Heeskii Sarreeyey 4:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay, Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood Iyo laasimmada qoortaada midkood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hees 4:12 : 12 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.
  • Hees 5:1-2 : 1 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay, 2 Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.
  • Hees 4:10 : 10 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa! Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay! Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan.
  • Bil 20:12 : 12 Oo weliba sida runta ah iyadu waa walaashay, waana gabadhii aabbahay, laakiin ma aha gabadhii hooyaday; waxayna noqotay naagtaydii.
  • Bil 41:42 : 42 Markaasuu Fircoon gacantiisa ka bixiyey kaatunkiisii, oo Yuusuf gacanta u geliyey, oo wuxuu u xidhay dhar aad u wanaagsan, silsilad dahab ahna qoortuu u sudhay;
  • Sab 45:9 : 9 Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada, Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
  • Maah 5:19-20 : 19 Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow. 20 Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?
  • Hees 1:10 : 10 Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan, Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.
  • Hees 1:15 : 15 Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale.
  • Hees 3:11 : 11 Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega, Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa, Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.
  • Hees 6:5 : 5 Indhahaaga iga sii jeedi, Waayo, way iga adkaadeen. Timahaagu waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.
  • Hees 6:12 : 12 Anigoo aan garanayn ayaa nafsaddaydu iga dhigtay sida gaadhifardoodkii Cammiinaadiib oo kale.
  • Hees 7:5-6 : 5 Madaxaagu sida Buur Karmel oo kale wuu dheer yahay, Oo timaha madaxaaguna waa sida guduud oo kale, Oo boqorkuna wuu ku xidhan yahay. 6 Taan jeclahayay, qurux badnidaa! Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!
  • Hees 7:10 : 10 Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.
  • Ish 54:5 : 5 Waayo, Uumahaaga ayaa ninkaaga ah, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iilna waa Bixiyahaaga, oo waxaa isaga la odhan doonaa Ilaaha dhulka oo dhan.
  • Ish 62:5 : 5 Waayo, sida barbaar inan bikrad ah u guursado oo kale ayaa wiilashaadu kuu guursan doonaan, oo sida ninkii aroos ahu uu aroosadda ugu farxo oo kale ayaa Ilaahaagu kuugu farxi doonaa.
  • Yex 16:8 : 8 Haddaba markaan ku soo ag maray, oo aan ku fiiriyey, wakhtigaagu wuxuu ahaa wakhtigii caashaqa, oo waxaan kugu deday macawistaydii, oo cawradaadiina waan daboolay, oo weliba waan kuu dhaartay oo axdi kula dhigtay, oo taydii baad noqotay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Hos 2:19-20 : 19 Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis. 20 Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa.
  • Saf 3:17 : 17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.
  • Mat 12:50 : 50 Waayo, ku alla kii yeela doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday ah.
  • Yoox 3:29 : 29 Kii aroosadda qabaa waa arooska, laakiin saaxiibka arooska oo ag taagan oo maqla isaga, aad buu ugu farxaa codkii arooska daraaddiis. Sidaa aawadeed farxaddaydu waa dhan tahay.
  • 1 Kor 9:5 : 5 Miyaannan jid u lahayn inaannu haweenay walaal ah kaxaysanno sida rasuullada kale iyo walaalaha Rabbiga iyo Keeyfas ay sameeyaan?
  • 2 Kor 11:2 : 2 Waxaan idiinku masayrsanahay masayr xagga Ilaah ah, waayo, waxaan idiin guuriyey nin keliya, inaan idiin dhiibo Masiix idinkoo ah bikrad daahir ah.
  • Cib 2:11-14 : 11 Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo, 12 isagoo leh, Magacaaga waxaan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa. 13 Oo haddana, Isagaan aamini doonaa, oo haddana, Bal eega, aniga iyo carruurta Ilaah i siiyey. 14 Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska,
  • Muj 19:7-8 : 7 Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay. 8 Oo waxaa iyadii lagu amray inay xidhato dhar wanaagsan oo dhalaalaya oo daahir ah; waayo, dharka wanaagsanu waxa weeye falimihii xaqa ahaa oo quduusiinta.
  • Muj 21:2 : 2 Oo haddana waxaan arkay magaalada quduuska ah, taasoo ah Yeruusaalem cusub oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah, iyadoo loo diyaariyey sidii aroosad ninkeedii loo sharraxay.
  • Muj 21:9-9 : 9 ¶ Markaasaa waxaa yimid mid ka mid ah toddobadii malaa'igood oo haystay toddobadii fijaan oo ay ka buuxeen toddobadii belaayo ee ugu dambeeyey; oo iyana way ila hadashay, oo waxay igu tidhi, Bal kaalay halkan oo waxaan ku tusayaa aroosadda oo ah Wanka afadiisa. 10 Oo iyana waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay buur weyn oo dheer, oo waxay i tustay magaalada Yeruusaalem oo quduuska ah oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hees 4:10-13
    4 aayado
    88%

    10Walaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa! Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay! Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan.

    11Aroosaddaydiiyey, bushimahaaga malab baa ka soo tiftifqaya, Oo carrabkaaga hoostiisana malab iyo caanaa ku jira. Oo dharkaaga caraftiisuna waa sida carafta Buur Lubnaan.

    12Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.

    13Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin,

  • Hees 4:3-8
    6 aayado
    83%

    3Bushimahaagu waa sida dun guduudan, Oo afkaaguna waa qurxoon yahay, Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.

    4Qoortaaduna waa sida munaaraddii Daa'uud oo loo dhisay inay ahaato meel hubka dagaalka la dhigto, Oo ay sudhan yihiin kun gaashaan, Oo ah gaashaammadii ragga xoogga badan oo dhan.

    5Oo labadaada naasna waa sida laba gibin oo mataano ah oo cawl dhashay. Oo ubaxshooshannada dhexdooda daaqaya.

    6Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o, Waxaan u kici doonaa buurta malmalka, Iyo kurta fooxa.

    7Taan jeclahayay, adigu waad qurxoon tahay, Oo innaba iin ma lihid.

    8Aroosaddaydiiyey, Buur Lubnaan iga soo raac, Oo kaalay, Buur Lubnaan iga soo raac. Buur Amaanaah dhaladeeda wax ka fiiri, Oo Buur Seniir iyo Buur Xermoon dhaladooda wax ka fiiri, Oo wax ka soo fiiri boholaha libaaxyada, Iyo buuraha shabeelladaba.

  • Hees 5:1-2
    2 aayado
    81%

    1Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay,

    2Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.

  • 1Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale oo indhashareertaada ku qarsoon. Timahaaguna waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.

  • Hees 1:7-10
    4 aayado
    79%

    7Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid; Waayo, bal maxaan u ahaanayaa Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?

    8Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon, Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa, Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada.

    9Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.

    10Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan, Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.

  • Hees 1:13-16
    4 aayado
    79%

    13Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.

    14Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.

    15Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale.

    16Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay, Oo weliba sariirteennuna waa cagaar.

  • Hees 1:2-4
    3 aayado
    78%

    2Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa; Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.

    3Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay, Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay, Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.

    4I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.

  • Maah 5:19-20
    2 aayado
    78%

    19Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.

    20Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?

  • 6Taan jeclahayay, qurux badnidaa! Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!

  • Hees 2:9-10
    2 aayado
    78%

    9Gacaliyahaygu waa sida cawl ama deer qayrab ah oo kale. Bal eega, wuxuu taagan yahay derbigayaga gadaashiisa, Oo daaqadahuu ka soo eegayaa, oo shabagguu ka soo dayayaa.

    10Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi, Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

  • Hees 6:4-5
    2 aayado
    77%

    4Taan jeclahayay, waxaad u qurux badan tahay sida Tirsaah oo kale, Oo waxaad u suurad wacan tahay sida Yeruusaalem oo kale, Waxaana lagaaga cabsadaa sida ciidan calammo sita oo kale.

    5Indhahaaga iga sii jeedi, Waayo, way iga adkaadeen. Timahaagu waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.

  • Hees 5:8-9
    2 aayado
    77%

    8Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.

    9Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee?

  • Hees 7:9-10
    2 aayado
    77%

    9Oo afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan.

    10Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.

  • 1Taada naagaha u qurxoonay, Xaggee gacaliyahaagii tegey? Aannu kula goobnee, Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday?

  • Hees 3:4-5
    2 aayado
    76%

    4Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. Waan qabtay, mana sii dayn, Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.

    5Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

  • 14Gacaliyahaygow, dhaqso, Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.

  • 4Qoortaaduna waa sida munaarad foolmaroodi ah, Oo indhahaaguna waa sida ballidii Xeshboon oo ku ag yaal iridda Batrabbiim. Oo sankaaguna waa sida munaaradda Lubnaan Oo xagga Dimishaq u jeeda.

  • Hees 4:15-16
    2 aayado
    76%

    15Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.

    16Dabaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay, Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan, Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.

  • 16Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

  • 9Laakiinse qoolleydayda, iyo tayda sanu waa mid qudha. Iyadu waa tan keliya ee hooyadeed, Oo waa tan daahirsan ee tii iyada dhashay. Gabdhuhu iyaday arkeen oo waxay ku sheegeen mid barakaysan, Oo xataa boqoradihii iyo naagihii addoommaha ahaaba way ammaaneen.

  • 14Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta, Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii, Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.

  • 4Wuxuu i keenay guriga diyaafadda, Oo calankiisii i kor sudhnaana wuxuu ahaa jacayl.

  • Hees 8:3-4
    2 aayado
    74%

    3Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.

    4Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono.

  • 1Haddaad ahaan lahayd walaalkay Oo naasihii hooyaday nuugay, Markaan dibadda kaa helaba waan ku dhunkan lahaa. Oo innaba layma quudhsadeen.

  • 7Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin Ilaa uu doono.