Heeskii Sarreeyey 5:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hees 6:2 : 2 Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.
  • Ish 61:11 : 11 Waayo, sida dhulku biqilkiisa u soo bixiyo, iyo sida beertu wixii lagu dhex abuuray u soo bixiso, ayaa Sayidka Rabbiga ahu ka dhigi doonaa in xaqnimo iyo ammaanu ay quruumaha oo dhan ka soo hor baxaan.
  • Yoox 15:14-15 : 14 Saaxiibbaday baad tihiin haddaad yeeshaan waxaan idinku amro. 15 Mar dambe addoommo idiinku yeedhi maayo, maxaa yeelay, addoonku garan maayo wuxuu sayidkiisu sameeyo, laakiin saaxiibbo waan idiinku yeedhay, maxaa yeelay, waxaan Aabbahay ka soo maqlay oo dhan ayaan idin ogeysiiyey.
  • Yoox 3:29 : 29 Kii aroosadda qabaa waa arooska, laakiin saaxiibka arooska oo ag taagan oo maqla isaga, aad buu ugu farxaa codkii arooska daraaddiis. Sidaa aawadeed farxaddaydu waa dhan tahay.
  • Hees 4:16 : 16 Dabaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay, Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan, Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.
  • Yoox 14:21-23 : 21 Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga. 22 Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin? 23 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa.
  • Fal 11:29 : 29 Markaasaa mid kasta oo xertii ka mid ihiba, sidii tabartiisu ahayd, wuxuu goostay inuu caawimaad u diro walaalihii Yahuudiya jooga,
  • 2 Kor 9:11-15 : 11 Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahadnaqo. 12 Waayo, samaynta shuqulkani ma dhammaystirto waxa dhiman ee ay quduusiintu u baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad loogu mahadnaqo. 13 Caddaynta adeegiddan aawadeed, waxaa Ilaah loo ammaanaa addeeciddiinna markaad qirataan injiilka Masiix, iyo deeqsinimada markaad la wadaagtaan iyaga iyo dadka kale oo dhan. 14 Way idiin duceeyaan, wayna idiin xiisoodaan nimcada aad u badan ee Ilaah ee idinku jirta aawadeed. 15 Ilaah baa mahad leh hadiyaddiisa aan la sheegi karin aawadeed.
  • Ef 5:18 : 18 Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo.
  • 1 Tes 3:8-9 : 8 maxaa yeelay, haatan annagu waa nool nahay haddaad xagga Rabbiga ku xoogaysataan. 9 Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin?
  • Cib 2:12-14 : 12 isagoo leh, Magacaaga waxaan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa. 13 Oo haddana, Isagaan aamini doonaa, oo haddana, Bal eega, aniga iyo carruurta Ilaah i siiyey. 14 Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska,
  • Muj 22:17 : 17 ¶ Ruuxa iyo aroosadduba waxay yidhaahdaan, Kaalay. Oo kii maqlaana ha yidhaahdo, Kaalay. Oo kii harraadsanuna ha yimaado. Oo kii doonayaaba biyaha nolosha hadiyad ahaan ha u qaato.
  • Ish 23:18 : 18 Laakiinse baayacmushtarigeeda iyo kiradeedaba quduus baa Rabbiga looga dhigi doonaa, lama urursan doono, lamana kaydsan doono, waayo, baayacmushtarigeedu wuxuu u ahaan doonaa kuwa Rabbiga hortiisa jooga inay wax ku filan cunaan oo ay dhar raagaya xidhaan.
  • Ish 51:3 : 3 Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.
  • Ish 53:11 : 11 Wuxuu arki doonaa waxay naftiisu ku dhibtootay, wuuna u riyaaqi doonaa. Addoonkayga xaqa ahuna aqoontiisa ayuu kuwa badan xaq kaga dhigi doonaa, wuxuuna xambaari doonaa xumaatooyinkooda.
  • Ish 55:1-2 : 1 ¶ Hoy, kuwiinna oomman oo dhammow, xagga biyaha kaalaya, xataa kii aan lacag haysanow, kaalaya, wax iibsada, oo wax cuna, kaalaya oo khamri iyo caano lacagla'aan iyo iibla'aan ku qaata. 2 Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan.
  • Ish 58:11 : 11 Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.
  • Ish 62:8-9 : 8 Rabbigu wuxuu ku dhaartay gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa xoogga badan oo yidhi, Hubaal mar dambe hadhuudhkaaga cadaawayaashaada ma aan siin doono inuu cunto u noqdo, oo shisheeyayaalna mar dambe ma ay cabbi doonaan khamrigaagii aad ku hawshootay. 9 Laakiinse kuwii soo urursaday ayaa cuni doona, oo Rabbiga ayay ammaani doonaan, oo kuwii canabka soo urursaday ayaa barxadaha meeshayda quduuska ah khamriga ku cabbi doona.
  • Ish 65:13 : 13 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan,
  • Ish 66:14 : 14 Oo markaad waxaas aragtaan ayaa qalbigiinnu farxi doonaa, oo lafihiinnuna sida caws qoyan oo kale ayay u soo barwaaqaysnaan doonaan, oo waxaa la ogaan doonaa inay gacanta Rabbigu addoommadiisa la jirto, cadhadiisuse waxay ku dhici doontaa cadaawayaashiisa.
  • Sak 9:15-17 : 15 Rabbiga ciidammada ayaa daafici doona iyaga, oo way baabbi'in doonaan, oo waxay ku tuman doonaan dhagaxyada wadhafka, oo khamri bay cabbi doonaan oo waxay u qaylin doonaan sida iyagoo sakhraansan, oo waxay u buuxsami doonaan sida maddiibado, iyo sida rukummada meesha allabariga. 16 Oo wakhtigaas ayaa Rabbiga Ilaahooda ahu dadkiisa badbaadin doonaa sida iyagoo idihiisa ah, waayo, waxay ahaan doonaan sida dhagxan qaali ah oo taaj ku jira oo dalkiisa ka kor dhalaalaya. 17 Barwaaqadiisu badanaa oo quruxdiisu weynaan badanaa! Barbaarrada hadhuudh baa barwaaqayn doonaa, gabdhahana khamri cusub baa barwaaqayn doona.
  • Mat 25:40 : 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
  • Luuk 12:4 : 4 ¶ Waxaan idinku leeyahay, saaxiibbadayow, Ha ka baqina kuwa jidhka dila, oo aan dabadeed wax kale samayn karin.
  • Luuk 15:6-7 : 6 Oo goortuu guriga yimaado, aan isugu yeedhin saaxiibbadiisa iyo derisyadiisa, isagoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay laxdaydii iga hallowday? 7 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale, farxad ayaa jannada kaga jiri doonta dembile toobadkeena in ka badan sagaal iyo sagaashan xaq ah oo aan toobadkeen u baahnayn.
  • Luuk 15:9-9 : 9 Oo markay hesho, aan saaxiibbadeeda iyo derisyadeeda isugu yeedhin iyadoo ku leh, Ila farxa, waayo, waxaan helay daraakmadii iga luntay. 10 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda.
  • Hees 6:11 : 11 Waxaan ku dhaadhacay beertii yicibta Inaan soo arko geedaha cagaarka ah ee dooxada, Iyo inaan soo arko bal in canabkii magoolay, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale.
  • Hees 8:1 : 1 Haddaad ahaan lahayd walaalkay Oo naasihii hooyaday nuugay, Markaan dibadda kaa helaba waan ku dhunkan lahaa. Oo innaba layma quudhsadeen.
  • Hees 8:13 : 13 Taada beeraha dhexdooda degganay, Rafiiqyadaadu waxay dhegaystaan codkaaga, Haddaba, bal i maqashii.
  • Sharc 16:13-17 : 13 ¶ Oo markaad wax ka soo urursataan goobihiinna hadhuudhka lagu tumo iyo macsarooyinkiinna canabka, dabadeed waa inaad dhawrtaan Iidda Waababka intii toddoba maalmood ah. 14 Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna. 15 Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin waxaad ahaan doontaan farax miidhan. 16 Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan. 17 Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.
  • Sharc 26:10-14 : 10 Oo haatan Rabbiyow, waxaan keenay dhulkii aad i siisay midhihiisii u horreeyey. Kolkaas waa inaad midhaha hor dhigtaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo aad ku sujuuddaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa. 11 Waa inaad adiga iyo kan reer Laawi ah iyo qariibka idin dhex joogaaba ku faraxdaan kulli wanaagga Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey adiga iyo reerkaagaba. 12 ¶ Oo markaad wada dhammaysid bixintii meeltobnaadyada aad ka bixinaysid midhaha kuu baxa sannadda saddexaad taasoo ah sannaddii bixinta meeltobnaadyada, waa inaad siisaa kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inay irdahaaga gudahooda ku cunaan oo dhergaan. 13 Oo Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa waxaad ka tidhaahdaa, Anigu gurigaygii waan ka soo bixiyey waxyaalihii quduuska ahaa, oo sidaad iigu amartay oo dhan ayaan u siiyey kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka. Amarradaadii midna kuma xadgudbin, mana aanan illoobin iyagii. 14 Oo iyaga wax kama cunin anoo barooranaya, waxna kama qaadan anigoo nijaas ah, qof dhintayna wax ugama siin. Waan dhegaystay codkii Rabbiga Ilaahayga ah, oo waxaan sameeyey wixii aad igu amartay oo dhan.
  • 2 Taar 31:6-9 : 6 Oo dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudah oo degganaa magaalooyinkii dalka Yahuudah, iyaguna waxay toban meelood meel ka keeneen lo'da iyo idaha, iyo weliba alaabtii la soocay oo quduuska looga dhigay Rabbiga Ilaahooda ah, wayna iskor tuuleen. 7 Oo tuulmooyinka aasaaskoodii waxay bilaabeen bishii saddexaad, waxayna iyaga dhammeeyeen bishii toddobaad. 8 Oo Xisqiyaah iyo amiirradiiba markay yimaadeen oo arkeen tuulmooyinkii, ayay Rabbiga ku mahadnaqeen, dadkiisii reer binu Israa'iilna way u duceeyeen. 9 Markaasaa Xisqiyaah wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi wax ka weyddiiyey tuulmooyinkii. 10 Oo Casaryaah oo ahaa wadaadkii sare oo ahaa reer Saadooq ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Tan iyo markii dadku bilaabay inay qurbaannadii keenaan guriga Rabbiga, waannu cunnay oo dheregnay, oo waxaa naga hadhay wax faro badan, waayo, Rabbigu dadkiisuu barakeeyey, oo wixii hadhayna waa waxan badan.
  • Sab 16:3 : 3 Quduusiinta dhulka joogtaa Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
  • Sab 147:11 : 11 Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
  • Maah 9:5 : 5 Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.
  • Hees 4:9-9 : 9 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay, Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood Iyo laasimmada qoortaada midkood. 10 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa! Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay! Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan. 11 Aroosaddaydiiyey, bushimahaaga malab baa ka soo tiftifqaya, Oo carrabkaaga hoostiisana malab iyo caanaa ku jira. Oo dharkaaga caraftiisuna waa sida carafta Buur Lubnaan. 12 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay. 13 Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin, 14 Naaradiin iyo huruud, Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha, Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.
  • Ish 5:1 : 1 ¶ Aan gacaliyahayga ugu gabyo gacaliyahayga gabaygiisa oo ku saabsan beertiisa canabka ah. Gacaliyahaygu wuxuu beer canab ah ku lahaa kur barwaaqaysan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hees 5:2-3
    2 aayado
    84%

    2Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.

    3Dharkaygii waan iska bixiyey, bal sidee baan u xidhaa? Oo cagahaygiina waan maydhay, bal sidee baan u wasakheeyaa?

  • Hees 4:8-13
    6 aayado
    83%

    8Aroosaddaydiiyey, Buur Lubnaan iga soo raac, Oo kaalay, Buur Lubnaan iga soo raac. Buur Amaanaah dhaladeeda wax ka fiiri, Oo Buur Seniir iyo Buur Xermoon dhaladooda wax ka fiiri, Oo wax ka soo fiiri boholaha libaaxyada, Iyo buuraha shabeelladaba.

    9Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay, Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood Iyo laasimmada qoortaada midkood.

    10Walaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa! Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay! Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan.

    11Aroosaddaydiiyey, bushimahaaga malab baa ka soo tiftifqaya, Oo carrabkaaga hoostiisana malab iyo caanaa ku jira. Oo dharkaaga caraftiisuna waa sida carafta Buur Lubnaan.

    12Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.

    13Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin,

  • Hees 4:15-16
    2 aayado
    82%

    15Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.

    16Dabaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay, Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan, Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.

  • Hees 6:1-3
    3 aayado
    81%

    1Taada naagaha u qurxoonay, Xaggee gacaliyahaagii tegey? Aannu kula goobnee, Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday?

    2Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.

    3Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii, Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda.

  • 10Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi, Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

  • Hees 7:9-12
    4 aayado
    80%

    9Oo afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan.

    10Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.

    11Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee, Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.

    12Aynu aroor hore beercanabyada tagnee, Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale; Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.

  • Hees 1:13-14
    2 aayado
    79%

    13Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.

    14Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.

  • 16Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

  • 2Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa; Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.

  • 16Gacaliyahaygu waa kaygii oo anna tiisii baan ahay. Wuxuu adhigiisa daajinayaa ubaxyada dhexdooda.

  • Maah 7:17-18
    2 aayado
    78%

    17Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe.

    18Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.

  • 1¶ Aan gacaliyahayga ugu gabyo gacaliyahayga gabaygiisa oo ku saabsan beertiisa canabka ah. Gacaliyahaygu wuxuu beer canab ah ku lahaa kur barwaaqaysan.

  • 6Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o, Waxaan u kici doonaa buurta malmalka, Iyo kurta fooxa.

  • 4I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.

  • Hees 5:5-6
    2 aayado
    77%

    5Waxaan u sara joogsaday inaan gacaliyahayga iridda ka furo, Oo gacmahaygana waxaa ka daadanayay malmal, Farahaygana malmalku Wuxuu kaga tiftifqay qataarkii albaabka.

    6Gacaliyahaygii waan ka furay, Laakiinse gacaliyahaygii wuu iska noqday, wuuna tegey. Naftaydii markuu hadlay way naxday. Isagaan doondoonay, laakiinse waan heli kari waayay. Waan u dhawaaqay, laakiinse innaba iima uu jawaabin.

  • 5Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.

  • Hees 3:4-6
    3 aayado
    77%

    4Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. Waan qabtay, mana sii dayn, Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.

    5Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

    6Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?

  • Hees 2:3-6
    4 aayado
    77%

    3Sida geedka tufaaxa ahu uu dhirta duurka ku dhex yahay, Ayuu gacaliyahayguna wiilasha ku dhex yahay. Hooskiisaan fadhiistay anigoo aad u faraxsan, Oo midhihiisuna way ila dhadhan macaanaayeen.

    4Wuxuu i keenay guriga diyaafadda, Oo calankiisii i kor sudhnaana wuxuu ahaa jacayl.

    5Sabiib igu quudi, oo tufaax igu noolee, Waayo, anigu caashaq baan la bukaa.

    6Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosaysaa, Oo gacantiisa midigna way igu duuban tahay.

  • 7Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid; Waayo, bal maxaan u ahaanayaa Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?

  • 13Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa, Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan, Wayna soo carfayaan. Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

  • Hees 8:2-3
    2 aayado
    76%

    2Waan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday, Wax baadna i bari lahayd. Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.

    3Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.

  • 5Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu?

  • Hees 8:13-14
    2 aayado
    75%

    13Taada beeraha dhexdooda degganay, Rafiiqyadaadu waxay dhegaystaan codkaaga, Haddaba, bal i maqashii.

    14Gacaliyahaygow, dhaqso, Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.

  • 6Taan jeclahayay, qurux badnidaa! Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!

  • 8Waa kaa codkii gacaliyahaygu! Bal eega, wuu soo socdaa, Isagoo buuraha korkooda ku soo boodboodaya, oo kuraha dushooda ku faclaynaya.

  • Hees 5:8-9
    2 aayado
    74%

    8Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.

    9Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee?

  • 19Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.