Sabuurradii 12:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood, Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 14:31 : 31 Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.
  • Ish 33:10 : 10 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadda waan kacayaa, hadda kor baan isu qaadayaa, oo hadda waan sara marayaa.
  • Bax 2:23-24 : 23 ¶ Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed. 24 Ilaahna waa maqlay cabaadkoodii, markaasaa Ilaah xusuustay axdigiisii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.
  • Bax 3:7-9 : 7 Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo, anigu waan ogahay caloolxumadooda; 8 oo waxaan u imid inaan ka samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus. 9 Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga.
  • Xaak 10:16 : 16 Markaasay iska wada fogeeyeen ilaahyadii qalaad oo dhexdooda yiil, oo waxay u adeegeen Rabbiga; oo naftiisuna way ka xumaatay hooggii haystay reer binu Israa'iil.
  • Ayuub 5:15 : 15 Laakiinse isagu kuwa baahan ayuu ka badbaadiyaa seefta afkooda, Iyo kuwa xoogga badan gacantooda.
  • Ayuub 5:21 : 21 Waad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka; Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba.
  • Sab 10:12 : 12 Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad, Oo masaakiinta ha illoobin.
  • Sab 34:6 : 6 Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay, Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
  • Sab 146:7-8 : 7 Oo kuwa la dulmay u garsoora, Oo kuwa gaajaysanna quud siiya. Rabbigu maxaabiistuu furaa. 8 Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha, Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya, Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
  • Yac 5:4 : 4 Shaqaalayaashii beerihiinnii idiin gooyay mushahaaradoodii aad dulmiga uga reebateen way dhawaaqaysaa, qaylooyinkii kuwii beerihii gooyayna waxay galeen dhegaha Rabbiga Saba'ood.
  • Sab 74:21-22 : 21 Kuwa la dulmay yaanay dib u noqon iyagoo ceeboobay, Miskiinka iyo kan baahanu magacaaga ha ammaaneen. 22 Ilaahow, sara joogso, oo dacwadaada u muddac. Bal xusuuso siday dadka nacaska ahu maalinta oo dhan kuu caayaan.
  • Sab 79:10-11 : 10 Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh? Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna. 11 Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado, Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.
  • Sab 10:18 : 18 Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.
  • Sab 10:5 : 5 Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba, Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin, Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
  • Yex 18:12-13 : 12 oo uu miskiinka iyo saboolka baahan dulmay, oo uu xoog wax ku boobay, oo uusan cidna rahaamad u celin, oo uu indhihiisana sanamyada kor ugu taagay, oo uu wax karaahiya ah sameeyey, 13 oo uu korsaar wax ku bixiyey, oo uu cid kale ribo ka qaatay, kaasu miyuu noolaanayaa? Isagu noolaan maayo, waayo, waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayuu sameeyey, hubaal wuu dhiman doonaa, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.
  • Yex 18:18 : 18 Laakiinse aabbihiis xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, maxaa yeelay, isagu si nac weyn ayuu wax u dulmay, oo walaalkiisna xoog buu wax kaga boobay, oo dadkiisana wax aan wanaagsanayn buu ku dhex sameeyey.
  • Miik 7:8-9 : 8 ¶ Cadowgaygow, ha igu farxin. Goortaan dhoco waan kici doonaa, oo goortaan gudcur fadhiistana Rabbiga ayaa iftiin ii noqon doona. 9 Anigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa.
  • Maah 22:22-23 : 22 Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin, 23 Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.
  • Wacd 4:1 : 1 ¶ Markaasaan mar kale soo fiirsaday waxyaalaha dulmiga ah ee qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, oo waxaan fiiriyey kuwa la dulmay ilmadoodii, oo mid u qalbi qabowjiyana ma ay lahayn. Kuwii iyaga dulmayay dhankooda xoog baa jiray, laakiinse iyagu qalbiqabowjiye ma ay lahayn.
  • Wacd 5:8 : 8 ¶ Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.
  • Ish 19:20 : 20 Oo taasu waxay calaamad iyo markhaati dalka Masar dhexdiisa ugu noqon doontaa Rabbiga ciidammada, waayo, kuwa dulma aawadood ayay Rabbiga ugu qayshan doonaan, oo isna wuxuu u soo diri doonaa badbaadiye iyo mid xoog badan, wuuna samatabbixin doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono, Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.

  • 74%

    15Laakiinse isagu kuwa baahan ayuu ka badbaadiyaa seefta afkooda, Iyo kuwa xoogga badan gacantooda.

    16Sidaas daraaddeed kii miskiin ahu rajuu leeyahay, Xumaantuse afkeeday xidhaa.

  • Sab 72:12-13
    2 aayado
    74%

    12Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.

    13Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan, Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.

  • 10Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadda waan kacayaa, hadda kor baan isu qaadayaa, oo hadda waan sara marayaa.

  • 10Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah? Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan, Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.

  • 7Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda, Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada,

  • 12Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya, Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn.

  • 15Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa, Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.

  • 1Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka, Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.

  • 9Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.

  • 13Rabbiga u gabya, oo Rabbiga ammaana, waayo, isagaa naftii miskiinka ka samatabbixiyey gacantii xumaanfalayaasha.

  • 4Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.

  • Maah 31:8-9
    2 aayado
    72%

    8Afka u fur carrablaawaha aawadiis, Si aad kuwa baabba'aya oo dhan u xaq mariso.

    9Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.

  • Sab 82:3-4
    2 aayado
    72%

    3Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.

    4Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.

  • 4Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan, Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.

  • 28Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen, Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.

  • 11Oo kuwa hooseeyana kor buu u qaadaa, Kuwa baroortana nabaadiinuu ku sarraysiiyaa.

  • 2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • 17Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono.

  • 6Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka, Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.

  • 12Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso, oo gacantaada kor u qaad, Oo masaakiinta ha illoobin.

  • 4Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,

  • 9Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,

  • 30Oo curadka masaakiinta ayaa wax cuni doona, kuwa baahanna ammaan bay ku jiifsan doonaan, oo xididkaagana waxaan ku dili doonaa abaar, kuwa kaa hadhayna waa la layn doonaa.

  • Sab 9:18-19
    2 aayado
    71%

    18Waayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono, Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.

    19Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan. Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.

  • 19Oo kuwa hooseeyaana aad bay Rabbiga ugu sii farxi doonaan, oo masaakiinta dadka ku dhex jirtaana waxay ku rayrayn doonaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • 4Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga, Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?

  • 6Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.

  • 24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 16Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya? Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?

  • 23Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.

  • 14Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.

  • 13Rabbiyow, kac, Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur, Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,

  • 6Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay, Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.

  • 31Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.

  • 2Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.

  • 18Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.

  • 13Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.

  • 31Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.

  • 6Oo cagahaa ku tuman doona, waana cagaha masaakiinta iyo tallaabooyinka saboolka baahan.

  • 5Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay, Ilaahow, ii soo dhaqso, Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga. Rabbiyow, ha iga raagin.

  • 21Kuwa la dulmay yaanay dib u noqon iyagoo ceeboobay, Miskiinka iyo kan baahanu magacaaga ha ammaaneen.

  • 1Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab, Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.

  • 3Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.