimadaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo badbaadintayduna tan iyo ab ka ab way sii jiri doontaa. 9 ¶ Gacanta Rabbigoy, toos oo toos, oo xoog yeelo, oo u toos sidii waayihii hore, iyo sidii qarniyadii hore. Miyaadan ahayn tii Rahab googooysay oo bahalbadeeddii mudday? 10 Miyaadan ahayn tii engejisay baddii ahayd biyihii moolka dheeraa? Sow ma aad tihid tii badda moolkeeda jidka ka samaysay in kuwa la soo furtay ay ku gudbaan? 11 Oo kuwa Rabbigu soo furtay way soo noqon doonaan, iyagoo gabyaya ayay Siyoon iman doonaan, oo madaxoodana farxad weligood ah ayaa saarnaan doonta, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo tiiraanyo iyo taahna way carari doonaan. 12 ¶ Aniga qudhayda weeye kan ku qalbi qaboojiya. Maxaad tahay waadiga nin dhimanaya iyo binu-aadmi sida caws oo kale u baabba'aya ka cabsanayee? 13 Ma waxaad illooday Rabbiga ku sameeyey oo samooyinka kala bixiyey, oo dhulka aasaaskiisa dhigay, oo ma waxaad had iyo goor maalin kasta ka cabsanaysaa kan wax dulma cadhadiisa, sidii isagoo diyaar u ah inuu wax baabbi'iyo? Haddaba bal meeday kan wax dulma cadhadiisu? 14 Maxbuuska la masaafuriyey dhaqso baa loo furi doonaa, oo ma uu dhiman doono, yamayskana ma geli doono, cuntadiisana ma uu waayi doono. 15 Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah oo badda isku walaaqa si ay mawjadaheedu u guuxaan. Magiciisa waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. 16 Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin. 17 ¶ Yeruusaalemay tii gacanta Rabbiga koobkii cadhadiisa ka cabtayay, toos oo toos, oo sara joogso. Waxaad cabtay koobka lagu dhacdhaco, waadna heensatay. 18 Wiilashii ay dhashay oo dhan laguma arko mid iyada haga, oo wiilashii ay korisay oo dhanna laguma arko mid iyada gacanta qabta. 19 Labadan waxyaalood ayaa kugu dhacay. Bal yaa kuu barooran doona? Baabba' iyo halaag, iyo abaar iyo seef. Haddaba bal sidee baan kuu qalbi qabowjin doonaa? 20 Wiilashaadii aad bay u daaleen, waxayna dhinac yaalliin jidadka oo dhan sida biciid dabin ku dhacay. Waxay ka wabxeen cadhadii Rabbiga iyo canaantii Ilaahaaga. 21 Haddaba taada dhibaataysan oo ku sakhraantay wax aan khamri ahaynay, bal waxan maqal: 22 Sayidkaaga Rabbiga ah oo ah Ilaahaaga dacwada dadkiisa u muddaca wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan gacantaada ka bixiyey koobka lagu dhacdhaco, kaasoo ah koobka cadhadayda. Adigu mar dambe innaba ma aad cabbi doontid. 23 Laakiinse waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa ku dhiba, oo naftaada ku yidhi, Dhambacaadso aan kugu gudubnee, oo adna kuwii gudbayay ayaad dhabarkaagii uga dhigtay sida dhulka oo kale, iyo sida jidka oo kale.
  • Yer 2:2 : 2 Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin.
  • Yer 3:12-24 : 12 Tag, oo erayadan xagga woqooyi u naadi, oo waxaad tidhaahdaa, Boqortooyada Israa'iil ee dib u noqotayay, soo noqo, maxaa yeelay, weji cadhaysan kugu eegi maayo, waayo, waan naxariis badnahay, oo cadhadaydana weligay sii haysan maayo, ayaa Rabbigu leeyahay. 13 Waxaa keliya ood aqoonsataa xumaantaada, inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku xadgudubtay, iyo inaad geed kasta oo doog ah hoostiisa jidadkaaga ugu kala firdhisay shisheeyayaasha, iyo inaadan codkaygii addeecin, ayaa Rabbigu leeyahay. 14 Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay. 15 Oo sida qalbigaygu jecel yahay waxaan idiin siin doonaa daajiyayaal, oo iyana waxay idinku daajin doonaan aqoon iyo waxgarasho. 16 Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas markaad tarantaan oo aad dalka dhexdiisa ku badataan, waxay noqon doontaa inaan mar dambe la odhan, Sanduuqii axdiga Rabbiga, oo lagamana fikiri doono, lamana soo xusuusan doono, lamana soo booqan doono, oo mar dambena lama samayn doono. 17 Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah. 18 Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey. 19 Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen. 21 Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa. 22 Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah. 23 Sida runta ah waa rajo been ah in badbaadinta kuraha iyo buuraha badan laga sugo. Sida runta ah badbaadadii dadka Israa'iil waxay ka timaadaa Rabbiga Ilaahayaga ah. 24 Laakiinse tan iyo yaraantayadii waxa ceebta ah ayaa baabba' ka dhigtay wixii awowayaashayo ku hawshoodeen oo dhan, xataa adhyahoodii iyo ishkinkoodii, iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba.
  • Yer 16:14 : 14 ¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey,
  • Yer 30:18-22 : 18 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa. 19 Oo waxaa iyaga ka soo dhex bixi doona mahadnaqid iyo kuwa reyreeya codkood, oo iyaga waan tarmin doonaa, oo mana ay dhinmi doonaan, oo weliba waan sharfi doonaa, oo ma ay yaraan doonaan. 20 Oo carruurtooduna waxay noqon doonaan sidii waayihii hore, oo ururkooduna hortayduu ku dhismi doonaa, oo kuwa iyaga dulma oo dhanna waan wada ciqaabi doonaa. 21 Oo amiirkooduna iyaguu ka iman doonaa, taliyahooduna iyaguu ka soo dhex bixi doonaa, oo isagaan ka dhigi doonaa inuu ii soo dhowaado, oo isna wuu ii iman doonaa, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa kuma kan ku dhaca inuu ii soo dhowaado? 22 Oo idinku dadkayga waad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.
  • Yer 31:1-9 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla markaasba waxaan ahaan doonaa Ilaaha qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana dadkaygay ahaan doonaan. 2 Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaan u soo kacay inaan isaga nasiyo ayay dadkii seefta ka baxsaday naxariis ka heleen cidladii, waana reer binu Israa'iil. 3 Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay. 4 Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya. 5 Oo weliba waxaad canab ku beeran doontaa buuraha Samaariya, oo beeraleydu wax bay beeran doonaan, oo midhahoodana way ku farxi doonaan. 6 Waxaa iman doona wakhti waardiyayaasha buuraha Efrayim kor saaranu ay ku dhawaaqi doonaan, Sara joogsada oo aynu Rabbiga Ilaaheena ah Siyoon ugu kacnee. 7 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Yacquub aawadiis farxad ugu heesa, oo waxaad u dhawaaqdaan kan madaxa quruumaha ah aawadiis. Naadiya, oo ammaana, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiyow, dadkaaga ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay badbaadi. 8 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo kaxayn doonaa dalka woqooyi, waanan ka soo ururin doonaa dhulka darafyadiisa, oo waxaan iyaga la soo keeni doonaa indhoolaha iyo curyaanka, iyo naagtii uur leh, iyo tii ilmo la foolanaysa. Iyagoo guuto weyn ah ayay halkan ku soo noqon doonaan. 9 Iyagoo ooyaya bay iman doonaan, oo anoo qalbi qaboojinaya ayaan soo hor kici doonaa, oo waxaan iyaga soo ag marin doonaa durdurro biya ah iyo jid toosan oo ayan ku dhex turunturoon doonin, waayo, aabbaan reer binu Israa'iil u ahay, oo Efrayimna waa curadkaygii. 10 ¶ Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale. 11 Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay, oo wuxuu ka soo badbaadiyey gacantii kii isaga ka xoogga badnaa. 12 Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan. 13 Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan. 14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wadaaddada naftooda aad baan u dhergin doonaa, oo dadkayguna wanaaggaygay ka dhergi doonaan. 15 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Cod baa Raamaah laga maqlay, baroorasho iyo oohin qadhaadh, oo Raaxeel carruurteeday u ooyaysaa, wayna diiddaa in carruurteeda looga qalbi qaboojiyo, waayo, ma ay joogaan. 16 Rabbigu wuxuu leeyahay, Codkaaga oohinta ka jooji, oo indhahaagana ilmada ka celi, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Shuqulkaaga waa lagaaga abaalgudi doonaa, oo iyagu mar kalay ka iman doonaan dalkii cadowga. 17 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaystaadana rajaa kuu jirta, oo carruurtaaduna mar kalay waddankooda ku soo noqon doonaan. 18 Sida xaqiiqada ah waxaan maqlay Efrayim oo ku barooranaya, Adigu waad i edbisay, oo waxaa la ii edbiyey sidii dibi layli ah oo aan harqoodka u baran. I soo celi, oo aniguna waan soo noqon doonaa, waayo, Rabbiga Ilaahayga ah ayaad tahay. 19 Hubaal markaan soo noqday ayaan toobadkeenay, oo markii lay waaniyeyna bowdadaan dharbaaxay, oo waan ceeboobay, oo xataa waan sharafjabay, waayo, waxaan weli sitay ceebtii yaraantayda. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Efrayim ma wiilkayga aan aad u jeclahay baa? Oo ma wiil aan ku farxo baa? Waayo, mar alla markii aan wax isaga ka gees ah ku hadlo, aad baan isaga u xusuustaa, oo aawadiis ayaa uurku ii gubtay. Hubaal waan u naxariisan doonaa. 21 Calaamado samayso, oo tiirar jidka lagu garto qotonso, oo qalbigaaga u soo jeedi xagga jidka weyn, kaasoo ah jidkii aad markii hore ku tagtay. Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, soo noqo. Magaalooyinkaagan ku soo noqo. 22 Kaaga sida bikrad dib u socdow, ilaa goormaad iska daba wareegaysaa? Waayo, Rabbigu wax cusubuu dhulka ku sameeyey, oo naag baa nin ku wareegi doonta. 23 ¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo. 24 Xaggaas waxaa degganaan doona dadka dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisa oo dhanba, kuwaasoo beeraley iyo kuwa xoolodhaqato ah. 25 Waayo, naf kasta oo daallan ayaan wabxiyey, oo naf kasta oo murugaysanna waan dhergiyey. 26 Markaasaan toosay, oo wax baan fiiriyey, oo hurdadaydiina way ii macaanayd. 27 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba ku dhex beeri doono abuur dad iyo duunyoba. 28 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in sidaan iyaga ugu dhawray inaan rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan afgembiyo, oo aan baabbi'iyo, oo aan wada dhibo, sidaas oo kale ayaan iyaga ugu dhawri doonaa inaan dhiso, oo aan beero. 29 Oo wakhtigaas iyagu mar dambe ma ay odhan doonaan, Aabbayaashii waxay cuneen canab dhanaan, carruurtiina way saliilyoodeen. 30 Laakiinse mid kastaaba wuu u dhiman doonaa xumaantiisa, oo nin kasta oo canab dhanaan cunaaba wuu saliilyoon doonaa. 31 ¶ Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah, 32 oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale, maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar. Iyagu axdigaygaas way jebiyeen in kastoo aan iyaga sayid u ahaa, ayaa Rabbigu leeyahay. 33 Laakiinse kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay. Sharcigayga waxaan gelin doonaa uurkooda, oo qalbigoodana waan ku qori doonaa, oo Ilaahooda waan ahaan doonaa, iyaguna dadkaygay ahaan doonaan. 34 Mar dambe nin kastaaba deriskiisa wax ma bari doono, oo nin kastaaba walaalkiis wax ma bari doono, isagoo ku leh, Rabbiga garo, waayo, kulli way i garan doonaan, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weynba, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, xumaantooda waan cafiyi doonaa, oo dembigoodana kol dambe ma xusuusan doono. 35 Rabbiga qorraxda maalintii nuurka ka dhiga, oo qaynuunnada dayaxa iyo xiddigaha ka dhiga inay habeenkii nuuraan, oo baddana kiciya si ay mawjadaheedu u guuxaan, oo magiciisa la yidhaahdo Rabbigii ciidammada, wuxuu leeyahay: 36 Haddii qaynuunnadaasu ay hortayda ka tagaan, farcanka reer binu Israa'iilna way ka joogsan doonaan inay weligoodba hortayda quruun ku ahaadaan. 37 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddii samada sare la qiyaasi karo, amase aasaaska dhulka hoose la soo baadhi karo, markaas aniguna farcanka reer binu Israa'iil oo dhan waan u wada xoori doonaa wixii ay sameeyeen oo dhan aawadood, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 32:36-41 : 36 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo, 37 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan. 38 Iyagu waxay ahaan doonaan dadkaygii, oo anna Ilaahood baan ahaan doonaa. 39 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi qudha iyo jid qudha, si ay weligoodba iiga cabsadaan, waana inay iyaga iyo carruurtooda ka dambaysaba wanaag helaan. 40 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi weligiisba sii waaraya, si aanan marnaba uga sii jeesan inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo qalbigooda ayaan cabsidayda gelin doonaa, si ayan iiga tegin aawadeed. 41 Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa.
  • Yer 33:6-9 : 6 Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan. 7 Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale. 8 Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa. 9 Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan. 10 Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa 11 codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay. 12 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya. 13 Magaalooyinka buuraha, iyo magaalooyinka dooxada, iyo magaalooyinka koonfureed, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudahba adhyuhu mar kalay hoos mari doonaan kan tirinaya gacmihiisa, ayaa Rabbigu leeyahay. 14 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay. 15 Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo. 16 Wakhtigaas dadka Yahuudah waa la badbaadin doonaa, oo Yeruusaalemna ammaan bay ku degganaan doontaa, oo kanuna waa magaca iyada lagu magacaabi doono, Rabbigu waa xaqnimadayadii. 17 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Daa'uud marnaba ma waayi doono nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista. 18 Oo wadaaddada reer Laawina marnaba ma waayi doonaan nin hortayda jooga inuu qurbaanno la gubo bixiyo, iyo inuu qurbaanno hadhuudh ah gubo, iyo inuu had iyo goorba allabaryo. 19 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi, 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad jebin karaysaan axdigayga habeenka, amase axdigayga maalinta, si habeen iyo maalinu ayan xilligooda u ahaanin, 21 markaas axdigayga aan addoonkayga Daa'uud la dhigtayna waa jabi karayaa si uusan u helin wiil carshigiisa ka dul taliya, iyo kii aan la dhigtay wadaaddada reer Laawi oo midiidinnadayda ah. 22 Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba. 23 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi, 24 Miyaadan ka fikirayn waxa dadkanu ku hadleen iyagoo leh, Labadii qolo ee uu Rabbigu doortayba wuu xooray? Oo saasay dadkayga u quudhsadaan si ayan iyagu mar dambe hortooda quruun ugu ahaan. 25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadduusan axdigayga habeenka iyo maalintu sii jirin, ama haddaanan waajib ka dhigin qaynuunnada samada iyo dhulkaba, 26 markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.
  • Yex 20:10 : 10 Sidaas daraaddeed ayaan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey oo cidlada keenay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hos 2:15-16
    2 aayado
    82%

    15Oo waxaan iyada halkaas ka siin doonaa beeraheedii canabka ahaa, oo dooxada Caakoorna waxaan uga dhigi doonaa albaab rajo, oo iyana halkaasay ku jawaabi doontaa, sidii waagii ay dhallintayarayd oo kale, iyo sidii maalintii ay dalkii Masar ka soo baxday.

    16Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaad iigu yeedhid, Ninkaygiiyow, oo aadan mar dambe iigu yeedhin, Bacalkaygiiyow, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Hos 2:12-13
    2 aayado
    80%

    12Oo waxaan baabbi'in doonaa geedaheedii canabka ahaa iyo dhirteedii berdaha ahayd oo ay iyadu tidhi, Kuwanu waa kiradaydii ay kuwii i caashaqi jiray i siiyeen. Oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa duud, waxaana daaqi doona xayawaanka duurka.

    13Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan iyada u taqsiiri doonaa maalmihii ay fooxa Bacaliim u shidday, oo ay isku sharraxday hilqadaheedii iyo dahabkeedii, oo ay daba gashay kuwii iyada caashaqi jiray, anigase ay i illowday.

  • Yer 2:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Oo haddana eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh,

    2Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin.

  • Hos 2:2-3
    2 aayado
    78%

    2¶ Hooyadiin barya, ee barya, waayo, iyadu ma aha afadaydii, oo aniguna ma ahi ninkeedii. Oo wejigeeda ha ka fogayso dhillanimadeeda, oo sinadeedana ha ka fujiso naasaheeda dhexdooda,

    3si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.

  • Hos 2:5-10
    6 aayado
    77%

    5Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga.

    6Haddaba bal eeg, anigu jidkaaga waxaan ku awdi doonaa qodxan, oo deyr baan iyada hor dhigi doonaa, si ayan dhabbaheedii u helin.

    7Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay.

    8Waayo, iyadu ma ay ogayn inaan anigu siiyey hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaan iyada ku badiyey lacag iyo dahab ay iyagu Bacal ugu isticmaali jireen.

    9Haddaba sidaas daraaddeed anigu hadhuudhkayga wakhtigiisa waan ceshan doonaa, oo khamrigaygana xilligiisa waan ceshan doonaa, oo suufkayga iyo waxayga linenka ah ee cawradeeda dedi lahaana waan ka qaadi doonaa.

    10Oo haatan waxaan soo bandhigi doonaa ceebteeda iyadoo ay u jeedaan kuwa iyada caashaqi jiray, oo ninna iyada kama samatabbixin doono gacantayda.

  • 35Oo waxaan idiin keeni doonaa cidlada dadyowga, oo halkaasaan fool ka fool idinkula xaajoon doonaa.

  • 14Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Hos 2:19-20
    2 aayado
    74%

    19Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis.

    20Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa.

  • Yex 16:7-8
    2 aayado
    73%

    7Oo waxaan kaa dhigay inaad sida biqilka duurka oo kale u badatid, waanad korodhay oo sii weynaatay, oo waxaad noqotay wax qurux badan, waanad naaso keentay, oo timahaagiina way bexeen, in kastoo aad qaawanayd oo aanad dednayn.

    8Haddaba markaan ku soo ag maray, oo aan ku fiiriyey, wakhtigaagu wuxuu ahaa wakhtigii caashaqa, oo waxaan kugu deday macawistaydii, oo cawradaadiina waan daboolay, oo weliba waan kuu dhaartay oo axdi kula dhigtay, oo taydii baad noqotay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 20Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale.

  • 37Haddaba sidaas daraaddeed waxaan soo wada ururin doonaa kuwii ku caashaqay oo aad la raaxaysatay oo dhan, iyo kuwa aad jeclaatay oo dhan, iyo kuwa aad necbaatay oo dhan. Kulligood dhinac kastaan kaaga soo ururin doonaa, oo cawradaadana iyagaan daaha uga qaadi doonaa, si ay cawradaada oo dhan u arkaan.

  • 22¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aaholiibaahay, bal ogow, kuwii ku caashaqi jiray ayaan kugu soo kicin doonaa, kuwaasoo ay naftaadu ka go'day, oo iyagaan dhinac kasta kaaga soo dayn doonaa,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Haddana tag, oo waxaad jeclaataa naag la caashaqo oo dhillo ah, sida Rabbigu u jecel yahay dadka Israa'iil in kastoo ay ilaahyo kale u jeestaan, oo ay jeclaadaan wax sabiib ah.

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad i heli doontaan, oo maxaabiisahaantiinnana waan idinka celin doonaa, oo waxaan idinka soo wada ururin doonaa quruumaha oo dhan iyo meelihii aan idin kexeeyey oo dhan ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan idinku soo celin doonaa meeshii aan ka dhigay in maxaabiis ahaan laydinkaga kaxaysto.

  • Yer 3:7-8
    2 aayado
    72%

    7Oo iyadu markay waxyaalahaas oo dhan samaysay dabadeed ayaan waxaan is-idhi, Way ii soo noqon doontaa, laakiinse iyadu sooma noqon. Oo walaasheedii boqortooyadii Yahuudah oo sirreyda ahaydna waxaas way aragtay.

    8Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday.

  • Yer 31:2-4
    3 aayado
    71%

    2Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaan u soo kacay inaan isaga nasiyo ayay dadkii seefta ka baxsaday naxariis ka heleen cidladii, waana reer binu Israa'iil.

    3Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay.

    4Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya.

  • Ish 54:6-7
    2 aayado
    71%

    6Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale.

    7Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan.

  • 5Anigu waan idin iqiin markii aad dhex joogteen cidladii ahayd dalka abaarta badan.

  • 5Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu?

  • Saf 3:19-20
    2 aayado
    71%

    19Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac.

    20Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 15¶ Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.

  • 25Cagahaaga kabola'aan ka dhawr, oo hungurigaagana harraad ka dhawr, laakiinse waxaad tidhi, Rajo ma leh innaba, waayo, waxaan jeclaaday shisheeyayaal, oo iyagaan iska daba gelayaa.

  • 10Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi, Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

  • 17Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.

  • 19Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.

  • 3Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.

  • Yer 3:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Waxaa la yidhaahdaa, Haddii nin naagtiisa iska furo, oo ay ka tagto isaga, oo ay nin kale naagtiis noqoto, kii qabi jiray miyuu iyada u soo noqdaa? Miyaan dalkaasu aad u nijaasoobayn? Laakiinse adigu waxaad ka dhillaysatay saaxiibbo badan, oo haddana miyaad ii soo noqon doontaa? ayaa Rabbigu leeyahay.

    2Bal indhaha kor u qaad oo waxaad fiirisaa meelaha dhaadheer, oo bal eeg. Miyey jirtaa meel aan lagula seexan? Adoo iyaga sugaya ayaad jidadka ag fadhiisatay sidii Carab cidlada jooga, oo waxaad dalkii ku nijaasaysay dhillanimadaada iyo sharkaagaba.

  • 4Mar dambe laguuguma yeedhi doono Tii la dayriyey, oo dalkaagana mar dambe looguma yeedhi doono Dhulka baabba'a ah, laakiinse waxaa lagugu magacaabi doonaa Xefsiibaah, oo dalkaagana waxaa lagu magacaabi doonaaBecuulaah, waayo, Rabbigu waa kugu farxaa, oo dalkaagana waa la guursan doonaa.

  • 20Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen.

  • 9Oo sidaas daraaddeed waxaan u gacangeliyey kuwii iyada jeclaan jiray ee reer Ashuur oo ay caashaqday.

  • 35¶ Haddaba dhillo yahay, bal erayga Rabbiga maqal:

  • 11Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee, Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.

  • 23Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.