Maahmaahyadii 22:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Miyaad aragtaa nin shuqulkiisa ku dadaala? Isagu wuxuu istaagi doonaa boqorro hortood. Oo kuwa hoose hortoodana ma istaagi doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 10:4 : 4 Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa, Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.
  • Bil 41:46 : 46 Yuusufna soddon sannadood buu jiray markuu hor istaagay Fircoon oo ahaa boqorkii Masar. Markaasaa Yuusuf Fircoon hortiisii ka tegey, oo wuxuu wada maray dalkii Masar oo dhan.
  • 1 Boq 10:8 : 8 Waxaa faraxsan raggaaga, oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla.
  • 1 Boq 11:28 : 28 Oo ninkii Yaaraabcaamna wuxuu ahaa nin xoog leh; markaasaa Sulaymaan wuxuu arkay in ninka dhallintayaru yahay nin aad u shaqeeya, kolkaasuu madax uga dhigay hawshii reer Yuusuf oo dhan.
  • Maah 12:24 : 24 Kuwa dadaala gacantoodu wax bay xukumi doontaa, Laakiinse caajisiinta hawl baa la saari doonaa.
  • Wacd 9:10 : 10 Wax alla wixii gacantaadu hesho inay samayso xooggaaga oo dhan ku samee, waayo, She'ool oo aad tegaysid shuqul iyo hindiso iyo aqoon iyo xigmad toona laguma arko.
  • Mat 25:21 : 21 Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.
  • Mat 25:23 : 23 Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.
  • Room 12:11 : 11 Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega.
  • 2 Tim 4:2 : 2 inaad hadalka dadka ku wacdido. Wakhti wanaagsan iyo wakhti xunba ku dadaal, oo canaano, oo hagaaji, oo waani, adigoo dulqaadanaya oo wax baraya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 25:6-7
    2 aayado
    77%

    6Ha isweynweynayn boqorka hortiisa, Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.

    7Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa, Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.

  • 28Soohdinta hore oo ay awowayaashu dhigeen Innaba ha durkin.

  • 16Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.

  • 23Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.

  • 72%

    19Kii dhulkiisa beertaa, cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa wuxuu ka dhergi doonaa caydhnimo.

    20Ninkii aamin ahu aad buu u barakoobi doonaa, Laakiinse kii taajirnimo ku degdegaa ma taqsiir la'aan doono.

  • 24Kuwa dadaala gacantoodu wax bay xukumi doontaa, Laakiinse caajisiinta hawl baa la saari doonaa.

  • 4Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa, Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.

  • 71%

    19Addoon hadal kuma edeb yeesho, Waayo, in kastoo uu garanayo ka jawaabi maayo.

    20Ma aragtay nin hadalkiisa ku degdega? Kaas waxaa ka rajo roon nacas.

    21Kii addoonkiisa si wanaagsan u soo koriya tan iyo yaraantiisa, Ugu dambaysta wiil buu u noqon doonaa.

  • 27Ninkii caajis ahu ma dubto wuxuu soo ugaadhsaday, Laakiinse ninkii dadaala maalkiisu waa qaali.

  • Wacd 8:2-3
    2 aayado
    71%

    2¶ Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.

    3Ha ku degdegin inaad hortiisa ka tagtid, wax shar ahna ha ku sii adkaan, waayo, isagu wuxuu sameeyaa wax alla wuxuu ku farxo.

  • 7Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah, Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya, Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.

  • Wacd 5:8-9
    2 aayado
    70%

    8¶ Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.

    9Dhulka faa'iidadiisu kulli way ka dhexaysaa, waayo, boqorka qudhiisaba waxaa looga adeegaa beerta.

  • 70%

    24Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii Ay dadku ka gabyeen.

    25Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.

  • 22Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.

  • 14Boqorkii daacadnimo masaakiinta ugu xukuma, Carshigiisu wuu dhisnaan doonaa weligiisba.

  • 19Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan, Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah? Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.

  • 27Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.

  • 8Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay; Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.

  • 3Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.

  • 22Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.

  • 29Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

  • 21Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,

  • 7Waxaan arkay addoommo fardo fuushan, iyo amiirro sida addoommo oo kale lugaynaya.

  • 1Magac wanaagsan baa laga doortaa maal badan, Oo nimcana waa ka wanaagsan tahay lacag iyo dahab.

  • 10Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.

  • 14Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,

  • 5Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo. Laakiinse ku alla kii degdeg badanu wuxuu u degdegaa inuu wax u baahdo oo keliya.

  • 1Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,

  • 23Nin kibirkiisu hoos buu u dejin doonaa, Laakiinse kii is-hoosaysiiyaa sharaf buu heli doonaa.

  • 29Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa, Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.

  • 6Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda, Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?

  • 15War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore Ee sharrowyadu ku socon jireen?

  • Maah 12:8-9
    2 aayado
    68%

    8Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.

    9Kii la fudaydsado oo midiidin lahu Waa ka wanaagsan yahay kii isweyneeya oo cunto u baahan.

  • 18Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa. Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.

  • 5Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya, Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.

  • 8Waxaa faraxsan raggaaga, oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla.

  • 1¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.

  • 12Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.

  • 21Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro.

  • 4Sidaasaad Ilaah iyo dadka hortooda Nicmo iyo sharaf uga heli doontaa.

  • 4Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa Ninka Rabbiga ka cabsadaa.

  • 17Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan.