Maahmaahyadii 7:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 24:13-15 : 13 Kuwaasu waxay ka mid yihiin kuwa nuurka ku caasiyooba, Oo jidadkiisa ma ay yaqaaniin, Oo dhabbayaashiisana ma ay sii hayaan. 14 Gacankudhiigluhu kaaha waaberi wuu la soo kacaa, oo wuxuu dilaa miskiinka iyo saboolka baahan, Oo habeenkiina isagu waa sida tuug oo kale. 15 Oo isha dhillayguna waxay sugtaa fiidka, Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ninna ima arki doono, Oo wuu hagoogtaa.
  • Room 13:12-14 : 12 Habeenkii hore buu u batay, maalintiina waa soo dhowaatay, sidaas daraaddeed aan iska dhigno shuqullada gudcurka oo aan qaadanno hubka iftiinka. 13 Sida iyadoo maalin ah aynu si qumman u soconno, yeynan ku socon rabshad iyo sakhraannimo, yeynan ku socon galmo iyo dhillanimo, yeynan ku socon ilaaq iyo hinaaso. 14 Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.
  • Ef 5:11 : 11 oo innaba xidhiidh ha la yeelanina shuqullada aan midhaha lahayn oo gudcurka, laakiinse kashifa;
  • Bil 39:11 : 11 Oo waxay noqotay haddaa oo kale, inuu gurigii galay inuu shuqulkiisii qabsado, nimankii gurigana midna gudaha ma joogin.
  • Bax 12:6 : 6 oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 7:6-8
    3 aayado
    83%

    6Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey,

    7Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,

    8Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,

  • Maah 7:10-13
    4 aayado
    81%

    10Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.

    11Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.

    12Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.

    13Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,

  • 14Oo maalinnimada ayay gudcur helaan, Oo hadhka ayay wax haabhaabtaan sida habeennimada oo kale.

  • 74%

    14Gacankudhiigluhu kaaha waaberi wuu la soo kacaa, oo wuxuu dilaa miskiinka iyo saboolka baahan, Oo habeenkiina isagu waa sida tuug oo kale.

    15Oo isha dhillayguna waxay sugtaa fiidka, Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ninna ima arki doono, Oo wuu hagoogtaa.

    16Oo goor gudcur ah ayay guryaha dhacaan, Oo maalinnimadana meel bay isku xidhaan, Oo iftiinka maba yaqaaniin.

    17Waayo, subaxnimadu dhammaantood waxay u tahay sida hooska dhimashada, Maxaa yeelay, waxay yaqaaniin cabsida hooska dhimashada.

  • 12Habeenka waxay u beddelaan maalin, Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.

  • Ayuub 3:5-7
    3 aayado
    73%

    5Gudcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen. Daruuru ha ku degto, Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.

    6Oo habeenkaasna gudcur weynu ha qabsado, Oo ayaamaha sannadda yuusan ka dhex rayrayn. Oo yuusan soo dhex gelin bilaha tiradooda.

    7Bal eeg, habeenkaasu cidla ha noqdo; Oo cod faraxsan yaanu ka dhex yeedhin.

  • 26Markaasaa naagtii timid markii waagu soo kaahay, oo waxay ku dhacday albaabkii ninkii gurigiisa oo uu sayidkeedii joogay, ilaa ay iftiin noqotay.

  • 72%

    11Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona, Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa,

    12Xataa gudcurku igama kaa qariyo, Laakiinse habeenku wuxuu u iftiimaa sida maalinta oo kale, Gudcurka iyo iftiinku waa isugu kaa mid.

  • 22Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah, Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn, Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.

  • 14Bal eega, makhribkii cabsi baa jirta, oo aroortii ka horna ma jiraan. Taasu waa waxa ku dhaca kuwa na booba iyo qaybtii kuwa na dhaca.

  • 9Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen, Iftiin ha doondoono oo yuusan helin; Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.

  • 20Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada, Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.

  • 13Habeenkii markay riyooyinku fikirro kiciyaan, Oo ay dadku hurdo weyn ku fogaadaan,

  • 5oo markii iridda la xidhi lahaa oo ay gudcur noqotay ayay nimankii baxeen. Meeshii nimankii tageenna anigu garan maayo; haddaba dhaqso u raacdeeya, waayo, waad gaadhi karaysaan.

  • Maah 7:18-22
    5 aayado
    70%

    18Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.

    19Waayo, ninkaygii guriga ma joogo, Oo meel fog buu u sodcaalay,

    20Kiish lacag ahna wuu qaatay, Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado.

    21Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.

    22Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,

  • Hees 3:1-2
    2 aayado
    70%

    1Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin.

    2Haddaba waan kacayaa, oo magaaladaan dhex wareegayaa, Oo dariiqyada iyo jidadka waaweyn Ayaan ka dhex goobayaa kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay laakiinse ma aanan helin.

  • Yer 6:4-5
    2 aayado
    70%

    4Isu diyaariya inaad iyada dagaal ugu kacdaan, sara joogsada, oo ina keena aan iyada hadhka weerarnee. Annagaa iska hoognay, waayo, gabbalkii waa dhacay, oo hooskii habeennimo ayaa sii dheeraaday.

    5Sara joogsada, oo ina keena aynu iyada habeennimo weerarnee, oo aynu daaraheeda waaweyn wada duminnee.

  • 4Waan qalbitakhtakhay, oo cabsi baa i argaggixisay. Fiidkii aan istareexa ka filanayay gariir buu iigu rogmaday.

  • 20Habeenka ha doonin, Markay dadyowgu meeshooda ku wada baabba'aan.

  • 19Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.

  • 3Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay, Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,

  • 6Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o, Waxaan u kici doonaa buurta malmalka, Iyo kurta fooxa.

  • Ayuub 7:3-4
    2 aayado
    69%

    3Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn, Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan.

    4Haddaba markaan jiifsado waxaan idhaahdaa, Bal goormaan kici doonaa? Laakiinse habeenku waa dheer yahay Oo tan iyo waaberiga waan rogrogmadaa.

  • 10Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturoodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga.

  • 20Maalinta Rabbigu sow ma ahaan doonto gudcur aan iftiin lahayn, iyo xataa gudcur weyn oo aan dhalaal lahayn?

  • 2Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.

  • 9Oo markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad.

  • 17Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabba'o, Gacaliyahaygiiyow, soo noqo, oo ahow sida cawl oo kale, amase sida deer qayrab ah Oo buuraha Beter kor jooga.

  • 6Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur, Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.

  • 16Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana intuusan gudcur idinku soo dejin, iyo intaan cagihiinnu ku turunturoon buuraha gudcurka ah, oo intaad iftiin sugaysaan uusan idiinku beddelin hooskii dhimashada iyo gudcur dam ah.

  • 7laakiinse waxay ahaan doontaa maalin uu Rabbigu og yahay, taasoo aan maalin ahayn, oo aan habeenna ahayn, laakiinse waxay ahaan doontaa in markay fiidkii tahay uu iftiin jiri doono.

  • 14Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda, Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,