Maahmaahyadii 29:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii xigmad jecelu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse kii dhillooyin raacaa maalkiisuu khasaariyaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 10:1 : 1 Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.
  • Luuk 15:30 : 30 Laakiin goortii uu yimid wiilkaagani waxaagii aad ku noolayd dhillooyin la cunay, waxaad u gowracday dibigii yaraa ee la shishleeyey.
  • Luuk 15:13 : 13 Maalmo aan badnayn dabadeed wiilkii yaraa waa wada urursaday wax walbaba, oo dhul fog ayuu u safray, halkaas ayuuna wixiisii ku khasaariyey, isagoo iska tumaya.
  • Maah 6:26 : 26 Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.
  • Maah 15:20 : 20 Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.
  • Maah 27:11 : 11 Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
  • Maah 28:7 : 7 Ku alla kii sharciga dhawraa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii raaca kuwa cirta weyn, aabbihiisuu ceebeeyaa.
  • Maah 5:8-9 : 8 Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan, 9 Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin, 10 Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,
  • Maah 28:19 : 19 Kii dhulkiisa beertaa, cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa wuxuu ka dhergi doonaa caydhnimo.
  • Luuk 1:13-17 : 13 Laakiin malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa. 14 Waxaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan, 15 waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Quduuskaa. 16 Reer binu Israa'iil badidoodana ayuu Rabbiga Ilaahooda ah ku soo jeedin doonaa. 17 Isaguna wuxuu ku hor mari doonaa ruuxii iyo xooggii Eliyaas inuu aabbayaasha qalbiyadooda ku soo jeediyo carruurta, iyo inuu caasiyiinta ku soo celiyo xigmadda kuwa xaqa ah, inuu Rabbiga u diyaargareeyo dad hagaagsan.
  • Maah 21:17 : 17 Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa, Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.
  • Maah 21:20 : 20 Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.
  • Maah 23:15 : 15 Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.
  • Maah 23:24-25 : 24 Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa. 25 Aabbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen, Oo tii ku dhashayna ha rayrayso.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 28:6-7
    2 aayado
    81%

    6Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.

    7Ku alla kii sharciga dhawraa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii raaca kuwa cirta weyn, aabbihiisuu ceebeeyaa.

  • 8Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay, Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.

  • 73%

    23Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.

    24Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.

  • Maah 15:5-6
    2 aayado
    73%

    5Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.

    6Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.

  • 73%

    20Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.

    21Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.

  • Maah 3:12-14
    3 aayado
    73%

    12Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.

    13Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela, Iyo ninkii waxgarashada mulkiya.

    14Waayo, baayacmushtarigeedu waa ka sii wanaagsan yahay baayacmushtariga lacagta, Oo faa'iidadeeduna waa ka sii wanaagsan tahay dahabka saafiga ah.

  • 20Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa, Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.

  • 21Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.

  • 25Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.

  • 71%

    13Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis, Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.

    14Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa, Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa.

  • 29Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa, Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.

  • 1Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.

  • 20Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.

  • 17Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa, Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.

  • 26Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.

  • 15Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.

  • 11Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.

  • 70%

    26Kii aabbihiis kharriba, hooyadiisna erya, Waa wiil ceeb keena oo cay soo jiida.

    27Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.

  • 11Xigmaddu sida dhaxal oo kale ayay u wanaagsan tahay, oo waa u faa'iido kuwa qorraxda arka.

  • 1Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.

  • 13¶ Boqor nacas ah oo gaboobay oo aan innaba mar dambe talo qaadan waxaa ka wanaagsan barbaar miskiin ah oo xigmad leh.

  • 15Usha iyo canaantu caqli bay keenaan, Laakiinse ilmihii layska daayaa ceeb buu hooyadiis u soo jiidaa.

  • 4Boqorku gar buu dalka ku dhisaa, Laakiinse kii laaluush jecelu wuu dumiyaa.

  • 32Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay, Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa.

  • 20Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?

  • 15Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;

  • Yex 16:32-33
    2 aayado
    69%

    32Waxaad la mid tahay naag nin leh oo sinaysata oo niman qalaad ninkeeda uga hor marta!

    33Iyagu dhillo kasta hadiyad bay siiyaan, laakiinse adigu waxaad hadiyadahaaga siisaa kuwa ku caashaqa oo dhan, oo laaluush baad u siisaa inay dhinac kasta kaaga yimaadaan dhillanimadaada aawadeed.

  • 4Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda.

  • 3Xooggaaga naago ha siinin, Dawyadaadana ha siinin kuwa boqorrada dumiya.

  • 11Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan.

  • 15Kii qof qalaad dammiintaa, xumaan buu ka helaa, Laakiinse kii dammiinashada necebu ammaan buu u fadhiyaa.

  • 19Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay, Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.

  • 35Kuwa xigmadda leh waxay dhaxli doonaan sharaf, Laakiinse nacasyadu waxay u dallici doonaan ceeb.

  • 21Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin. Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.

  • 8Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,

  • 19Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 7Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.

  • 2Addoonkii caqli lahu wuxuu xukumi doonaa wiilkii ceeb soo jiida, Oo walaalaha ayuu la dhaxal geli doonaa.

  • 1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.