Maahmaahyadii 7:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 45:8 : 8 Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica. Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
  • Hees 3:6 : 6 Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?
  • Hees 4:13-14 : 13 Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin, 14 Naaradiin iyo huruud, Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha, Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.
  • Ish 57:7-9 : 7 Waxaad sariirtaadii dul dhigatay buur sarraysa oo dheer, oo halkaasaad sii fuushay inaad allabari ku bixisid aawadeed. 8 Oo albaabbada iyo tiirarka dabadooda ayaad xusuustaadii qotonsatay, waayo, waxaad isu qaawisay mid kale oo aan aniga ahayn, waanad sii fuushay, oo sariirtaadiina waad sii ballaadhisay, oo axdi baad iyaga la dhigatay. Sariirtoodana meeshaad ku aragtay waad ku jeceshahay. 9 Saliid baad boqorka ula tagtay, oo cadarkaagiina waad iska sii badisay, ergooyinkaagiina meel fog baad u dirtay, oo ceeb baad ku dhaadhacday tan iyo She'ool.
  • Bax 30:23 : 23 Waxaad qaadataa dhir udgoon oo wacan, oo ah shan boqol oo sheqel oo ah malmal asli ah, iyo badhkiis oo qorfe macaan ah, oo ah laba boqol iyo konton sheqel, iyo laba boqol iyo konton sheqel oo ah kalamus,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 7:15-16
    2 aayado
    88%

    15Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.

    16Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey.

  • Hees 4:9-16
    8 aayado
    81%

    9Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay, Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood Iyo laasimmada qoortaada midkood.

    10Walaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa! Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay! Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan.

    11Aroosaddaydiiyey, bushimahaaga malab baa ka soo tiftifqaya, Oo carrabkaaga hoostiisana malab iyo caanaa ku jira. Oo dharkaaga caraftiisuna waa sida carafta Buur Lubnaan.

    12Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.

    13Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin,

    14Naaradiin iyo huruud, Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha, Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.

    15Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.

    16Dabaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay, Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan, Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.

  • 18Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.

  • Hees 1:12-14
    3 aayado
    81%

    12Inta boqorku miiskiisii fadhiyey, Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday.

    13Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.

    14Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.

  • Hees 3:6-7
    2 aayado
    78%

    6Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?

    7Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee. Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil Ayaa hareereheeda ku wareegsan.

  • 41oo waxaad ku fadhiisatay sariir haybad badan oo miis horteeda lagu soo diyaarshay, kaasoo aad fooxaygii iyo saliiddaydii saartay.

  • Hees 7:6-13
    8 aayado
    76%

    6Taan jeclahayay, qurux badnidaa! Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!

    7Sarajooggaagu waa sida geed baar ah, Oo naasahaaguna waa sida rucubyo canab ah.

    8Waxaan is-idhi, Geedka baarka waan fuuli doonaa, Oo waxaan qabsan doonaa laamihiisa. Naasahaagu ha ahaadeen sida rucubyo canab ah, Oo sankaaga neeftiisuna ha u carafto sida midho tufaax ah.

    9Oo afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan.

    10Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.

    11Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee, Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.

    12Aynu aroor hore beercanabyada tagnee, Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale; Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.

    13Ubixii duudaygu way soo carfayaan, Oo albaabbadayada agtooda waxaa yaal midho cayn kasta ah oo cusayb iyo duugba leh, Oo adigaan kuu kaydiyey, gacaliyahaygiiyow.

  • 6Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o, Waxaan u kici doonaa buurta malmalka, Iyo kurta fooxa.

  • 8Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica. Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.

  • 13Dhabannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa. Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo.

  • Hees 5:1-3
    3 aayado
    74%

    1Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay,

    2Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.

    3Dharkaygii waan iska bixiyey, bal sidee baan u xidhaa? Oo cagahaygiina waan maydhay, bal sidee baan u wasakheeyaa?

  • 13Markaan idhaahdo, Sariirtaydaa ii raxayn doonta, Oo gogoshaydaa cabatinkayga iga sahali doonta,

  • 5Waxaan u sara joogsaday inaan gacaliyahayga iridda ka furo, Oo gacmahaygana waxaa ka daadanayay malmal, Farahaygana malmalku Wuxuu kaga tiftifqay qataarkii albaabka.

  • Hees 1:16-17
    2 aayado
    73%

    16Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay, Oo weliba sariirteennuna waa cagaar.

    17Alwaaxda gurigeennu waa qoryo kedar ah, Oo saqafkeennuna waa qoryo beroosh ah.

  • 2Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.

  • Hees 1:2-3
    2 aayado
    72%

    2Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa; Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.

    3Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay, Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay, Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.

  • 23Waxaad qaadataa dhir udgoon oo wacan, oo ah shan boqol oo sheqel oo ah malmal asli ah, iyo badhkiis oo qorfe macaan ah, oo ah laba boqol iyo konton sheqel, iyo laba boqol iyo konton sheqel oo ah kalamus,

  • 8Oo albaabbada iyo tiirarka dabadooda ayaad xusuustaadii qotonsatay, waayo, waxaad isu qaawisay mid kale oo aan aniga ahayn, waanad sii fuushay, oo sariirtaadiina waad sii ballaadhisay, oo axdi baad iyaga la dhigatay. Sariirtoodana meeshaad ku aragtay waad ku jeceshahay.

  • Hees 2:4-6
    3 aayado
    71%

    4Wuxuu i keenay guriga diyaafadda, Oo calankiisii i kor sudhnaana wuxuu ahaa jacayl.

    5Sabiib igu quudi, oo tufaax igu noolee, Waayo, anigu caashaq baan la bukaa.

    6Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosaysaa, Oo gacantiisa midigna way igu duuban tahay.

  • 18Oo dharkaagii daabaca lahaa intaad iska furtay ayaad iyagii huwisay, oo saliiddaydii iyo fooxaygiina iyagaad hor dhigtay.

  • Hees 8:2-3
    2 aayado
    71%

    2Waan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday, Wax baadna i bari lahayd. Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.

    3Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.

  • 14Gacaliyahaygow, dhaqso, Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.

  • 1Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin.

  • 6iyo saliid laambadda lagu shubo, iyo udgoon lagu daro saliidda lagu subkado, iyo dhir udgoon oo lagu daro uunsiga;

  • 10Tiirarkiisii lacag buu ka dhigay, Hoostiisiina dahab buu ka dhigay, oo meeshuu fadhiistayna guduud buu ka dhigay, Oo dhexdiisiina gabdhaha reer Yeruusaalem ayaa jacayl ku sharraxay.