Ishacyaah 41:17
Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono.
Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
18Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah.
2Haddaba markaan imid, muxuu ninna u jirin? Oo markaan dhawaaqayse maxaa la iigu jawaabi waayay? Miyaa innaba gacantaydu gaaban tahay si ayan wax u furan karin? Amase miyaanan lahayn xoog aan wax ku samatabbixiyo? Bal eega, canaantayda ayaan badda ku engejiyaa, oo webiyaashana cidlo baan ka dhigaa. Kalluunkoodu biyola'aan aawadeed buu la soo uraa, oo oon buu u dhintaa.
21Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.
7Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo, Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.
11Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan dalka abaar u soo diri doono, mana ahaan doonto abaar cunto la waayo ama biyo loo oomo, laakiinse waxay ahaan doontaa abaar la waayayo erayada Rabbiga.
12Oo waxay wareegi doonaan bad ilaa ka bad, iyo woqooyi ilaa tan iyo bari, oo waxay u ordi doonaan hore iyo dib iyagoo doondoonaya erayga Rabbiga, oo mana ay heli doonaan innaba.
13Oo maalintaas ayaa bikradaha qurqurxoon iyo barbaarraduba oon daraaddiis la itaal darnaan doonaan.
25Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.
10Ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan, oo kulaylka iyo qorraxdu kuma ay dhici doonaan, waayo, ka iyaga u naxariista ayaa hor kici doona, oo wuxuu ku hoggaamin doonaa ilo biya ah agtood.
13Rabbiyow, rajadii reer binu Israa'iilow, kuwa kaa taga oo dhammu way wada ceeboobi doonaan. Kuwii iga taga dhulkaa lagu qori doonaa, waayo, waxay ka tageen Rabbiga ah ishii biyaha nool.
5Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa.
5Way gaajoodeen, wayna harraadeen, Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.
15Waxaan baabbi'in doonaa buuro iyo kuro, oo geedaha yaryar oo dhanna waan wada qallajin doonaa, oo durdurradana waxaan ka dhigi doonaa gasiirado, oo balliyadana waan engejin doonaa.
11Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.
5Anigu waan idin iqiin markii aad dhex joogteen cidladii ahayd dalka abaarta badan.
19Rabbiyow, adigaan kuu qayshanayaa, waayo, dab baa laastay daaqii cidlada, oo dhirtii duurka ku tiilna olol baa wada gubay.
20Haddaba xayawaankii duurku biyahay kaa doonayaan, waayo, durdurradii biyuhu way engegeen, oo daaqii cidladana dab baa laastay.
35Cidlada wuxuu u beddelaa balli biyo ah, Oo dhul engeganna wuxuu u beddelaa ilo biyo ah.
5Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood, Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
17Waayo, waxaa Rabbigu leeyahay, Dabayl ma arki doontaan, roobna ma arki doontaan, laakiin dooxadaas waxaa ka buuxsami doona biyo, oo idinna waad cabbi doontaan idinka, iyo lo'diinna, iyo xoolihiinnuba.
1Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka, Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.
25Cagahaaga kabola'aan ka dhawr, oo hungurigaagana harraad ka dhawr, laakiinse waxaad tidhi, Rajo ma leh innaba, waayo, waxaan jeclaaday shisheeyayaal, oo iyagaan iska daba gelayaa.
8Sidaas daraaddeed laba ama saddex magaalo ayaa magaalo u soo wareegay inay biyo ka cabbaan aawadeed, oo kamana ay wabxin, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
17Laakiinse anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Sayidkuse waa i xusuustaa. Ilaahayow, waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga, Haddaba ha iga raagin.
19Oo Rabbigu waa u jawaabay dadkiisii oo wuxuu ku yidhi, Bal ogaada, waxaan idiin soo dirayaa hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, oo idinkuna waxaasaad ka dhergi doontaan, oo anna mar dambe quruumaha dhexdooda wax la caayo idinkaga dhigi maayo.
24Anigu waxaan qoday oo cabbay biyo qalaad, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.
19Bal eega, wax cusub baan samaynayaaye, oo haddeer bay soo baxayaan, idinku miyeydaan garan doonin? Xataa cidlada dhexdeeda jid baan ka samayn doonaa, oo lamadegaanka dhexdiisana webiyo baan ka jeexi doonaa.
20Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay,
6Oo markaasaa ninkii curyaan ahu wuxuu u boodboodi doonaa sida deerada oo kale, oo kii carrab la' carrabkiisuna wuu gabyi doonaa, waayo, cidlada biyaa ka soo burqan doona, oo lamadegaankana durdurraa ka soo bixi doona.
7Oo dhulkii engegay wuxuu noqon doonaa balli, oo dalkii oommanaha ahaana wuxuu noqon doonaa ilo biyo ah, oo rugtii dawacooyinku jiifsan jireenna waxaa ka soo bixi doona caws iyo gobays iyo dareemo.
3Oo kuwooda waaweyn ayaa yaryarkooda biyo u soo dira, oo waxay yimaadaan ceelasha, biyona kama ay helaan, oo weelashooda oo madhan ayay dib ula soo noqdaan, oo intay ceeboobaan oo qasmaan ayay madaxa hagoogtaan.
41Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen, Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.
12Laakiinse dhexdaada waxaan uga tegi doonaa dad dhibaataysan oo masaakiin ah, oo iyana magaca Rabbiga ayay isku hallayn doonaan.
3Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.
3Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa.
12Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya, Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn.
2Markaad biyaha dhex maraysaan waan idinla jiri doonaa, oo markaad webiyaasha dhex qaadaysaanna idinma qarqin doonaan, markaad dabka ku dhex socotaanna, ma guban doontaan, ololkuna idinma qabsan doono.
36Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu dacwadaada waan kuu qaadi doonaa, waanan kuu aari doonaa, oo baddeeda waan engejin doonaa, oo isheedana waan qallajin doonaa.
14Maxbuuska la masaafuriyey dhaqso baa loo furi doonaa, oo ma uu dhiman doono, yamayskana ma geli doono, cuntadiisana ma uu waayi doono.
5Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay, Ilaahow, ii soo dhaqso, Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga. Rabbiyow, ha iga raagin.
12Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.
42Waayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin.
1Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa, Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa, Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
13Waayo, dadkaygii laba waxyaalood oo shar ah ayay sameeyeen, way iga tageen anigoo ah isha biyaha nool, oo waxay qoteen berkedo daldaloola oo aan innaba biyo celin karin.
17Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin, Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah, Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro, Ama aan beeraha quud ka bixin, Oo adhigu xerada ka baabbo'o, Oo golahana aan xoolo lagu arag,
33Isagu webiyo wuxuu u beddelaa cidlo, Oo ilo biyo ahna wuxuu u beddelaa dhul oommane ah,
11Waayo, masaakiintu weligood dalka kama ay dhammaan doonaan, haddaba waxaan kugu amrayaa oo kugu leeyahay, Hubaal waa inaad gacanta u furtaa walaalkaa iyo kaaga baahan iyo masaakiintaada dalkaaga joogta.
15In kastoo uu walaalihiis dhexdooda ku dhal badan yahay, waxaa iman doonta dabayl bari ka timid, taasoo ah neefta Rabbiga oo cidlada ka soo baxaysa, oo ishiisa biyood way engegi doontaa, oo durdurkiisuna wuu iska gudhi doonaa, oo waa laga wada dhici doonaa khasnadda alaabta qaaliga ahu ugu jirto.
11Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.
14Barafka cad ee Lubnaan miyaa laga waayaa dhagaxa duurka? Miyaase biyaha qabow oo meel fog ka soo qulqulaya iska gudhaan?