Heeskii Sarreeyey 8:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Taada beeraha dhexdooda degganay, Rafiiqyadaadu waxay dhegaystaan codkaaga, Haddaba, bal i maqashii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hees 1:7 : 7 Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid; Waayo, bal maxaan u ahaanayaa Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?
  • Hees 2:13-14 : 13 Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa, Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan, Wayna soo carfayaan. Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac. 14 Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta, Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii, Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.
  • Hees 3:7-9 : 7 Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee. Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil Ayaa hareereheeda ku wareegsan. 8 Kulligood seefta aad bay u yaqaaniin, waana wada dagaalyahan. Ninkood kastaba seeftiisii dhexday ugu xidhan tahay, Cabsida habeenka aawadeed. 9 Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado Ka samaystay qoryihii Lubnaan. 10 Tiirarkiisii lacag buu ka dhigay, Hoostiisiina dahab buu ka dhigay, oo meeshuu fadhiistayna guduud buu ka dhigay, Oo dhexdiisiina gabdhaha reer Yeruusaalem ayaa jacayl ku sharraxay. 11 Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega, Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa, Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.
  • Hees 4:16 : 16 Dabaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay, Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan, Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.
  • Hees 5:9-9 : 9 Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee? 10 Gacaliyahaygu waa cad yahay oo waa casaan. Waana kan toban kun ugu wanaagsan. 11 Madaxiisu waa sida dahab saafi ah, Oo timihiisuna waa sida cawbaar, oo waxay u madow yihiin sida tuke oo kale. 12 Indhihiisu waa sida indho qoolley oo durdur biya ah ag joogta, Oo caano lagu maydhay oo si qumman loo dhigay. 13 Dhabannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa. Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo. 14 Gacmihiisu waa sida kaatummo dahab ah oo berullos lagu dhejiyey, Oo jidhkiisuna waa sida foolmaroodi oo dhalaalaya oo safayr lagu sharraxay. 15 Lugihiisu waa sida tiirar marmar ah, oo lagu qotomiyey saldhigyo dahab saafiya ah, Oo muuqashadiisuna waa sida Buur Lubnaan oo kale, oo wuxuu u qurxoon yahay sida geedaha kedarka oo kale. 16 Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.
  • Hees 6:2 : 2 Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.
  • Hees 6:11 : 11 Waxaan ku dhaadhacay beertii yicibta Inaan soo arko geedaha cagaarka ah ee dooxada, Iyo inaan soo arko bal in canabkii magoolay, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale.
  • Hees 7:11-12 : 11 Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee, Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee. 12 Aynu aroor hore beercanabyada tagnee, Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale; Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.
  • Mat 18:20 : 20 Waayo, meeshii laba ama saddex qof ay magacayga isugu soo ururaan, halkaas anigu dhexdoodaan joogaa.
  • Mat 28:20 : 20 oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.
  • Yoox 14:13-14 : 13 Oo wax alla waxaad magacayga ku weyddiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka. 14 Haddii aad wax igu weyddiisataan magacayga, waan samayn doonaa.
  • Yoox 14:21-23 : 21 Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga. 22 Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin? 23 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa.
  • Xaak 11:38 : 38 Markaasuu yidhi, Tag. Oo intii laba bilood ah ayuu iska diray; oo iyadii iyo saaxiibadaheedba way tageen, oo bikradnimadeedii ayay buuraha ugu soo baroorteen.
  • Xaak 14:11 : 11 Oo markay isagii arkeen ayay u keeneen soddon nin si ay ula joogaan.
  • Sab 45:14 : 14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan, Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
  • Sab 50:15 : 15 Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
  • Yoox 15:7 : 7 Haddaad igu jirtaan, oo ay erayadayduna idinku jiraan, weyddiista waxaad doonaysaanba, waana laydiin yeeli doonaa.
  • Yoox 16:24 : 24 Tan iyo imminka waxba magacayga kuma weyddiisan. Weyddiista, waanad heli doontaan, inay farxaddiinnu buuxsanto.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 14Gacaliyahaygow, dhaqso, Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.

  • Hees 2:12-14
    3 aayado
    78%

    12Ubaxii dhulkuu ka muuqanayaa, Oo wakhtigii shimbirruhu gabyi jireenna waa la gaadhay, Oo codkii qoolleydana dalkayagaa laga maqlayaa.

    13Berduhu midhihiisuu soo bixinayaa, Oo geedaha canabkuna way ubxinayaan, Wayna soo carfayaan. Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

    14Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta, Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii, Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.

  • Hees 1:7-8
    2 aayado
    78%

    7Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid; Waayo, bal maxaan u ahaanayaa Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?

    8Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon, Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa, Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada.

  • Hees 4:15-16
    2 aayado
    77%

    15Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.

    16Dabaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay, Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan, Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.

  • Hees 2:7-10
    4 aayado
    77%

    7Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

    8Waa kaa codkii gacaliyahaygu! Bal eega, wuu soo socdaa, Isagoo buuraha korkooda ku soo boodboodaya, oo kuraha dushooda ku faclaynaya.

    9Gacaliyahaygu waa sida cawl ama deer qayrab ah oo kale. Bal eega, wuxuu taagan yahay derbigayaga gadaashiisa, Oo daaqadahuu ka soo eegayaa, oo shabagguu ka soo dayayaa.

    10Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi, Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

  • Hees 7:9-13
    5 aayado
    77%

    9Oo afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan.

    10Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.

    11Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee, Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.

    12Aynu aroor hore beercanabyada tagnee, Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale; Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.

    13Ubixii duudaygu way soo carfayaan, Oo albaabbadayada agtooda waxaa yaal midho cayn kasta ah oo cusayb iyo duugba leh, Oo adigaan kuu kaydiyey, gacaliyahaygiiyow.

  • 12Beercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal, Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun, Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol.

  • Hees 6:1-3
    3 aayado
    76%

    1Taada naagaha u qurxoonay, Xaggee gacaliyahaagii tegey? Aannu kula goobnee, Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday?

    2Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.

    3Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii, Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda.

  • Hees 5:1-2
    2 aayado
    75%

    1Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay,

    2Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.

  • Hees 1:14-16
    3 aayado
    74%

    14Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.

    15Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale.

    16Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay, Oo weliba sariirteennuna waa cagaar.

  • Hees 4:12-13
    2 aayado
    74%

    12Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.

    13Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin,

  • Hees 3:5-6
    2 aayado
    74%

    5Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

    6Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?

  • Hees 4:8-9
    2 aayado
    74%

    8Aroosaddaydiiyey, Buur Lubnaan iga soo raac, Oo kaalay, Buur Lubnaan iga soo raac. Buur Amaanaah dhaladeeda wax ka fiiri, Oo Buur Seniir iyo Buur Xermoon dhaladooda wax ka fiiri, Oo wax ka soo fiiri boholaha libaaxyada, Iyo buuraha shabeelladaba.

    9Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay, Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood Iyo laasimmada qoortaada midkood.

  • 4I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.

  • 1¶ Aan gacaliyahayga ugu gabyo gacaliyahayga gabaygiisa oo ku saabsan beertiisa canabka ah. Gacaliyahaygu wuxuu beer canab ah ku lahaa kur barwaaqaysan.

  • Hees 8:2-5
    4 aayado
    73%

    2Waan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday, Wax baadna i bari lahayd. Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.

    3Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.

    4Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono.

    5Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu?

  • 6Taan jeclahayay, qurux badnidaa! Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!

  • Hees 5:8-9
    2 aayado
    73%

    8Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.

    9Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee?

  • 3Sida geedka tufaaxa ahu uu dhirta duurka ku dhex yahay, Ayuu gacaliyahayguna wiilasha ku dhex yahay. Hooskiisaan fadhiistay anigoo aad u faraxsan, Oo midhihiisuna way ila dhadhan macaanaayeen.

  • Hees 2:16-17
    2 aayado
    72%

    16Gacaliyahaygu waa kaygii oo anna tiisii baan ahay. Wuxuu adhigiisa daajinayaa ubaxyada dhexdooda.

    17Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabba'o, Gacaliyahaygiiyow, soo noqo, oo ahow sida cawl oo kale, amase sida deer qayrab ah Oo buuraha Beter kor jooga.

  • 3Waxaa i helay waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay, Oo anna waxaan ku idhi, Kan naftaydu jeceshahay ma aragteen?

  • 2Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa; Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.

  • 16Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

  • 6Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o, Waxaan u kici doonaa buurta malmalka, Iyo kurta fooxa.

  • 6Gacaliyahaygii waan ka furay, Laakiinse gacaliyahaygii wuu iska noqday, wuuna tegey. Naftaydii markuu hadlay way naxday. Isagaan doondoonay, laakiinse waan heli kari waayay. Waan u dhawaaqay, laakiinse innaba iima uu jawaabin.

  • 1Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale oo indhashareertaada ku qarsoon. Timahaaguna waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.