2 Boqorradii 3:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, waxaa Rabbigu leeyahay, Dabayl ma arki doontaan, roobna ma arki doontaan, laakiin dooxadaas waxaa ka buuxsami doona biyo, oo idinna waad cabbi doontaan idinka, iyo lo'diinna, iyo xoolihiinnuba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 107:35 : 35 Cidlada wuxuu u beddelaa balli biyo ah, Oo dhul engeganna wuxuu u beddelaa ilo biyo ah.
  • Ish 41:17-18 : 17 Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono. 18 Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah.
  • Ish 43:19-20 : 19 Bal eega, wax cusub baan samaynayaaye, oo haddeer bay soo baxayaan, idinku miyeydaan garan doonin? Xataa cidlada dhexdeeda jid baan ka samayn doonaa, oo lamadegaanka dhexdiisana webiyo baan ka jeexi doonaa. 20 Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay,
  • Ish 48:21 : 21 Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.
  • Bax 17:6 : 6 Oo bal ogow, halkaas ayaan hortaada isku dul taagi doonaa dhagaxa weyn oo Xoreeb yaal, kolkaas waa inaad dhagaxa ushaada ku dhufataa, oo waxaa halkaas ka iman doona biyo ay dadku cabbaan. Kolkaasaa Muuse sidaas ku sameeyey waayeelladii reer binu Israa'iil hortooda.
  • Tir 20:8-9 : 8 Usha qaado, oo adiga iyo walaalkaa Haaruun dadka shirka ah oo dhan soo shiriya, oo iyagoo arkaya dhagaxa la hadla, biyo ha soo daayee; oo waa inaad iyaga dhagaxa biyo uga keentaa, si aad u wada waraabisid shirka iyo lo'doodaba. 9 Markaasaa Muuse ushii ka qaatay Rabbiga hortiisa, siduu isaga ugu amray. 10 Kolkaasay Muuse iyo Haaruun ururkii oo dhan ku soo ururiyeen dhagaxa hortiisii, oo wuxuu iyagii ku yidhi, War bal maqla, caasiyiin yahay. Dhagaxan biyo ma idiinka soo daynaa? 11 Kolkaasaa Muuse gacanta kor u qaaday, oo dhagaxii ayuu ushiisii laba jeer ku dhuftay; oo waxaa ka soo baxay biyo aad u badan, oo shirkii iyo lo'doodiiba way wada cabbeen.
  • 1 Boq 18:36-39 : 36 Oo markii la gaadhay wakhtigii la bixin jiray allabarigii fiidnimada, Nebi Eliiyaah waa soo dhowaaday, oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil Ilaahoodiiyow, maanta dalka Israa'iil ha lagu dhex ogaado inaad adigu Ilaah tahay, oo aan anna ahay addoonkaaga, iyo inaan waxyaalahan oo dhan eraygaaga ku sameeyey. 37 Rabbiyow, i maqal oo i maqal, inay dadkanu ogaadaan inaad adigu Ilaah tahay Rabbiyow, iyo inaad qalbigooda soo celisay. 38 Markaasaa Rabbiga dabkiisii soo dhacay oo wuxuu gubay allabariga la gubo, iyo qoryihii, iyo dhagxantii, iyo boodhkii, oo xataa biyihii godka ku jirayna ololkii baa leefay. 39 Oo markii dadkii taas arkay ayay wejiga u wada dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu isagu waa Ilaah, Rabbigu isagu waa Ilaah.
  • Sab 84:6 : 6 Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh, Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 16Oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dooxadan boholo miidhan ka dhiga.

  • 79%

    18Oo taasu Rabbiga hortiisa waa ku fudud dahay; oo weliba isagu reer Moo'aabna gacantiinnuu soo gelin doonaa.

    19Oo waa inaad dumisaan magaalo kasta oo deyr leh, iyo magaalo kasta oo la doortay, oo geed kasta oo wanaagsan waa inaad jartaan, oo waxaad xidhaan ilo walba oo biyo ah, oo waxaad dhul kasta oo wanaagsan ku hallaysaan dhagaxyo.

    20Oo subaxdii dambe markii allabariga la bixin jiray goor ku dhow ayaa biyo ka yimaadeen xagga Edom, oo waddankiina biyaa ka buuxsamay.

  • 18Oo wakhtigaas buuraha waxaa ka soo tifqi doona khamri macaan, oo kurahana caanaa ka soo shubmi doona, oo webiyaasha dalka Yahuudah oo dhammuna way durduri doonaan, oo guriga Rabbigana waxaa ka bixi doonta il biyo ah, wayna waraabin doontaa dooxada Shitiim.

  • 75%

    14de markaas dalkiinna roobka waxaan siin doonaa xilligiisa kaas oo ah roobka hore iyo roobka dambe, inaad soo urursataan hadhuudhkiinna, iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna.

    15Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan.

  • 11laakiinse dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan waa dal leh buuro iyo dooxooyin, oo wuxuu biyaha ka cabbaa roobka samada,

  • Ish 41:17-18
    2 aayado
    74%

    17Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono.

    18Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah.

  • 23Oo markaasuu roob idiin siin doonaa abuurkiinna si aad dhulka ugu abuurtaan, oo wuxuu cunto idinka siin doonaa waxa dhulka idiinka baxa, oo waxayna ahaan doontaa barwaaqo badan, oo wakhtigaas lo'diinnu waxay daaqi doontaa berrimmo balballaadhan.

  • 1¶ Xilliga roobka dambe roob ka barya Rabbiga, isagoo ah Rabbiga hillaaca sameeya, oo iyaguu siin doonaa roob wanaagsan, oo wuxuu qof kasta beerta ku siin doonaa doog.

  • 7Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.

  • 7Oo in yar dabadeed ayaa durdurkii iska engegay, maxaa yeelay, dalku roob ma lahayn.

  • 14Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo.

  • 15In kastoo uu walaalihiis dhexdooda ku dhal badan yahay, waxaa iman doonta dabayl bari ka timid, taasoo ah neefta Rabbiga oo cidlada ka soo baxaysa, oo ishiisa biyood way engegi doontaa, oo durdurkiisuna wuu iska gudhi doonaa, oo waa laga wada dhici doonaa khasnadda alaabta qaaliga ahu ugu jirto.

  • 17Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin, Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah, Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro, Ama aan beeraha quud ka bixin, Oo adhigu xerada ka baabbo'o, Oo golahana aan xoolo lagu arag,

  • Aam 4:7-8
    2 aayado
    71%

    7Oo anna roobkii waan idinka ceshaday markii ay saddex bilood ka hadhay xilligii beergoosashada, oo magaalo baan roob ku di'iyey, magaalo kalena roob kuma aan di'in. Roob baa meel ku da'ay, oo meeshii aan roobku ku di'inna way engegtay.

    8Sidaas daraaddeed laba ama saddex magaalo ayaa magaalo u soo wareegay inay biyo ka cabbaan aawadeed, oo kamana ay wabxin, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Yoel 2:22-24
    3 aayado
    71%

    22Xayawaanka duurkow, ha cabsanina, waayo, naqii cidladu waa soo baxayaa, oo dhirtiina midhaheeday dhalaysaa, oo berdihii iyo canabkiiba way barwaaqoobayaan.

    23Haddaba reer Siyoonay, farxa oo Rabbiga Ilaahiinna ah ku reyreeya, waayo, roobkii hore buu si xaq ah idiin siiyey, oo wuxuu idiin di'iyey roob, intii hore iyo intii dambeba sidii markii hore.

    24Oo goobaha wax lagu tumo waxaa ka buuxsami doona sarreen, oo macsarooyinkuna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri iyo saliid.

  • 71%

    26Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn,

    27Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?

  • 5Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa.

  • 1 Boq 17:1-4
    4 aayado
    71%

    1¶ Oo Eliiyaah oo ahaa reer Tishbii, oo ka mid ahaa kuwii Gilecaad degganaa ayaa Axaab ku yidhi, Waxaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ee aan hortiisa taaganahay noloshiisa ugu dhaartay inaan dharab iyo roob midna sannadahan la arki doonin, sidaan leeyahay mooyaane.

    2Markaasaa haddana waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

    3Halkan ka tag, oo u leexo xagga bari, oo waxaad ku ag dhuumataa durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun.

    4Oo waxaad ka cabbi doontaa durdurka, oo tukayaashana waan ku amray inay halkaas kugu quudiyaan.

  • 11Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.

  • Ish 35:6-7
    2 aayado
    71%

    6Oo markaasaa ninkii curyaan ahu wuxuu u boodboodi doonaa sida deerada oo kale, oo kii carrab la' carrabkiisuna wuu gabyi doonaa, waayo, cidlada biyaa ka soo burqan doona, oo lamadegaankana durdurraa ka soo bixi doona.

    7Oo dhulkii engegay wuxuu noqon doonaa balli, oo dalkii oommanaha ahaana wuxuu noqon doonaa ilo biyo ah, oo rugtii dawacooyinku jiifsan jireenna waxaa ka soo bixi doona caws iyo gobays iyo dareemo.

  • 17oo markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo.

  • 21Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.

  • 41Markaasaa Eliiyaah wuxuu Axaab ku yidhi, War kac oo wax cun, oo wax cab, waayo, waxaa sanqadhaya roob badan!

  • 10Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa, Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda, Oo tiixtiix baad ku jilcisaa, Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.

  • 20Waxaa barakaysan kuwiinna biyo dhinacyadooda oo dhan wax ku abuura oo dibiga iyo dameerka u sii daaya inay daaqaan.

  • 30Waayo, idinku waxaad ahaan doontaan sida geed caleentiisu dhado iyo sida beer aan biyo lahayn.

  • Ish 15:6-7
    2 aayado
    70%

    6Waayo, biyaha Nimriim baabba' bay noqon doonaan, cawskiina wuu engegay, biqilkiina wuu qallalay, oo wax cagaar ahna innaba lama arko.

    7Sidaas daraaddeed maalkii badnaa ee ay urursadeen iyo wixii ay kaydsadeenba waxay u qaadan doonaan durdurka geedaha safsaafka ah.

  • 10Waayo, sida roobka iyo barafka cadu ay samada uga da'aan, oo ayan halkaas ugu noqon, laakiinse ay dhulka u waraabiyaan oo ay uga dhigaan inuu soo bixiyo oo magoolo, si uu abuur u siiyo kan wax abuurta, oo uu cunto u siiyo kan wax cuna,

  • 35Cidlada wuxuu u beddelaa balli biyo ah, Oo dhul engeganna wuxuu u beddelaa ilo biyo ah.

  • 20Haddaba xayawaankii duurku biyahay kaa doonayaan, waayo, durdurradii biyuhu way engegeen, oo daaqii cidladana dab baa laastay.

  • 10Haddaba idinka daraaddiin ayaa samadii u diidday sayaxeedii oo dhulkiina wuu diiday midhihiisii.

  • 25Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.

  • 17Oo qolooyinka dhulka deggan oo dhan ku alla kii aan Yeruusaalem ugu kicin inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada innaba roob kuma di'i doono.

  • 5Markaasaa Axaab wuxuu Cobadyaah ku yidhi, Bal tag, oo dalka oo dhan dhex mar, ilaa ilaha biyaha oo dhan, iyo durdurrada oo dhan, waaba intaasoo aynu daaq helnaa, si aynu fardaha iyo baqlaha u noolayno, oo ayan cuudka oo dhammu nooga dhammaan.

  • 17Waayo, erayga Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waa inaadan meeshaas kibis ku cunin, biyona ka cabbin, jidkii aad soo martayna dib ha u sii qaadin.

  • 3Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa.

  • 10Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa