Heeskii Sarreeyey 2:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosaysaa, Oo gacantiisa midigna way igu duuban tahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 54:5-9 : 5 Waayo, Uumahaaga ayaa ninkaaga ah, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iilna waa Bixiyahaaga, oo waxaa isaga la odhan doonaa Ilaaha dhulka oo dhan. 6 Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale. 7 Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan. 8 Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa. 9 Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin. 10 Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.
  • Saf 3:17 : 17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.
  • Yer 32:41 : 41 Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa.
  • Yoox 3:29 : 29 Kii aroosadda qabaa waa arooska, laakiin saaxiibka arooska oo ag taagan oo maqla isaga, aad buu ugu farxaa codkii arooska daraaddiis. Sidaa aawadeed farxaddaydu waa dhan tahay.
  • Ef 5:25-29 : 25 Nimankow, idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kiniisadda oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed, 26 inuu quduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga, 27 si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn. 28 Haddaba sidaas oo kale nimanka waxaa ku waajib ah inay afooyinkooda u jeclaadaan sida jidhkooda oo kale. Waayo, kii afadiisa jeclaadaa wuxuu jeclaadaa nafsaddiisa; 29 maxaa yeelay, ninna weligiis ma nebcaan jidhkiisa, laakiinse wuu quudiyaa, wuuna xannaaneeyaa, sida Masiixuba u xannaaneeyo kiniisadda;
  • Ish 62:4-5 : 4 Mar dambe laguuguma yeedhi doono Tii la dayriyey, oo dalkaagana mar dambe looguma yeedhi doono Dhulka baabba'a ah, laakiinse waxaa lagugu magacaabi doonaa Xefsiibaah, oo dalkaagana waxaa lagu magacaabi doonaaBecuulaah, waayo, Rabbigu waa kugu farxaa, oo dalkaagana waa la guursan doonaa. 5 Waayo, sida barbaar inan bikrad ah u guursado oo kale ayaa wiilashaadu kuu guursan doonaan, oo sida ninkii aroos ahu uu aroosadda ugu farxo oo kale ayaa Ilaahaagu kuugu farxi doonaa.
  • Maah 4:8 : 8 Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa; Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.
  • Hees 8:3-5 : 3 Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd. 4 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono. 5 Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hees 8:2-6
    5 aayado
    95%

    2Waan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday, Wax baadna i bari lahayd. Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.

    3Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.

    4Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono.

    5Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu?

    6Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale, Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale, Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale. Belbelkiisu waa sida belbel dab ah, Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga.

  • Hees 2:3-5
    3 aayado
    80%

    3Sida geedka tufaaxa ahu uu dhirta duurka ku dhex yahay, Ayuu gacaliyahayguna wiilasha ku dhex yahay. Hooskiisaan fadhiistay anigoo aad u faraxsan, Oo midhihiisuna way ila dhadhan macaanaayeen.

    4Wuxuu i keenay guriga diyaafadda, Oo calankiisii i kor sudhnaana wuxuu ahaa jacayl.

    5Sabiib igu quudi, oo tufaax igu noolee, Waayo, anigu caashaq baan la bukaa.

  • Hees 2:7-10
    4 aayado
    79%

    7Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

    8Waa kaa codkii gacaliyahaygu! Bal eega, wuu soo socdaa, Isagoo buuraha korkooda ku soo boodboodaya, oo kuraha dushooda ku faclaynaya.

    9Gacaliyahaygu waa sida cawl ama deer qayrab ah oo kale. Bal eega, wuxuu taagan yahay derbigayaga gadaashiisa, Oo daaqadahuu ka soo eegayaa, oo shabagguu ka soo dayayaa.

    10Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi, Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

  • Hees 1:13-14
    2 aayado
    78%

    13Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.

    14Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.

  • Hees 7:6-12
    7 aayado
    77%

    6Taan jeclahayay, qurux badnidaa! Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!

    7Sarajooggaagu waa sida geed baar ah, Oo naasahaaguna waa sida rucubyo canab ah.

    8Waxaan is-idhi, Geedka baarka waan fuuli doonaa, Oo waxaan qabsan doonaa laamihiisa. Naasahaagu ha ahaadeen sida rucubyo canab ah, Oo sankaaga neeftiisuna ha u carafto sida midho tufaax ah.

    9Oo afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan.

    10Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.

    11Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee, Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.

    12Aynu aroor hore beercanabyada tagnee, Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale; Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.

  • Hees 3:3-6
    4 aayado
    77%

    3Waxaa i helay waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay, Oo anna waxaan ku idhi, Kan naftaydu jeceshahay ma aragteen?

    4Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. Waan qabtay, mana sii dayn, Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.

    5Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

    6Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?

  • Hees 5:1-2
    2 aayado
    76%

    1Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay,

    2Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.

  • Hees 2:16-17
    2 aayado
    75%

    16Gacaliyahaygu waa kaygii oo anna tiisii baan ahay. Wuxuu adhigiisa daajinayaa ubaxyada dhexdooda.

    17Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabba'o, Gacaliyahaygiiyow, soo noqo, oo ahow sida cawl oo kale, amase sida deer qayrab ah Oo buuraha Beter kor jooga.

  • 2Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa; Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.

  • Hees 4:5-6
    2 aayado
    75%

    5Oo labadaada naasna waa sida laba gibin oo mataano ah oo cawl dhashay. Oo ubaxshooshannada dhexdooda daaqaya.

    6Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o, Waxaan u kici doonaa buurta malmalka, Iyo kurta fooxa.

  • Hees 6:1-3
    3 aayado
    74%

    1Taada naagaha u qurxoonay, Xaggee gacaliyahaagii tegey? Aannu kula goobnee, Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday?

    2Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.

    3Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii, Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda.

  • 16Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

  • 18Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.

  • Hees 5:4-6
    3 aayado
    73%

    4Gacaliyahaygii wuxuu gacantiisii ka soo dusiyey daloolkii albaabka, Oo qalbigaygu isaguu u dhaqaaqay.

    5Waxaan u sara joogsaday inaan gacaliyahayga iridda ka furo, Oo gacmahaygana waxaa ka daadanayay malmal, Farahaygana malmalku Wuxuu kaga tiftifqay qataarkii albaabka.

    6Gacaliyahaygii waan ka furay, Laakiinse gacaliyahaygii wuu iska noqday, wuuna tegey. Naftaydii markuu hadlay way naxday. Isagaan doondoonay, laakiinse waan heli kari waayay. Waan u dhawaaqay, laakiinse innaba iima uu jawaabin.

  • 9Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay, Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood Iyo laasimmada qoortaada midkood.

  • 4I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.

  • 19Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.

  • 7Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid; Waayo, bal maxaan u ahaanayaa Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?

  • Hees 5:8-9
    2 aayado
    72%

    8Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.

    9Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee?

  • 5Indhahaaga iga sii jeedi, Waayo, way iga adkaadeen. Timahaagu waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.

  • Hees 2:13-14
    2 aayado
    72%

    13Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa, Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan, Wayna soo carfayaan. Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

    14Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta, Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii, Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.

  • 12Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.