Maahmaahyadii 4:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 5:1 : 1 Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;
  • Maah 7:1 : 1 Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.
  • Ish 55:3 : 3 Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa'uud u ballanqaaday.
  • Mat 17:5 : 5 Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga.
  • Maah 6:20-21 : 20 Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin. 21 Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.
  • Sab 78:1 : 1 Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta, Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
  • Sab 90:12 : 12 Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, Si aannu u helno qalbi xigmad leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 5:1-2
    2 aayado
    86%

    1Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;

    2Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.

  • Maah 2:1-2
    2 aayado
    83%

    1Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,

    2Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;

  • Maah 4:10-11
    2 aayado
    82%

    10Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.

    11Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda; Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.

  • Maah 7:24-25
    2 aayado
    81%

    24Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta.

    25Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.

  • Maah 4:1-2
    2 aayado
    81%

    1Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.

    2Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina.

  • 21Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,

  • 1Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.

  • 26Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.

  • 79%

    17Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.

    18Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan.

  • 7Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.

  • 19Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.

  • 12Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.

  • Maah 8:32-33
    2 aayado
    78%

    32Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.

    33Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.

  • 8Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,

  • 1Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin, Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo,

  • Maah 4:4-5
    2 aayado
    77%

    4Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi, Qalbigaagu erayadayda ha xajisto; Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.

    5Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.

  • 21Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin. Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.

  • 1Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta, Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.

  • 15Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;

  • 27Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.

  • Maah 6:20-21
    2 aayado
    75%

    20Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.

    21Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.

  • 10Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan, Ha oggolaan.

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed, wiilkaygiiyow, codkayga u addeec sida aan kuugu amro.

  • 10Oo weliba wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, erayadayda aan kugula hadli doono oo dhan qalbigaaga ku qaado oo dhegahaaga ku maqal.

  • 16Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal; Oo erayadayda codkooda dhegayso.

  • 23¶ Dhegta ii dhiga, oo codkayga maqla, dhegaysta oo hadalkayga maqla.

  • 17Hadalkayga aad u dhegaysta, Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.

  • 6Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.

  • Maah 4:25-26
    2 aayado
    73%

    25Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.

    26Waddada cagahaaga aad ugu fiirso, Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.

  • 4Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal, Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.

  • 19Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.

  • 22Haddaba waan ku baryayaaye, sharciga afkiisa ka aqbal, Oo erayadiisana qalbigaaga geli.

  • 5Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,

  • 1Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig, Oo ka fiirso fikirradayda.

  • 15Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.

  • 11Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.

  • 23Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.

  • 22Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.

  • 1Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.