Matayos 25:42

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Aam 6:6 : 6 oo khamriga maddiibadaha ku cabba, oo ku subkada saliidda ugu wada fiican, laakiinse kama murugaysna dhibaatada reer Yuusuf haysata.
  • Mat 10:37-38 : 37 Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo. 38 Kan aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan i soo raacin, ima istaahilo.
  • Mat 12:30 : 30 Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.
  • Mat 25:35 : 35 Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen,
  • Yoox 5:23 : 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray.
  • Yoox 14:21 : 21 Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga.
  • 1 Kor 16:22 : 22 Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa.
  • 2 Tes 1:8 : 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Yac 2:15-24 : 15 Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin, 16 oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa? 17 Haddaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd. 18 ¶ Laakiin waxaa la odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay rumaysad, anna waxaan leeyahay shuqullo. I tus rumaysadkaaga aan shuqullada lahayn, anna rumaysadkayga shuqulladaydaan kugu tusi doonaa. 19 Waad rumaysan tahay in Ilaah yahay mid keliya. Taas waad ku wanaagsan tahay. Xataa jinniyaduna sidaas way rumaysan yihiin, wayna gariiraan. 20 Doqonow, ma doonaysaa inaad garatid in rumaysadka aan shuqullada lahaynu aanu waxba tarin? 21 Miyaan awowgeen Ibraahim shuqullo lagu caddaynin inuu xaq yahay goortuu wiilkiisii Isxaaq meeshii allabariga ku bixiyey? 22 Waad garanaysaa in rumaysadku shuqulladiisii la shaqeeyey, oo rumaysadku kaamil ku noqday shuqullada. 23 Waxaa rumoobay Qorniinka leh, Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo, oo waxaa loogu yeedhay saaxiibkii Ilaah. 24 Waxaad garanaysaan in nin shuqullo lagu caddeeyo inuu xaq yahay oo aan lagu caddayn rumaysadka oo keliya.
  • 1 Yoox 3:14-17 : 14 Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa. 15 Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa. 16 Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen. 17 Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga?
  • 1 Yoox 4:20 : 20 Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag?
  • Yoox 8:42-44 : 42 Ciise wuxuu ku yidhi, Haddii Ilaah aabbihiin yahay, waad i jeclaan lahaydeen, maxaa yeelay, Ilaah baan ka soo baxay oo ka imid, aniguna iskama iman, ee isagaa i soo diray. 43 Maxaad hadalkayga u garan weydeen? Waayo, hadalkayga ma maqli karaysaane. 44 Idinku waxaad tihiin kuwo aabbahood Ibliiska yahay, oo waxaad doonaysaan inaad samaysaan damacyada aabbihiin. Tan iyo bilowgii wuxuu ahaa mid dhiig qaba, runtana kuma uu joogsan, waayo, runtu kuma jirto isaga. Markuu been ku hadlo, tiisuu ku hadlaa, waayo, waa beenaaleh, waana beenta aabbaheed.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 25:33-41
    9 aayado
    93%

    33Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa.

    34Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey.

    35Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen,

    36waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen.

    37Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay?

    38Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay?

    39Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid?

    40Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.

    41¶ Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey.

  • Mat 25:43-46
    4 aayado
    89%

    43Qariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan.

    44Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay?

    45Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen.

    46Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.

  • 7Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo, Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.

  • 21Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi,

  • Yac 2:15-16
    2 aayado
    72%

    15Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin,

    16oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa?

  • 42Ku alla kii kuwan yaryar koob biyo qabow oo keliya ku siiya qof xer ah magiciis, runtii waxaan idinku leeyahay, abaalkiisu ka lumi maayoba.

  • 5Way gaajoodeen, wayna harraadeen, Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.

  • 7Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman?

  • 12Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Anigu idin garan maayo.

  • 30Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 41Ku alla kii koob biyo ah magacayga idinku siiyaa, maxaa yeelay, waxaad tihiin kuwa Masiix, runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalkiisuu ka lumi maayoba.

  • 17Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono.

  • 25Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?

  • 21Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti, Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.

  • 5Waxaad ku quudisay kibistii ilmada, Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.

  • 69%

    25Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen.

    26Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay.

    27Markaasuu odhan doonaa, Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen; iga taga kulligiin oo xaqdarrada ka shaqeeya.

  • 11Haddaba miyaan qaadaa kibistayda, iyo biyahayga, iyo hilibkayga aan u qalay kuwa idaha ii xiiraya, oo miyaan siiyaa niman aanan aqoon meel ay ka yimaadeen?

  • 2Oo goortuu afartan maalmood iyo afartan habeen soomanaa, ayuu dabadeed gaajooday.

  • 24Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.

  • 10Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin, Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.

  • Mat 22:11-13
    3 aayado
    69%

    11Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin,

    12oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.

    13Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 40Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.

  • 6Oo markaad wax cuntaan, iyo markaad wax cabtaan, miyaydaan nafsaddiinna u cunin oo miyaydaan nafsaddiinna u cabbin?

  • 33Waayo, Yooxanaa Baabtiisaha waa yimid isagoo aan kibis cunaynin oo aan khamri cabbaynin; waxaadna tidhaahdaan, Jinni buu qabaa.

  • 32Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.

  • 16Wuxuu damcay inuu calooshiisa ka buuxiyo buunshihii doofaarradu ay cunayeen, ninnana waxba ma uu siin.

  • 8Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?

  • 25Wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan weligiin akhriyin wixii Daa'uud sameeyey markuu wax u baahnaa oo uu gaajaysnaa, isaga iyo kuwii la jiray?

  • 16Haddaba waad diirran tahay, oo qabow iyo kulayl midna ma ihid, sidaas daraaddeed afkaygaan kaa tufi doonaa.

  • 22Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran.

  • 3Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray,

  • 21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

  • 26Markaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin.

  • 35Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.