Maahmaahyadii 7:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 5:3 : 3 Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,
  • Sab 12:2 : 2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
  • Xaak 16:15-17 : 15 Markaasay isagii ku tidhi, Sidee baad u odhan kartaa, Waan ku jeclahay, adigoo aanu qalbigaagu ila jirin? Bal eeg, saddex jeer baad igu majaajilootay oo iimana aad sheegin meesha xooggaaga weynu ku jiro. 16 Oo markay maalin walba hadalkeedii ku sii cadaadisay, oo ay ku adkaysay, ayaa naftiisii cidhiidhi gashay ilaa dhimasho. 17 Oo markaasuu u sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan oo ku yidhi, Madaxayga mandiil lama marin, waayo, tan iyo markaan dhashay waxaan ahaa Nadiir Ilaah loo soocay. Haddii la ii xiiro, xooggaygu waa iga tegayaa, oo waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
  • 1 Sam 28:23 : 23 Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay.
  • 2 Boq 4:8 : 8 ¶ Oo waxaa maalin dhacday in Eliishaa Shuuneem tegey, oo halkaasna waxaa joogtay naag weyn, oo iyana waxay isagii yeelsiisay inuu wax cuno. Oo haddana mar alla markuu soo ag maray ayuu xaggeeda u leexday inuu wax ka cuno.
  • Maah 7:5 : 5 Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.
  • Luuk 14:23 : 23 Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo.
  • Luuk 24:29 : 29 laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo.
  • Fal 16:15 : 15 Oo markii la baabtiisay iyada iyo dadkii gurigeeda, ayay naga bariday iyadoo leh. Haddaad qiyaasaysaan inaan Rabbiga aamin u ahay, gurigayga kaalaya oo jooga. Waana na yeelsiisay.
  • 2 Kor 5:14 : 14 Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen.
  • Maah 6:24 : 24 Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 7:22-23
    2 aayado
    84%

    22Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,

    23Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.

  • Maah 7:10-13
    4 aayado
    80%

    10Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.

    11Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.

    12Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.

    13Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,

  • Maah 2:16-18
    3 aayado
    78%

    16In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad, Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,

    17Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda, Oo illowda axdigii Ilaaheeda;

    18Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho, Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.

  • 20Kiish lacag ahna wuu qaatay, Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado.

  • 8Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,

  • 5Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.

  • Maah 7:25-27
    3 aayado
    76%

    25Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.

    26Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan, Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.

    27Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda.

  • Maah 5:3-4
    2 aayado
    76%

    3Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,

    4Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.

  • Maah 6:24-26
    3 aayado
    75%

    24Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.

    25Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.

    26Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.

  • 26Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.

  • Maah 5:19-20
    2 aayado
    73%

    19Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.

    20Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?

  • 20Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.

  • 32Waxaad la mid tahay naag nin leh oo sinaysata oo niman qalaad ninkeeda uga hor marta!

  • 8Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,

  • 14Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.

  • 28Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.

  • 16¶ Oo haddii nin sasabto gabadh bikrad ah oo aan doonanayn, oo uu iyada la seexdo, de markaas waa inuu yarad ka bixiyo oo uu guursadaa iyada.

  • 16Ku alla kii garaaddaranu halkan ha u soo leexdo, Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,

  • 14oo uu waxyaalo ceeb ah ka sheego ee uu magac ceeb ah u soo jiido isagoo leh, Naagtan waan guursaday oo markaan u soo dhowaaday kama aanan helin calaamadihii bikradnimada,

  • Yex 23:42-43
    2 aayado
    71%

    42Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen.

    43Markaasaan tii sinada ku gabowday ka idhi, Miyey haddana ka sinaysan doonaan, oo iyaduse miyey iyaga ka dhillaysan doontaa?

  • 17Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.

  • 17Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.

  • 26Afkeeda waxay u kala qaaddaa xigmad; Oo carrabkeedana waxaa saaran sharciga raxmadda.

  • 4Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,

  • 22Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.

  • 14Habase yeeshee wuu diiday inuu codkeedii maqlo, laakiinse wuu xoogay oo la seexday, waayo, wuu ka xoog badnaa.

  • 15¶ Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.

  • 21Waxay ka qaylisaa meesha suuqa ugu weyn; Oo iridda magaalada laga soo galo Ayay erayadeeda kaga hadashaa, iyadoo leh,

  • 16Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.

  • 17Inuu xoogga boqortooyadiisa oo dhan la yimaado aawadeed ayuu wejigiisa u jeedin doonaa, waxaana la jiri doona kuwa qumman, markaasuu siduu doonayo yeeli doonaa; oo waxaa la siin doonaa gabadha dumarka si uu u kharribo, laakiin ma ay istaagi doonto, tiisiina ma ay noqon doonto.

  • 6Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,

  • 29Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa, Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.

  • 7Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay.

  • 16Oo markay maalin walba hadalkeedii ku sii cadaadisay, oo ay ku adkaysay, ayaa naftiisii cidhiidhi gashay ilaa dhimasho.

  • 10Markaas naagtaydu nin kale wax ha u shiiddo, Oo kuwa kale ha ku kor foororsadeen iyada.

  • 3Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa? Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa?

  • 33Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.