Ishacyaah 35:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markaasaa ninkii curyaan ahu wuxuu u boodboodi doonaa sida deerada oo kale, oo kii carrab la' carrabkiisuna wuu gabyi doonaa, waayo, cidlada biyaa ka soo burqan doona, oo lamadegaankana durdurraa ka soo bixi doona.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 11:14 : 14 ¶ Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.
  • Yoox 5:8-9 : 8 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kac oo sariirtaada qaado oo soco. 9 Markiiba ninkii waa bogsaday, wuuna qaatay sariirtiisii oo socday. Maalintaas waxay ahayd sabtidii.
  • Mat 9:32-33 : 32 ¶ Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin Carrabla' oo jinni qaba. 33 Oo goortii jinnigii la saaray, ninkii carrabka la'aa waa hadlay, dadkii badnaana way yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Sidaas oo kale Israa'iil weligeed laguma arag.
  • Ish 32:4 : 4 Oo kuwa wax walba ku degdega qalbigoodu aqoontuu garan doonaa, oo kuwa gangada leh carrabkooduna wuxuu diyaar u ahaan doonaa inuu bayaan u hadlo.
  • Mat 12:22 : 22 ¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.
  • Mat 15:30-31 : 30 Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey. 31 Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.
  • Mat 21:14 : 14 Waxaana macbudka ugu yimid kuwa indha la' iyo kuwa luga la'; wuuna bogsiiyey.
  • Mark 7:32-37 : 32 Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro. 33 Kolkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tufay oo carrabkiisa taabtay. 34 Markaasuu cirka kor u eegay, wuuna taahay oo ku yidhi, Efata, waxa weeye, Furan. 35 Markiiba dhegihiisa waa furmeen oo carrabkiisii xidhnaa waa debcay, oo si bayaan ah ayuu u hadlay. 36 Wuuna ku amray inaanay ninna u sheegin; laakiin in alla intuu amray, ayay in ka badan sii naadiyeen. 37 Aad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la' wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la'na wax buu ka hadliyaa.
  • Mark 9:17-25 : 17 Markaasaa dadkii badnaa midkood wuxuu ugu jawaabay, Macallimow, waxaan kuu keenay wiilkayga jinni carrab la' qaba. 18 Meel alla meeshuu ku qabtoba, wuu ridaa; markaasuu afka ka xumbeeyaa, wuuna ilka jirriqsadaa oo qallalaa. Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen. 19 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga. 20 Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo laballegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya. 21 Markaasuu aabbihiis weyddiiyey, Intee buu waxan qabay? Kolkaasuu yidhi, Tan iyo yaraantiisii. 22 Marar badan wuxuu ku tuuray dab iyo biyo inuu dumiyo, laakiin haddaad wax samayn kartid, noo naxariiso oo na caawi. 23 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaad rumaysan karaysid, wax waluba waa u suurtoobaan ka rumaysan. 24 Kolkiiba wiilka aabbihiis ayaa qayliyey oo oohin ku yidhi, Sayidow, waan rumaysanahay, iga caawi rumaysaddarradayda. 25 ¶ Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.
  • Luuk 1:64 : 64 Kolkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay.
  • Bax 17:6 : 6 Oo bal ogow, halkaas ayaan hortaada isku dul taagi doonaa dhagaxa weyn oo Xoreeb yaal, kolkaas waa inaad dhagaxa ushaada ku dhufataa, oo waxaa halkaas ka iman doona biyo ay dadku cabbaan. Kolkaasaa Muuse sidaas ku sameeyey waayeelladii reer binu Israa'iil hortooda.
  • Tir 20:11 : 11 Kolkaasaa Muuse gacanta kor u qaaday, oo dhagaxii ayuu ushiisii laba jeer ku dhuftay; oo waxaa ka soo baxay biyo aad u badan, oo shirkii iyo lo'doodiiba way wada cabbeen.
  • Nex 9:15 : 15 Oo kibis ay ku gaajo baxaan baad samada ka siisay, biyo ay ku oon baxaanna dhagax baad uga soo daysay, oo waxaad ku amartay inay galaan oo hantiyaan dalkii aad ku dhaaratay inaad siinaysid.
  • Sab 46:4 : 4 Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah, Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
  • Sab 51:15 : 15 Sayidow, bushimahayga fur, Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.
  • Sab 78:15-16 : 15 Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada, Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo. 16 Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.
  • Ish 35:1 : 1 ¶ Cidlada iyo dhulka engeganuba way farxi doonaan, oo lamadegaankuna wuu rayrayn doonaa, oo wuxuu u magooli doonaa sida ubaxnarjiska.
  • Ish 41:17-18 : 17 Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono. 18 Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah.
  • Ish 43:19-20 : 19 Bal eega, wax cusub baan samaynayaaye, oo haddeer bay soo baxayaan, idinku miyeydaan garan doonin? Xataa cidlada dhexdeeda jid baan ka samayn doonaa, oo lamadegaanka dhexdiisana webiyo baan ka jeexi doonaa. 20 Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay,
  • Ish 48:21 : 21 Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.
  • Ish 49:10-11 : 10 Ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan, oo kulaylka iyo qorraxdu kuma ay dhici doonaan, waayo, ka iyaga u naxariista ayaa hor kici doona, oo wuxuu ku hoggaamin doonaa ilo biya ah agtood. 11 Oo buurahayga oo dhan waxaan ka dhigi doonaa waddo, oo jidadkayga weynna kor baa loo wada qaadi doonaa.
  • Yex 47:1-9 : 1 ¶ Oo haddana wuxuu mar kale i geeyey daarta albaabkeedii, oo bal eeg, biyaa ka soo hoos baxayay marinkii daarta dhankeeda bari, waayo, daarta horteedu waxay u sii jeedday xagga bari, oo biyuhuna waxay ka soo hoos baxayeen daarta dhankeeda midigta oo ah meesha allabariga dhinaceeda koonfureed. 2 Markaasuu jidkii iridda xagga woqooyi iga soo bixiyey, oo wuxuu ila wareejiyey jidkii dibadda ahaa oo iridda dibadda loo mari jiray oo ku dhinac yiil jidkii xagga bari u sii jeeday, oo bal eeg, biyaa dhankeeda midigta ka dareerayay. 3 Oo ninkii markuu xagga bari tegey isagoo gacanta xadhigga ku haysta wuxuu qiyaasay kun dhudhun, oo wuxuu i soo dhex mariyey biyihii oo anqowyada i jooga. 4 Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo biyuhu waxay i joogeen lowyaha. Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo markanna biyuhu waxay i joogeen dhexda. 5 Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo markan waxay ahaayeen webi aanan lug kaga gudbi karin, waayo, biyihii kor bay u keceen, oo waxay noqdeen biyo lagu dabaasho iyo webi aan lug lagaga gudbi karin. 6 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxan ma aragtay? Oo haddana wuu i soo waday oo wuxuu igu soo celiyey webiga qarkiisii. 7 Haddaba markaan soo noqday, bal eeg, webiga qarkiisii waxaa ku yiil geedo tiro badan oo dhankan iyo dhankaasba kaga yaal. 8 Oo markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan. 9 Oo meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba wax kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqaaba way noolaan doonaan, oo waxaa jiri doona kalluun aad iyo aad u faro badan, maxaa yeelay, biyahaasu halkaasay u tagaan inay biyaha baddu bogsadaan aawadeed iyo in wax kastaaba ay soo noolaadaan meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba. 10 Oo kalluumaystayaashuna waxay istaagi doonaan badda qarkeeda, oo tan iyo Ceyn Gedii iyo ilaa Ceyn Ceglayim inta ka dhex leh waxay ahaan doontaa meel shabagyo lagu wadho, oo kalluunkooduna wuxuu ahaan doonaa cayn badan oo sida kalluunka badda weyn aad iyo aad u tiro badan. 11 Laakiinse meelaheeda dhoobada iyo biyagaleenka ahuba ma ay bogsan doonaan, illowse waxay ahaan doonaan cusbo miidhan.
  • Sak 14:8 : 8 Oo waxay maalintaas noqon doontaa inay biyo noolu Yeruusaalem ka soo baxaan, oo badhkood wuxuu u qulquli doonaa xagga badda bari, oo badhkooda kalena wuxuu u qulquli doonaa xagga badda galbeed, oo waxay ahaan doontaa wakhtiga kulaylka iyo wakhtiga qabowga.
  • Mat 11:5 : 5 Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,
  • Yoox 7:37-39 : 37 ¶ Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo. 38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi. 39 Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin.
  • Fal 3:2 : 2 Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawarsado.
  • Fal 3:6-8 : 6 Laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, ku soco. 7 Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen. 8 Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay, isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya.
  • Fal 8:7 : 7 Waayo, kuwo badan oo jinniyo wasakh leh qabay, jinniyadii oo cod weyn ku qaylinaya ayaa ka soo baxay, oo kuwo badan oo curyaan ahaa iyo laangadhayaashiiba waa la bogsiiyey.
  • Fal 14:8-9 : 8 ¶ Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon. 9 Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay, 10 wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday.
  • Kol 3:16 : 16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta.
  • Muj 22:1 : 1 ¶ Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka,
  • Muj 22:17 : 17 ¶ Ruuxa iyo aroosadduba waxay yidhaahdaan, Kaalay. Oo kii maqlaana ha yidhaahdo, Kaalay. Oo kii harraadsanuna ha yimaado. Oo kii doonayaaba biyaha nolosha hadiyad ahaan ha u qaato.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 35:7-8
    2 aayado
    85%

    7Oo dhulkii engegay wuxuu noqon doonaa balli, oo dalkii oommanaha ahaana wuxuu noqon doonaa ilo biyo ah, oo rugtii dawacooyinku jiifsan jireenna waxaa ka soo bixi doona caws iyo gobays iyo dareemo.

    8Oo waxaa halkaas jiri doona jid weyn, oo waxaa jidka loo bixin doonaa Jidkii Quduusnimada, kuwa aan daahirsanaynuna ma mari doonaan, laakiinse waxaa leh kuwa isaga jidka la socda, oo xataa nacasyaduna kuma qaldami doonaan.

  • 5Oo markaasaa kuwa indhaha la' indhahoodu furmi doonaan, oo kuwa dhegaha la' dhegahooda furka laga bixin doonaa.

  • 35Cidlada wuxuu u beddelaa balli biyo ah, Oo dhul engeganna wuxuu u beddelaa ilo biyo ah.

  • Ish 35:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Cidlada iyo dhulka engeganuba way farxi doonaan, oo lamadegaankuna wuu rayrayn doonaa, oo wuxuu u magooli doonaa sida ubaxnarjiska.

    2Aad iyo aad buu u magooli doonaa, oo xataa wuxuu ku rayrayn doonaa farxad iyo gabay, oo waxaa la siin doonaa ammaantii Lubnaan iyo haybaddii Karmel iyo Shaaroon. Waxaa la arki doonaa ammaanta Rabbiga iyo haybadda Ilaaheenna.

    3Gacmaha taagta daran xoogeeya, oo jilbaha tabarta yarna adkeeya.

  • Ish 41:17-18
    2 aayado
    76%

    17Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono.

    18Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah.

  • Ish 29:18-19
    2 aayado
    74%

    18Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan.

    19Oo kuwa hooseeyaana aad bay Rabbiga ugu sii farxi doonaan, oo masaakiinta dadka ku dhex jirtaana waxay ku rayrayn doonaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • Ish 43:19-20
    2 aayado
    73%

    19Bal eega, wax cusub baan samaynayaaye, oo haddeer bay soo baxayaan, idinku miyeydaan garan doonin? Xataa cidlada dhexdeeda jid baan ka samayn doonaa, oo lamadegaanka dhexdiisana webiyo baan ka jeexi doonaa.

    20Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay,

  • 21Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.

  • 18Oo wakhtigaas buuraha waxaa ka soo tifqi doona khamri macaan, oo kurahana caanaa ka soo shubmi doona, oo webiyaasha dalka Yahuudah oo dhammuna way durduri doonaan, oo guriga Rabbigana waxaa ka bixi doonta il biyo ah, wayna waraabin doontaa dooxada Shitiim.

  • Ish 32:15-16
    2 aayado
    72%

    15ilaa Ruuxa xagga sare nalagu kor shubo, oo cidladuna ay noqoto beer midho badan, oo beerta midhaha badanna sida duud oo kale lagu tiriyo.

    16Oo markaas dabadeed ayaa caddaaladu cidlada joogi doontaa, oo xaqnimona waxay ku sii jiri doontaa beerta midhaha badan.

  • 33Isagu webiyo wuxuu u beddelaa cidlo, Oo ilo biyo ahna wuxuu u beddelaa dhul oommane ah,

  • 20Haddaba xayawaankii duurku biyahay kaa doonayaan, waayo, durdurradii biyuhu way engegeen, oo daaqii cidladana dab baa laastay.

  • 10Ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan, oo kulaylka iyo qorraxdu kuma ay dhici doonaan, waayo, ka iyaga u naxariista ayaa hor kici doona, oo wuxuu ku hoggaamin doonaa ilo biya ah agtood.

  • 15Waxaan baabbi'in doonaa buuro iyo kuro, oo geedaha yaryar oo dhanna waan wada qallajin doonaa, oo durdurradana waxaan ka dhigi doonaa gasiirado, oo balliyadana waan engejin doonaa.

  • 8Oo markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan.

  • 12Waayo, farxad baad la bixi doontaan, oo nabad baa laydinku hoggaamin doonaa, oo buuraha iyo kuruhuna hortiinnay hees ku dhufan doonaan, oo dhirta duurka oo dhammuna way sacbin doonaan.

  • 27Oo maalintaas qudheeda ayaa afkaagu kii soo baxsaday u furmi doonaa, oo waad hadli doontaa, oo mar dambena ma aad carrab la'aan doontid. Sidaasaad calaamad u noqon doontaa, oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 6Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn.

  • Ish 32:3-4
    2 aayado
    70%

    3Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.

    4Oo kuwa wax walba ku degdega qalbigoodu aqoontuu garan doonaa, oo kuwa gangada leh carrabkooduna wuxuu diyaar u ahaan doonaa inuu bayaan u hadlo.

  • 41Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen, Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.

  • 3Haddaba farxad baad biyo kaga dhaansan doontaan ceelasha badbaadada.

  • 12Waxay ku tifqaan daaqa cidlada, Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.

  • 3¶ Waxaa yeedhaya mid qaylinaya codkiis oo leh, Jidkii Rabbiga cidlada dhexdiisa ka hagaajiya, oo lamadegaanka dhexdiisa jid weyn Ilaahayaga aawadiis uga toosiya.

  • 16Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.

  • 13Oo maalintaas ayaa bikradaha qurqurxoon iyo barbaarraduba oon daraaddiis la itaal darnaan doonaan.

  • 7Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.

  • 31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 8Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah, Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.

  • 4Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal.

  • 25Oo wakhtiga laynta weyn oo munaaraduhu soo wada dhici doonaan buur kasta oo dheer iyo kur kasta oo dheerba waxaa jiri doona webiyo iyo durdurro biya ah.

  • 18¶ Kuwiinna dhegaha la'ow, wax maqla, oo kuwiinna indhaha la'ow, wax fiiriya, aad wax aragteene.

  • 8Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa.

  • 17Waayo, waxaa Rabbigu leeyahay, Dabayl ma arki doontaan, roobna ma arki doontaan, laakiin dooxadaas waxaa ka buuxsami doona biyo, oo idinna waad cabbi doontaan idinka, iyo lo'diinna, iyo xoolihiinnuba.

  • 11Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.

  • 24Laakiinse caddaaladdu sida biyo ha u qulqusho, oo xaqnimaduna sida webi fatahaya ha u yaacdo.

  • 27Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?

  • 25Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.

  • 6Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh, Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya.

  • Ish 19:5-6
    2 aayado
    69%

    5Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa.

    6Oo webiyaashuna way qudhmi doonaan oo durdurrada Masarna way madhan doonaan oo engegi doonaan, oo cawsduurka iyo dareemaduna way wada qallali doonaan.

  • 11Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.

  • 20Waxaa barakaysan kuwiinna biyo dhinacyadooda oo dhan wax ku abuura oo dibiga iyo dameerka u sii daaya inay daaqaan.