Ayuub 34:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Inaan cibaadalaawe boqornimada qabsan, Si uusan u jirin mid dadka shirqool u dhiga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 12:28-30 : 28 Markaasaa boqorkii tashaday, oo wuxuu sameeyey laba weylood oo dahab ah, oo wuxuu dadkii ku yidhi, Dadkii Israa'iilow, aad bay idiinku dhib badan tahay inaad Yeruusaalem tagtaan, haddaba bal eega ilaahyadiinnii idinka keenay dalkii Masar. 29 Oo labadii weylood middood wuxuu dhigay Beytel, tii kalena wuxuu dhigay Daan. 30 Haddaba taasu waxay noqotay dembi, maxaa yeelay, dadkii waxay u tegi jireen inay middood caabudaan xataa ilaa Daan.
  • 2 Boq 21:9 : 9 Laakiinse way dhegaysan waayeen, oo Manaseh ayaa iyagii ku sasabay inay sameeyaan shar ka sii badan kii ay sameeyeen quruumihii Rabbigu ku hor baabbi'iyey reer binu Israa'iil.
  • Ayuub 34:21 : 21 Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga, Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.
  • Sab 12:8 : 8 Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay, Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.
  • Maah 29:2-9 : 2 Markii kuwa xaqa ahu amarka haystaan, dadku wuu reyreeyaa, Laakiinse markii kuwa sharka lahu xukunka wataan, dadku wuu taahaa. 3 Kii xigmad jecelu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse kii dhillooyin raacaa maalkiisuu khasaariyaa. 4 Boqorku gar buu dalka ku dhisaa, Laakiinse kii laaluush jecelu wuu dumiyaa. 5 Ninkii deriskiisa faaniyaa Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa. 6 Ninkii shar ah xadgudubkiisa waxaa ku jira dabin, Laakiinse kii xaq ahu waa iska heesaa oo reyreeyaa. 7 Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas. 8 Kuwa wax quudhsadaa magaalay dab qabadsiiyaan, Laakiinse kuwa caqliga lahu cadhay qabowjiyaan. 9 Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba. 10 Dhiigyocabyadu kii kaamil ah way neceb yihiin, Laakiinse kuwa qumman waxay doondoonaan inay naftiisa badbaadshaan. 11 Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa. 12 Haddii taliye been dhegaysto, Midiidinyadiisa oo dhammu waa wada shar miidhan.
  • Wacd 9:18 : 18 Xigmaddu waa ka fiican tahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa wax badan oo wanaagsan baabbi'iya.
  • Hos 5:11 : 11 Reer Efrayim waa la dulmay, oo xukun baa lagu burburiyey, waayo, raalli bay ku ahaayeen inay amarka daba socdaan.
  • Hos 13:11 : 11 Anigoo xanaaqsan ayaan boqor idin siiyey, oo haddana anigoo cadhaysan ayaan idinka qaaday.
  • Miik 6:16 : 16 Waayo, qaynuunnadii Boqor Coomrii iyo shuqulladii reer Boqor Axaab oo dhanba waad dhawrteen, oo waxaad ku socotaan talooyinkoodii, si aan cidla laga yaabo idiinka dhigo, oo dadka magaaladiinna degganna waxaan ka dhigi doonaa wax lagu foodhyo, oo idinku waxaad qaadan doontaan cayda dadkayga.
  • 2 Tes 2:4-9 : 4 kan ka geesta ah oo iska sarraysiiya wax alla waxa Ilaah la yidhaahdo oo dhan iyo waxa la caabudo oo dhan, oo sidaasuu u dhex fadhiistaa macbudka Ilaah isagoo qudhiisu Ilaah iska dhigaya. 5 Miyeydnaan xusuusnayn inaan waxyaalahan idiin sheegay markii aan weli idinla joogay? 6 Haatan waad garanaysaan waxa joojinaya in isaga wakhtigiisa la muujiyo. 7 Waayo, qarsoodiga dembigu haatan waa shaqaynayaa, laakiin kan haddeer joojinayaa wuxuu joojinayaa ilaa jidka laga qaado isaga. 8 Markaas waxaa la muujin doonaa sharcilaawaha, kan Rabbi Ciise ku halligi doono neefta afkiisa, oo imaatinka muuqashadiisa uu ku baabbi'in doono. 9 Kaas imaatinkiisu waa sida shuqul Shayddaan oo leh xoog iyo calaamooyin iyo cajaa'ibyo been ah oo dhan, 10 iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan. 11 Oo sababtaas daraaddeed ayaa Ilaah ugu soo diraa wax qalad kaga dhex shaqeeya si ay been u rumaystaan,
  • Muj 13:3-4 : 3 Oo markaasaan arkay madaxyadiisii midkood oo u eg mid la gowracay; oo nabarkii uu u dhintay wuu bogsaday; oo dunida oo dhammuna waxay la yaabtay bahalkii; 4 markaasay masduulaagii caabudeen, maxaa yeelay, wuxuu amarkiisii siiyey bahalkii; iyaguna waxay caabudeen bahalkii, waxayna yidhaahdeen, Bal yaa bahalka la mid ah? Oo bal yaa awooda inuu la diriro?
  • Muj 13:11-14 : 11 ¶ Oo haddana waxaan arkay bahal kale oo dhulka ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa laba gees oo u eg wan geesihiis, oo wuxuu u hadlayay sidii masduulaa oo kale. 12 Oo wuxuu bahalkii kowaad hortiisa wax kaga qabtay amarkiisii oo dhan. Oo dunida iyo kuwa degganba wuxuu ka dhigay inay caabudaan bahalkii kowaad oo nabarkii uu u dhintay bogsaday. 13 Oo wuxuu sameeyey calaamooyin waaweyn, wuuna karay xataa inuu dab samada ka soo dejiyo oo dhulka ku soo tuuro dadka hortiisa. 14 Oo kuwa dhulka deggan wuxuu ku khiyaaneeyey calaamooyinkii isaga loo siiyey inuu ku sameeyo bahalkii hortiisa; isagoo kuwa dhulka deggan ku leh, Waa inaad sanam u samaysaan bahalka seefta nabarkeedii ku yaal ee soo noolaaday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan, Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.

  • 29Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba, Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara? Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?

  • Ayuub 27:7-8
    2 aayado
    72%

    7Cadowgaygu sida sharrow ha noqdo, Oo kii igu kacaana sida mid xaqdaran ha noqdo.

    8In kastoo uu faa'iido helo, cibaadalaawaha rajadiisu waa maxay, Markii Ilaah naftiisa qaado?

  • 13Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho, Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.

  • 34Waayo, ururka cibaadalaawayaashu wuxuu ahaan doonaa wax aan waxba dhalin, Oo teendhooyinka kuwa laaluushka qaatana dab baa baabbi'in doona.

  • 16Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda, Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.

  • 5Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay, Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?

  • 2Markii kuwa xaqa ahu amarka haystaan, dadku wuu reyreeyaa, Laakiinse markii kuwa sharka lahu xukunka wataan, dadku wuu taahaa.

  • 70%

    17War mid xaqnimada neceb miyuu wax u talinayaa? Oo ma waxaad xukumaysaa midka xaqa ah oo xoogga badan?

    18Ma waxaa boqor lagu yidhaahdaa, Shar baad tahay? Amase kuwa gobta ah, Cibaadalaawayaal baad tihiin?

  • 70%

    18Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.

    19Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,

  • Sab 35:24-25
    2 aayado
    70%

    24Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.

    25Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa, Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.

  • 18Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.

  • Bar 3:35-36
    2 aayado
    70%

    35Iyo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa,

    36Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.

  • 11Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.

  • 13Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale, Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa.

  • 31Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi, Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo,

  • 8Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan, Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)

  • 11Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin, Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.

  • 31Ha ka hinaasin nin dadka dulmiya, Oo jidadkiisana midnaba ha dooran.

  • 15Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.

  • 3Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah, Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.

  • 24Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,

  • 12Laakiinse hubaal Ilaah xaqdarro ma uu samayn doono, Oo Kan Qaadirka ahuna garta ma uu qalloocin doono.

  • 28¶ Waa inaadan xaakinnada caayin, mid dadkaaga u taliyana ha habaarin.

  • 68%

    15Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.

    16Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.

  • 30Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.

  • 5Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo, Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.

  • 17Haddaba sidaas daraaddeed Sayidku ku farxi maayo barbaarradooda, oo agoontooda iyo carmalladoodana u naxariisan maayo, waayo, midkood kastaaba waa cibaadalaawe iyo xumaanfale, oo af kastaana wuxuu ku hadlaa wax nacasnimo ah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

  • 3Amase faankaagu miyuu dadka aamusiin karaa? Oo markaad majaajilootid miyaan ninna ku kashifi karin?

  • 34Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan, Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.

  • 18Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.

  • 10Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.

  • 6Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado, Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.

  • 20Carshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa, Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?

  • 21kuwaasoo ah kuwa nin hadal aawadiis xumaanfale kaga dhiga, oo dabinka u dhiga kan iridda ku garnaqa oo kan xaqa ahna ku leexiya wax aan waxba ahayn.

  • 3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.

  • 9Labawejiilahu afkiisuu deriskiisa ku halligaa, Laakiinse kan xaqa ahu aqoon buu ku samatabbixi doonaa.

  • 9Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.

  • 10Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.

  • 5Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka, Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.

  • 1Dad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.

  • 10Haddaba sidaas daraaddeed i dhegaysta, raggiinna waxgaradka ahow; Ilaah inuu xaqdarro sameeyo way ka fog tahay; Oo Ilaaha Qaadirka ahna inuu xumaan falo way ka fog tahay.

  • 23Waayo, isagu uma baahna inuu in kale binu-aadmiga ka sii fikiro, Inuu isagu Ilaah hortiisa garsoorid u tago.

  • 32Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.