Wacdiyihii 8:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ha ku degdegin inaad hortiisa ka tagtid, wax shar ahna ha ku sii adkaan, waayo, isagu wuxuu sameeyaa wax alla wuxuu ku farxo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Wacd 10:4 : 4 Haddii taliyahu kugu dhirfo, meeshaada ha ka dhaqaaqin, waayo, qalbiqabowgu xumaano waaweyn wuu qabowjiyaa.
  • Ish 48:4 : 4 Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay,
  • Yer 44:16-17 : 16 Annagu innaba kaa dhegaysan mayno eraygii aad nagula hadashay oo aad magaca Rabbiga noogu sheegtay. 17 Laakiinse sida xaqiiqada ah waxaannu samayn doonnaa wax alla wixii afkayaga ka soo baxay, inaannu foox u shidno boqoradda samada, oo aannu iyada u daadinno qurbaanno cabniin ah, sidii annaga iyo awowayaashayo iyo boqorradayadii iyo amiirradayadiiba aannu ugu samayn jirnay magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, waayo, waagaas waxaannu haysannay cunto faro badan, oo waannu nabdoonayn, oo innaba masiibo ma aannu arki jirin.
  • Daan 4:35 : 35 oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa?
  • Daan 5:19 : 19 oo weynaantii uu siiyey aawadeed ayay dadyowgii iyo quruumihii iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu la gariireen oo ka cabsadeen. Kuu doonayay wuu dilay, kuu doonayayna wuu reebay; oo kuu doonayay wuu sarraysiiyey, kuu doonayayna wuu hoosaysiiyey.
  • Fal 5:8-9 : 8 Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Inaad dhulkii intaas ku iibiseen iyo in kale, ii kala sheeg. Markaasay tidhi, Haah, intaasaannu ku iibinnay. 9 Laakiin Butros baa ku yidhi, Sidee baad ugu heshiiseen inaad Ruuxa Rabbiga jirrabtaan? Bal eeg, kuwii ninkaaga soo aasay cagahoodii albaabka agtiisay ka soo sanqadhayaane. Adigana way ku qaadi doonaan.
  • 1 Boq 1:50-52 : 50 Oo Adoniiyaahna wuxuu ka cabsaday Sulaymaan, markaasuu tegey oo qabsaday geesihii meeshii allabariga. 51 Oo waxaa taas loo soo sheegay Sulaymaan oo lagu yidhi, Bal eeg, Adoniiyaah ayaa kaa cabsaday, Boqor Sulaymaanow, oo wuxuu qabsaday geesihii meeshii allabariga, oo yidhi, Boqor Sulaymaan maanta ha ii dhaarto inuusan anoo addoonkiisa ah seef igu dilayn. 52 Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Hadduu isu muujiyo sida nin qumman, xataa tin keliyuhu dhulka kaga dhici maayo, laakiinse haddii xumaan laga helo, wuu dhiman doonaa.
  • 1 Boq 2:21-24 : 21 Markaasay tidhi, Abiishag tan reer Shuuneem ha la siiyo walaalkaa Adoniiyaah ha guursadee. 22 Kolkaasaa Boqor Sulaymaan hooyadiis ugu jawaabay, Abiishag tan reer Shuuneem maxaad Adoniiyaah ugu doonaysaa? Haddaba boqortooyadana u doon, waayo, isagu waa walaalkay iga weyn, u doon isaga, iyo wadaadka Aabyaataar, iyo Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay. 23 Markaasaa Boqor Sulaymaan Rabbiga ku dhaartay, oo yidhi, Hadalkan uu Adoniiyaah ku hadlay hadduusan naftiisa ka gees noqon, Ilaah ha igu sameeyo saas iyo si ka sii badanba. 24 Haddaba waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii xoogga ii yeelay, oo igu fadhiisiyey carshigii aabbahay Daa'uud, oo reerka iigu yeelay siduu iigu ballanqaaday, hubaal Adoniiyaah maanta waa la dilayaa.
  • Maah 14:29 : 29 Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay; Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.
  • Maah 16:14-15 : 14 Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona. 15 Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta, Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.
  • Maah 30:31 : 31 Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2¶ Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.

  • Wacd 8:4-5
    2 aayado
    78%

    4Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?

    5Ku alla kii amarka dhawra innaba waxyeello ma gaadhi doonto, oo ninka xigmadda leh qalbigiisuna wakhtiga iyo garsooriddaba wuu gartaa.

  • Maah 25:6-8
    3 aayado
    74%

    6Ha isweynweynayn boqorka hortiisa, Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.

    7Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa, Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.

    8Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.

  • 73%

    18Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.

    19Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,

  • 72%

    13Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara? Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.

    14Waayo, wuxuu oofiyaa wixii la ii amray, Oo waxyaalo badan oo saasoo kale ah ayuu maankiisa ku hayaa.

  • 27Sharka ka fogow, oo wanaag samee, Oo weligaa baad degganaan doontaa.

  • Wacd 10:4-5
    2 aayado
    71%

    4Haddii taliyahu kugu dhirfo, meeshaada ha ka dhaqaaqin, waayo, qalbiqabowgu xumaano waaweyn wuu qabowjiyaa.

    5Waxaa jira wax shar ah oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waxaana weeye qalad taliyaha ka yimaada.

  • 7Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah, Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya, Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.

  • Sab 37:7-8
    2 aayado
    71%

    7Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug, Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.

    8Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.

  • 21Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga, Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.

  • 29Miyaad aragtaa nin shuqulkiisa ku dadaala? Isagu wuxuu istaagi doonaa boqorro hortood. Oo kuwa hoose hortoodana ma istaagi doono.

  • 7Ha isla weynaan; Rabbiga ka cabso; oo sharka ka fogow.

  • 12Bal wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara? Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa?

  • 8¶ Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.

  • 12Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa, Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro Dunida la dego dusheeda oo dhan,

  • 27Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.

  • 21Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,

  • Bar 3:37-38
    2 aayado
    70%

    37Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?

    38Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba?

  • 11Oo ha ka leexdo shar, oo wanaag ha sameeyo; Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;

  • 18Waxaa kuu wanaagsan inaad tan xagsatid, oo aadan gacantaadana dib uga ceshan, waayo, kii Ilaah ka cabsada waxan oo dhan ayuu ka soo bixi doonaa.

  • 23Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan, Jidadkoodana ishuu ku hayaa.

  • 4Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa, Oo shar adiga kula jiri maayo.

  • 14Waxaan ogahay in wax kasta oo Ilaah sameeyaaba ay weligood sii raagayaan. Waxba laguma dari karo, waxbana lagama dhimi karo. Oo Ilaah wuxuu saas u yeelay in dadku ka cabsado.

  • 13Laakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.

  • 23Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.

  • 2Inaad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan,

  • 27Wanaag ha u diidin kuwa uu ku habboon yahay in loo sameeyo, Markaad awood u leedahay inaad u samayso.

  • 21Iska jir oo xumaan ha u jeedin, Waayo, taasaad ka dooratay dhibaato.

  • 11Shuqulka sharka ah xukunkiisa dhaqso looma oofiyo, oo sidaas daraaddeed binu-aadmiga qalbigiisu inuu shar sameeyo aad buu u damcaa.

  • 10Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.

  • 1¶ Markaad guriga Ilaah tegaysid is-ilaali, waayo, inaad u dhowaatid si aad wax u maqashid way ka roon tahay inaad bixisid allabariga nacasyada oo kale, maxaa yeelay, iyagu ma oga inay wax shar ah samaynayaan.

  • 1Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah, Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.

  • 3Rabbiga indhihiisu meel kastay jiraan, Iyagoo fiirinaya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan.

  • 26Kuwo badan baa taliyaha raallinimo ka doona, Laakiinse dadka garsooriddiisu waxay ka timaadaa xagga Rabbiga.

  • 21Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.

  • 35oo kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa?

  • 3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.

  • 18Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.

  • 21Wax kasta oo lagu hadlo ha dhegaysan, waaba intaasoo aad maqashaa addoonkaaga oo ku habaarayee.

  • 6Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.

  • 3Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.

  • 19Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan, Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah? Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.