Sabuurradii 121:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 41:2 : 2 Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa. Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan.
  • Sab 91:9-9 : 9 Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah. 10 Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto. 11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan. 12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
  • 2 Tim 4:18 : 18 Oo Rabbiguna wuu iga samatabbixin doonaa shuqul kasta oo shar ah, oo wuxuu igu nabad gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaanu ha u ahaato weligiis iyo weligiis. Aamiin.
  • Sab 97:10 : 10 Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada, Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.
  • Maah 12:21 : 21 Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo, Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.
  • Mat 6:13 : 13 Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
  • Room 8:28 : 28 Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.
  • Sab 145:20 : 20 Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa, Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.
  • Ayuub 5:19-27 : 19 Wuxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato, Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba. 20 Wakhtiga abaarta ah dhimashuu kaa furan doonaa, Wakhtiga dagaalkana xoogga seefta. 21 Waad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka; Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba. 22 Waad ku qosli doontaa baabbi'idda iyo abaarta, Oo dugaagga dhulkana kama aad baqi doontid. 23 Waayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka, Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa. 24 Oo waxaad ogaan doontaa in teendhadaadu nabdoon tahay, Oo xeradaada waad soo booqon doontaa, oo waxba kama waayi doontid innaba. 25 Oo weliba waxaad ogaan doontaa in farcankaagu badnaan doono, Oo dhashaaduna sida cawska dhulka bay ahaan doontaa. 26 Oo cimri dheer baad qabrigaaga ku geli doontaa, Sida xidhmo hadhuudh ah xilliga loo soo xidho. 27 Bal eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay, Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.
  • Sab 34:22 : 22 Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa, Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.
  • Room 8:35-39 : 35 Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef? 36 Sida qoran, Adiga daraaddaa ayaa lanoo laayaa maalinta oo dhan, Waxaa lanoo tiriyey sida ido la qalayo. 37 Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa. 38 Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa'igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh, 39 ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.

  • Sab 121:2-6
    5 aayado
    82%

    2Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.

    3Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.

    4Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.

    5Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.

    6Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.

  • 7Rabbiyow, waad dhawri doontaa, Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.

  • 2Rabbigu wuu dhawri doonaa, wuuna sii noolayn doonaa, oo isaguna dhulkuu ku barakaysnaan doonaa. Rabbow, isaga ha u gacangelin sida cadaawayaashiisu rabaan.

  • Sab 91:9-11
    3 aayado
    75%

    9Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.

    10Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.

    11Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.

  • 24¶ Rabbigu ha ku barakeeyo, oo ha ku dhawro.

  • 4Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan, Kuwaasoo u qasdiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.

  • 26Waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa Kan aad ku kalsoonaan karto. Oo cagtaadana wuu dhawri doonaa si aan loo qabsan.

  • Maah 2:11-12
    2 aayado
    73%

    11Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,

    12Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah, Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,

  • 1Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,

  • 10Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada, Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.

  • 17Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • 5Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa, Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.

  • Sab 116:6-8
    3 aayado
    72%

    6Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa, Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay.

    7Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.

    8Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.

  • 3Laakiinse Rabbigu waa aamin; wuuna idin xoogayn doonaa, sharkana wuu idinka ilaalin doonaa.

  • 27Sharka ka fogow, oo wanaag samee, Oo weligaa baad degganaan doontaa.

  • 20Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa, Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.

  • 7Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun, Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun, Innabase kuuma soo dhowaan doonto.

  • 19Wuxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato, Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba.

  • 11Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan, Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.

  • 8Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta, Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa.

  • 9Kaasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.

  • 3Qofkii maankiisu isku kaa halleeyo nabad dhan baad ku dhawri doontaa, maxaa yeelay, adiguu ku aaminsan yahay.

  • 7Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa, Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.

  • 8Ii dhawr sida isha inankeeda, Oo igu qari hooska baalashaada.

  • 19Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo, Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.

  • 2Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh, Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.

  • 1Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.

  • 1Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta, Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,

  • 1Rabbiga ammaana. Naftaydoy, Rabbiga ammaan.

  • 3Aniga Rabbiga ah ayaa ilaaliya, oo daqiiqad kastana waan waraabin doonaa. Si aan ciduna wax u yeelin ayaan habeen iyo maalinba dhawri doonaa.

  • 1Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa? Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?

  • 129Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.

  • 8Naftaydu adigay ku raacdaa, Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)

  • 23Markaasaad jidkaaga ammaan ku mari doontaa, Oo cagtaaduna ma turunturoon doonto.

  • 10Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid, Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.

  • 18Oo Rabbiguna wuu iga samatabbixin doonaa shuqul kasta oo shar ah, oo wuxuu igu nabad gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaanu ha u ahaato weligiis iyo weligiis. Aamiin.

  • 4In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.

  • 2Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay, Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.

  • 1Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa, Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,