Sabuurradii 37:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sharka ka fogow, oo wanaag samee, Oo weligaa baad degganaan doontaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 34:14 : 14 Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
  • Sab 102:28 : 28 Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan, Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.
  • Maah 16:6 : 6 Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run, Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.
  • Maah 16:17 : 17 Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.
  • Ish 1:16-17 : 16 Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya. 17 Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
  • 1 Tes 5:15 : 15 Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.
  • 2 Tim 2:19 : 19 Habase yeeshee aasaaskii adkaa oo Ilaah dhigay wuu taagan yahay, isagoo leh sumaddan, Rabbigu wuu yaqaan kuwiisa; oo mid kasta oo magaca Rabbiga soo qaada xaqnimola'aanta ha ka tago.
  • Titus 2:11-14 : 11 Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan, 12 oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno, 13 innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. 14 Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
  • Titus 3:8 : 8 Hadalkanu waa run, oo xagga waxyaalahan waxaan doonayaa inaad ku adkaysatid in kuwa Ilaah rumaysanu ay digtoonaadaan inay shuqullo wanaagsan ku dadaalaan. Waxyaalahanu way wanaagsan yihiin, dadkana wax bay u taraan.
  • Titus 3:14 : 14 Dadkeennuna ha barto inay shuqullo wanaagsan ugu dadaalaan caawimaadda loo baahan yahay, inayan kuwo aan midho lahayn noqonin.
  • Cib 13:16 : 16 Laakiinse inaad wax wanaagsan fashaan oo wax wada wadaagtaan ha illoobina; waayo, allabaryada caynkaas ah Ilaah aad buu ugu farxaa.
  • Cib 13:21 : 21 kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.
  • 1 Yoox 2:16-17 : 16 Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida. 17 Oo duniduna way idlaanaysaa, iyo damaceeduba; laakiin kan doonista Ilaah yeelaa wuu jirayaa weligiis.
  • Ayuub 28:28 : 28 Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 34:13-14
    2 aayado
    84%

    13Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.

    14Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.

  • 80%

    10Kii doonaya inuu nolol jeclaado, Oo arko maalmo wanaagsan, Carrabkiisa shar ha ka joojiyo, Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin.

    11Oo ha ka leexdo shar, oo wanaag ha sameeyo; Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;

  • Sab 37:28-29
    2 aayado
    79%

    28Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.

    29Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan, Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.

  • 3Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.

  • 13Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.

  • 4Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.

  • Sab 37:7-10
    4 aayado
    75%

    7Rabbiga ku hor xasilloonow, oo isaga samir ku sug, Oo ha isku dhibin kii jidkiisa ku barwaaqaysan Iyo ninkii hindisooyin shar ah sameeya toona.

    8Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.

    9Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan, Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.

    10Wakhti yar dabadeedna kan sharka lahu ma jiri doono, Bal meeshiisa aad baad ugu fiirsan doontaa, oo isna ma jiri doono.

  • 27Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.

  • 30Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.

  • Maah 2:20-22
    3 aayado
    74%

    20Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan, Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.

    21Waayo, kuwa qummanu dhulkay fadhiyi doonaan, Oo kuwa kaamilka ahuna way sii joogi doonaan.

    22Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka, Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.

  • 26Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa, Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.

  • 6Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.

  • 22Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona, Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.

  • 5Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey.

  • 34Rabbiga sug, oo jidkiisa xaji, Oo wuxuu kuu sara marin doonaa inaad dalka dhaxasho, Waad arki doontaa marka kuwa sharka lahu go'aan.

  • 14Wanaagga doondoona, sharkase ha doondoonina, aad noolaataane, oo sidaasuu Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu idiinla jiri doonaa sidaad u tidhaahdaan.

  • 115Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.

  • 17Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.

  • 18Laakiin isagu wuxuu guryahooda ka buuxiyey waxyaalo wanwanaagsan; Talada sharrowguse way iga fog tahay.

  • 29Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin, Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa.

  • 7Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa, Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.

  • 23Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.

  • 3Ha ku degdegin inaad hortiisa ka tagtid, wax shar ahna ha ku sii adkaan, waayo, isagu wuxuu sameeyaa wax alla wuxuu ku farxo.

  • 3Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo, Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.

  • 18Rabbigu wuu yaqaan kuwa kaamilka ah cimrigooda, Oo dhaxalkooduna weligiisba wuu waarayaa.

  • Maah 4:14-15
    2 aayado
    72%

    14Waddada kuwa sharka leh ha gelin, Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.

    15Ka leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar.

  • 7Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.

  • 1Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood, Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.

  • 33Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa, Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.

  • 16Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.

  • 21Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo, Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.

  • 7Ha isla weynaan; Rabbiga ka cabso; oo sharka ka fogow.

  • 19Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,

  • 6Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono, Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.

  • 7Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,

  • 15Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.

  • 4Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa, Oo shar adiga kula jiri maayo.

  • 20Oo kuwa hadhay xaalkaas way maqli doonaan oo cabsan doonaan, oo markaas ka dibna innaba dhexdiinna shar dambe oo caynkaas ah kuma samayn doonaan.

  • 10Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada, Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.

  • 18Waxaa kuu wanaagsan inaad tan xagsatid, oo aadan gacantaadana dib uga ceshan, waayo, kii Ilaah ka cabsada waxan oo dhan ayuu ka soo bixi doonaa.

  • 19Laakiinse sharrowgu hadduu sharnimadiisa ka soo noqdo oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, qummanaantiisuu ku noolaan doonaa.