Maahmaahyadii 29:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markii kuwa xaqa ahu amarka haystaan, dadku wuu reyreeyaa, Laakiinse markii kuwa sharka lahu xukunka wataan, dadku wuu taahaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 28:12 : 12 Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn, Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.
  • Est 8:15 : 15 ¶ Markaasaa Mordekay wuxuu ka tegey boqorka hortiisii isagoo qaba dhar boqortooyo oo ah buluug iyo caddaan, oo madaxana waxaa u saarnaa taaj weyn oo dahab ah, wuxuuna huwanaa shulug laga sameeyey maro wanaagsan oo guduudan, oo magaaladii Shuushanna waa laga qayliyey oo laga farxay.
  • Maah 11:10 : 10 Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa, Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.
  • Est 3:15 : 15 Oo warqaadayaashiina haddiiba degdeg bay ugu ambabbexeen boqorka amarkiisii, oo Shuushan oo ahayd hoygii boqorkana amarkii waa lagu bixiyey. Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u fadhiisteen inay wax cabbaan; laakiinse magaaladii Shuushan oo dhammu way ka wareertay.
  • Maah 28:28 : 28 Markii kuwa sharka lahu kacaan dadku waa dhuuntaa, Laakiinse markay halligmaan, kuwa xaqa ahu way sii kordhaan.
  • Wacd 10:5 : 5 Waxaa jira wax shar ah oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waxaana weeye qalad taliyaha ka yimaada.
  • Ish 32:1-2 : 1 ¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan. 2 Oo ninba wuxuu noqon doonaa meel dabaysha lagaga dhuunto iyo gabbaad duufaanka laga dugsado, iyo sida webiyo biya ah oo meel engegan ku yaal, iyo sida hoos dhagax weyn oo dal oommane ah ku yaal.
  • Yer 23:5-6 : 5 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa'uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo. 6 Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.
  • Mat 2:3 : 3 Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan.
  • Mat 2:16 : 16 ¶ Goortuu Herodos arkay inay nimankii xigmadda lahaa ku cayaareen isagii, ayuu aad u cadhooday, oo cid buu u diray oo laayay wiilashii yaryaraa oo dhan, kuwii laba sannadood jiray iyo kuwii ka yaraa oo joogay Beytlaxam iyo meelaha u dhow oo dhan, sida wakhtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka hubsaday.
  • Muj 11:15 : 15 ¶ Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis.
  • Sab 72:1-7 : 1 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii. 2 Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad. 3 Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada. 4 Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa. 5 Way kaa cabsan doonaan inta qorraxdu jirto, Iyo inta dayaxu jiro tan iyo ka ab ka ab. 6 Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya. 7 Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa, Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn, Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.

  • 28Markii kuwa sharka lahu kacaan dadku waa dhuuntaa, Laakiinse markay halligmaan, kuwa xaqa ahu way sii kordhaan.

  • 16Markii kuwa sharka lahu bataan, xadgudub baa sii kordha, Laakiinse kuwa xaqa ah ayaa dhiciddooda arki doona.

  • 78%

    10Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa, Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.

    11Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.

  • 34Xaqnimadu quruun way sarraysiisaa, Laakiinse dembigu waa u ceeb dad kasta.

  • 1¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.

  • 75%

    15Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.

    16Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.

  • Maah 29:6-7
    2 aayado
    75%

    6Ninkii shar ah xadgudubkiisa waxaa ku jira dabin, Laakiinse kii xaq ahu waa iska heesaa oo reyreeyaa.

    7Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.

  • Maah 28:1-2
    2 aayado
    75%

    1Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn, Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale.

    2Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin, Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.

  • 1Kii inta wax badan la canaanto ka madax adkaadaa, Dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.

  • 18Markii aan muujinu jirin dadku waa halligmaa, Laakiinse kii sharciga dhawraa waa barakaysan yahay.

  • 19Kuwa xaqa ahu way arkaan oo way farxaan, Oo kuwa aan xaqa qabinuna way ku qoslaan oo ku majaajiloodaan,

  • 28Sharafta boqorku waxay ku jirtaa dadka badnaantiisa, Laakiinse baabba'a amiirku wuxuu ku jiraa dadka yaraantiisa.

  • 12Haddii taliye been dhegaysto, Midiidinyadiisa oo dhammu waa wada shar miidhan.

  • 72%

    12Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan. Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.

    13Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan, Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.

  • 14Boqorkii daacadnimo masaakiinta ugu xukuma, Carshigiisu wuu dhisnaan doonaa weligiisba.

  • 6Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.

  • 71%

    16Dalkow, adaa iska hoogay, markii boqorkaagu ilmo yar yahay, oo amiirradaaduna ay aroortii wax cunaan!

    17Dalkow, waad barakaysan tahay, markii boqorkaagu nin gobeed yahay, oo amiirradaaduna ay wakhti habboon wax u cunaan inay xoog ku yeeshaan ee aan ahayn inay sakhraamaan!

  • 19Kuwa sharka lahu kuwa wanaagsan hortooda ayay ku foororsadaan, Oo kuwa xunxunna waxay ku foororsadaan irdaha kuwa xaqa ah.

  • 15Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad, Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • 6Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

  • 32Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.

  • 30Inaan cibaadalaawe boqornimada qabsan, Si uusan u jirin mid dadka shirqool u dhiga.

  • 11Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya, Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.

  • Ish 3:4-5
    2 aayado
    71%

    4Oo waxaan amiirro uga dhigi doonaa carruur, oo dhallaan baa iyaga u talin doona.

    5Oo dadkana midkood kastaba waxaa dulmi doona mid kale, oo mid kastaba waxaa dulmi doona deriskiisa, yarku wuxuu ku kibri doonaa odayga, oo kan hoosena kan sharafta leh.

  • 5Waxaa jira wax shar ah oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waxaana weeye qalad taliyaha ka yimaada.

  • 27Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.

  • 9Iftiinka kuwa xaqa ahu weligii wuu reyreeyaa, Laakiinse laambadda kuwa sharka leh waa la bakhtiin doonaa.

  • 4Boqorku gar buu dalka ku dhisaa, Laakiinse kii laaluush jecelu wuu dumiyaa.

  • 42Kuwa qummanuna way arki doonaan, wayna ku farxi doonaan, Oo kolkaas xumaanta oo dhammu afkeeday xidhi doontaa.

  • Wacd 8:4-5
    2 aayado
    70%

    4Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?

    5Ku alla kii amarka dhawra innaba waxyeello ma gaadhi doonto, oo ninka xigmadda leh qalbigiisuna wakhtiga iyo garsooriddaba wuu gartaa.

  • 8Kii xaq ah waxaa laga samatabbixiyaa dhibaato, Oo meeshiisana waxaa yimaada kii shar leh.

  • 3Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho, Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.

  • 26Kan xaqa ahu deriskiisuu hanuuniyaa, Laakiinse kuwa sharka leh jidkoodu wuu ambiyaa iyaga.

  • 17War mid xaqnimada neceb miyuu wax u talinayaa? Oo ma waxaad xukumaysaa midka xaqa ah oo xoogga badan?

  • 5Boqorka hortiisa kuwa sharka leh ka fogee, Oo carshigiisuna xaqnimuu ku taagnaan doonaa.

  • 8Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay, Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.

  • 15Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.

  • 6Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.

  • 24Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,

  • 30Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.