Maahmaahyadii 29:4
Boqorku gar buu dalka ku dhisaa, Laakiinse kii laaluush jecelu wuu dumiyaa.
Boqorku gar buu dalka ku dhisaa, Laakiinse kii laaluush jecelu wuu dumiyaa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
14Boqorkii daacadnimo masaakiinta ugu xukuma, Carshigiisu wuu dhisnaan doonaa weligiisba.
23Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa, Si uu jidadka garta u qalloociyo.
7Hubaal dulmigu nin xigmad leh wuu waalaa, oo laaluushkuna qalbiguu ka kharribaa.
4Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
5Ninkii deriskiisa faaniyaa Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa.
12Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan. Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.
13Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan, Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.
14Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.
8Oo waa inaadan laaluush qaadan innaba; waayo, laaluushku waa indho tiraa kuwa wax arka, wuuna qalloociyaa kan xaqa ah hadalkiisa.
19Waa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa.
10Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka, Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.
27Kan faa'iido u hunguri weynu reerkiisuu dhibaa, Laakiinse kii hadiyadaha necebu wuu noolaan doonaa.
28Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.
5Boqorka hortiisa kuwa sharka leh ka fogee, Oo carshigiisuna xaqnimuu ku taagnaan doonaa.
8Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa.
2Markii kuwa xaqa ahu amarka haystaan, dadku wuu reyreeyaa, Laakiinse markii kuwa sharka lahu xukunka wataan, dadku wuu taahaa.
3Kii xigmad jecelu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse kii dhillooyin raacaa maalkiisuu khasaariyaa.
8Hadiyaddu waxay kii haysta la tahay sida dhagax qaali ah, Oo meel alla meeshay u leexataba way ku barwaaqowdaa.
26Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.
6Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.
7Laakiinse Ilaah baa xaakin ah, Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
2Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin, Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.
12Indhaha Rabbigu waxay dhawraan ka aqoonta leh, Laakiinse isagu wuxuu afgembiyaa erayada khaayinka.
4Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?
17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.
26Kuwo badan baa taliyaha raallinimo ka doona, Laakiinse dadka garsooriddiisu waxay ka timaadaa xagga Rabbiga.
27Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.
23kuwaasoo kan sharka leh xaq ka dhiga laaluush aawadiis, oo ka xaqa ahna xaqiisa ka qaada!
23Amiirradaadii way caasiyoobeen, oo waxay u wehel yeeleen tuugag, oo mid walubana wuxuu jecel yahay laaluush, oo wuxuu daba ordaa abaalgudyo. Agoonta gartooda uma qaadaan, oo dacwada carmalkuna hortooda ma timaado.
12Haddii taliye been dhegaysto, Midiidinyadiisa oo dhammu waa wada shar miidhan.
19Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.
15Boqorradu gacantayday wax ku xukumaan, Oo amiirraduna amarkaygay garta ku gooyaan.
16Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.
17Dalkow, waad barakaysan tahay, markii boqorkaagu nin gobeed yahay, oo amiirradaaduna ay wakhti habboon wax u cunaan inay xoog ku yeeshaan ee aan ahayn inay sakhraamaan!
34Xaqnimadu quruun way sarraysiisaa, Laakiinse dembigu waa u ceeb dad kasta.
35Boqorka raallinimadiisa waxaa leh midiidinkii caqli ku shaqeeya, Laakiinse wuxuu u cadhoon doonaa kii ceeb sameeya.
1¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.
12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.
3Gacmahoodu waxay aad ugu dadaalaan inay sameeyaan wax shar ah. Amiirka iyo xaakinkuba waxay dadka weyddiistaan laaluush. Ninka weynuna wuxuu ku hadlaa xumaanta naftiisu doonayso, oo sidaasay isugu maroojiyaan xumaan.
5Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo, Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.
11Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.
19Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay, Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.
16Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.
33Iyagu dhillo kasta hadiyad bay siiyaan, laakiinse adigu waxaad hadiyadahaaga siisaa kuwa ku caashaqa oo dhan, oo laaluush baad u siisaa inay dhinac kasta kaaga yimaadaan dhillanimadaada aawadeed.
7Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah, Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya, Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.
16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.
6Kuwa badan ayaa deeqsiga raallinimo ka baryi doona, Oo nin kastaaba waa u saaxiib kii hadiyado bixiya.
7Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.
4Kuwa sharciga ka tagaa waxay ammaanaan kuwa sharka leh, Laakiinse kuwa sharciga dhawra ayaa iyaga la dirira.
36Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.