Heeskii Sarreeyey 4:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o, Waxaan u kici doonaa buurta malmalka, Iyo kurta fooxa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hees 2:17 : 17 Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabba'o, Gacaliyahaygiiyow, soo noqo, oo ahow sida cawl oo kale, amase sida deer qayrab ah Oo buuraha Beter kor jooga.
  • Hees 4:14 : 14 Naaradiin iyo huruud, Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha, Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.
  • Luuk 1:78 : 78 Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna, Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta,
  • 2 But 1:19 : 19 Oo waxaynu haysannaa hadalka nebiyadii sii sheegeen, oo aad loo sii xaqiijiyey, oo waad ku wanaagsan tihiin inaad u fiirsataan hadalkaas sida laambad meel gudcur ah ka ifaysa, ilaa waagu beryayo oo xiddigta waaberi qalbigiinna ka soo baxdo,
  • 1 Yoox 2:8 : 8 Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa.
  • Muj 5:8 : 8 Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta.
  • Muj 22:16 : 16 ¶ Oo anigoo Ciise ah ayaan malaa'igtaydii u soo diray inay waxyaalahan idiinku markhaati furto kiniisadaha aawadood. Anigu waxaan ahay xididkii iyo farcankii Daa'uud, iyo xiddigta waaberi oo dhalaalaysa.
  • Ish 2:2 : 2 ¶ Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan.
  • Mal 1:11 : 11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markii qorraxdu soo baxdo iyo markii ay dhacdo inta ka dhexle magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda, oo meel kastana waxaa magacayga aawadiis loo bixiyaa foox iyo qurbaan daahir ah, waayo, magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda.
  • Mal 4:2 : 2 Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale.
  • Luuk 1:9-9 : 9 sida caadadii wadaadnimadu u ahayd, in shuqulkiisu ahaa inuu foox shido goortuu macbudka Rabbiga galay. 10 Saacaddii fooxa ayaa dadkii badnaa oo dhammu dibadda ku tukanayeen.
  • Bax 20:24 : 24 ¶ Meel allabari waa inaad ciid iiga samaysaa, oo waa inaad dusheeda iigu bixisaa qurbaannadaada la gubo, iyo qurbaannadaada nabaadiinada, iyo idahaaga iyo dibiyadaada. Oo meel kasta oo aan magacayga dadka ku xusuusiyoba waan kuugu iman doonaa oo waan kugu barakayn doonaa.
  • Bax 30:8 : 8 Oo makhribka Haaruun markuu laambadaha shidayo waa inuu foox shido, kaasoo ah foox joogto u ah Rabbiga hortiisa, ka ab ka ab.
  • Bax 30:23-26 : 23 Waxaad qaadataa dhir udgoon oo wacan, oo ah shan boqol oo sheqel oo ah malmal asli ah, iyo badhkiis oo qorfe macaan ah, oo ah laba boqol iyo konton sheqel, iyo laba boqol iyo konton sheqel oo ah kalamus, 24 iyo shan boqol oo sheqel oo ah kasiya, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, iyo hiin muggeed oo saliid saytuun ah. 25 Oo waxaad ka samaysaa saliid lagu subkado oo quduus ah, taas oo ah cadar laysku daray sidii kan cadarsameeyaha oo kale; oo waxay noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah. 26 Oo waxaad ku subagtaa taambuugga shirka iyo sanduuqa maragga,
  • Bax 37:29 : 29 Oo saliiddii quduuska ahayd oo lagu subkado iyo fooxii saafiga ahaa ee uunsiga udgoon wuxuu u sameeyey sidii shuqulka cadarsameeyaha oo kale.
  • Sharc 12:5-6 : 5 Laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu qabiilooyinkiinna oo dhan ka dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo, taasoo ah rugtiisa, waa inaad doontaan, oo halkaas waa inaad timaadaan. 6 Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna.
  • Sab 66:15 : 15 Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hees 2:16-17
    2 aayado
    85%

    16Gacaliyahaygu waa kaygii oo anna tiisii baan ahay. Wuxuu adhigiisa daajinayaa ubaxyada dhexdooda.

    17Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabba'o, Gacaliyahaygiiyow, soo noqo, oo ahow sida cawl oo kale, amase sida deer qayrab ah Oo buuraha Beter kor jooga.

  • 5Oo labadaada naasna waa sida laba gibin oo mataano ah oo cawl dhashay. Oo ubaxshooshannada dhexdooda daaqaya.

  • Hees 1:12-14
    3 aayado
    82%

    12Inta boqorku miiskiisii fadhiyey, Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday.

    13Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.

    14Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.

  • Hees 3:4-6
    3 aayado
    81%

    4Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. Waan qabtay, mana sii dayn, Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.

    5Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

    6Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?

  • 14Gacaliyahaygow, dhaqso, Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.

  • Hees 2:6-10
    5 aayado
    80%

    6Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosaysaa, Oo gacantiisa midigna way igu duuban tahay.

    7Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

    8Waa kaa codkii gacaliyahaygu! Bal eega, wuu soo socdaa, Isagoo buuraha korkooda ku soo boodboodaya, oo kuraha dushooda ku faclaynaya.

    9Gacaliyahaygu waa sida cawl ama deer qayrab ah oo kale. Bal eega, wuxuu taagan yahay derbigayaga gadaashiisa, Oo daaqadahuu ka soo eegayaa, oo shabagguu ka soo dayayaa.

    10Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi, Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

  • Hees 7:10-12
    3 aayado
    80%

    10Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.

    11Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee, Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.

    12Aynu aroor hore beercanabyada tagnee, Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale; Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.

  • Hees 4:7-10
    4 aayado
    79%

    7Taan jeclahayay, adigu waad qurxoon tahay, Oo innaba iin ma lihid.

    8Aroosaddaydiiyey, Buur Lubnaan iga soo raac, Oo kaalay, Buur Lubnaan iga soo raac. Buur Amaanaah dhaladeeda wax ka fiiri, Oo Buur Seniir iyo Buur Xermoon dhaladooda wax ka fiiri, Oo wax ka soo fiiri boholaha libaaxyada, Iyo buuraha shabeelladaba.

    9Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay, Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood Iyo laasimmada qoortaada midkood.

    10Walaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa! Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay! Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan.

  • Hees 6:1-4
    4 aayado
    78%

    1Taada naagaha u qurxoonay, Xaggee gacaliyahaagii tegey? Aannu kula goobnee, Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday?

    2Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.

    3Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii, Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda.

    4Taan jeclahayay, waxaad u qurux badan tahay sida Tirsaah oo kale, Oo waxaad u suurad wacan tahay sida Yeruusaalem oo kale, Waxaana lagaaga cabsadaa sida ciidan calammo sita oo kale.

  • Hees 7:6-8
    3 aayado
    78%

    6Taan jeclahayay, qurux badnidaa! Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!

    7Sarajooggaagu waa sida geed baar ah, Oo naasahaaguna waa sida rucubyo canab ah.

    8Waxaan is-idhi, Geedka baarka waan fuuli doonaa, Oo waxaan qabsan doonaa laamihiisa. Naasahaagu ha ahaadeen sida rucubyo canab ah, Oo sankaaga neeftiisuna ha u carafto sida midho tufaax ah.

  • Hees 2:13-14
    2 aayado
    77%

    13Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa, Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan, Wayna soo carfayaan. Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

    14Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta, Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii, Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.

  • Hees 5:1-2
    2 aayado
    77%

    1Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay,

    2Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.

  • Hees 8:4-5
    2 aayado
    77%

    4Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono.

    5Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu?

  • Hees 1:3-4
    2 aayado
    77%

    3Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay, Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay, Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.

    4I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.

  • Hees 1:7-9
    3 aayado
    77%

    7Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid; Waayo, bal maxaan u ahaanayaa Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?

    8Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon, Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa, Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada.

    9Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.

  • Maah 7:17-18
    2 aayado
    76%

    17Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe.

    18Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.

  • Hees 4:15-16
    2 aayado
    76%

    15Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.

    16Dabaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay, Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan, Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.

  • 10Waa tuma tan u soo muuqata sida kaaha waaberiga, Oo sida dayaxa u qurxoon, Ee sida qorraxda u daahirsan, Oo haddana looga cabsado sida ciidan calammo sita oo kale?

  • 13Dhabannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa. Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo.

  • 3Labadaada naasna waa sida laba gibin Oo mataano ah oo cawl dhashay.

  • Hees 4:12-13
    2 aayado
    75%

    12Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.

    13Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin,

  • 2Haddaba waan kacayaa, oo magaaladaan dhex wareegayaa, Oo dariiqyada iyo jidadka waaweyn Ayaan ka dhex goobayaa kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay laakiinse ma aanan helin.