Markos 2:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan weligiin akhriyin wixii Daa'uud sameeyey markuu wax u baahnaa oo uu gaajaysnaa, isaga iyo kuwii la jiray?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 21:16 : 16 oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga?
  • 1 Sam 21:3-6 : 3 Haddaba bal maxaa gacantaada ku jira? Bal i sii shan xabbadood oo kibis ah amase wax alla waxa yaal. 4 Markaasaa wadaadkii wuxuu Daa'uud ugu jawaabay, Kibis la wada cuno gacantayda kuma jirto, laakiinse waxaa taal kibis quduus ah haddii ragga dhallinyarada ahu naago ayan taaban. 5 Kolkaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ugu jawaabay, Sida runta ah intii saddex maalmood ah naago waa nalaga dhawray, oo markii aan soo baxay ragga dhallinyarada ah weelalkoodu quduus bay ahaayeen, laakiinse in kastoo uu sodcaalku mid caadi ah yahay, bal maanta intee bay weelalkoodu quduus sii yihiin? 6 Sidaas daraaddeed wadaadkii wuxuu Daa'uud siiyey kibis quduus ah, waayo, halkaas kibis ma oollin, kibistii tusniinta mooyaane, taas oo Rabbiga hortiisa laga soo qaaday si kibis kulul loo dhigo maalinta tii hore laga soo qaado.
  • Mat 19:4 : 4 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin, Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig,
  • Mat 21:42 : 42 Markaasaa Ciise ku yidhi iyaga, Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka. Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga?
  • Mat 22:31 : 31 Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi,
  • Mark 12:20 : 20 Waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay, dhalna kama tegin.
  • Mark 12:26 : 26 Oo xagga kuwii dhintay in la sara kiciyo miyaydnaan kitaabkii Muuse ka akhriyin sidii Ilaah geedkii ugala soo hadlay oo yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub?
  • Luuk 10:26 : 26 Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 12:1-5
    5 aayado
    93%

    1¶ Wakhtigaas Ciise wuxuu sabtidii dhex maray beeraha, xertiisuna waa gaajaysnayd, oo waxay bilaabeen inay sabuulladii jartaan oo cunaan.

    2Laakiin Farrisiintii goortay arkeen, waxay isaga ku yidhaahdeen, Eeg, xertaadu waxay samaynayaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo.

    3Laakiin wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray,

    4siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u cunay kibistii tusniinta, tan aan xalaal u ahayn inuu cuno ama in kuwii la jiray cunaan, wadaaddada keliya maahee?

    5Ama miyaydnaan sharciga ka akhriyin in wadaaddadii macbudka ku jira sabtida, ay sabtida ka dhigaan wax aan quduus ahayn oo ay ka eed la' yihiin?

  • Luuk 6:1-5
    5 aayado
    91%

    1¶ Maalin sabti ah waxaa dhacay inuu beeraha dhex marayay, xertiisuna waxay jarteen sabuulladii, oo intay gacmahooda ku xoqeen ayay cuneen.

    2Laakiin Farrisiintii qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u samaynaysaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo?

    3Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray,

    4siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u qaaday kibistii tusniinta oo u cunay oo u siiyey kuwii la jiray, tan aan xalaal u ahayn in la cuno wadaaddada maahee?

    5Markaasuu iyagii ku yidhi, Wiilka Aadanahu waa sayidka sabtida.

  • Mark 2:26-27
    2 aayado
    88%

    26Siduu guriga Ilaah u galay waagii wadaadkii sare ee Aabyaataar, oo uu u cunay kibistii tusniinta oo aan xalaal uu ahayn dad kale wadaaddada maahee, oo uu siiyey kuwii la jirayna.

    27Markaasaa wuxuu ku yidhi iyaga, Sabtida waxaa loo sameeyey dadka aawadiis ee dadka looma samayn sabtida aawadeed.

  • Mark 2:23-24
    2 aayado
    82%

    23¶ Waxaa dhacay inuu sabtidii beeraha dhex marayay, oo xertiisii intay soconayeen ayay bilaabeen inay sabuullada jartaan.

    24Markaasaa Farrisiintii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, maxay sabtida u samaynayaan wixii aan xalaal ahayn?

  • 1¶ Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen.

  • Mark 6:36-38
    3 aayado
    72%

    36Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.

    37Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?

    38Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.

  • 5Markaasaa Farrisiintii iyo culimmadii weyddiiyeen oo waxay ku yidhaahdeen, Xertaadii maxay ugu socon waayeen xeerkii waayeellada, waxayse wax ku cunaan gacmo nijaasaysan?

  • Mat 12:10-12
    3 aayado
    72%

    10Oo waxaa joogay nin gacan engegan. Goortaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo? si ay ugu ashtakeeyaan.

    11Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkiinnee baa lax leh oo hadday sabtida god ku dhacdo, aan soo qabanaynin oo aan soo bixinaynin?

    12Haddaba nin intee buu ka qiima badan yahay lax! Sidaa darteed waa xalaal in sabtida wanaag la sameeyo.

  • Yoox 4:31-33
    3 aayado
    72%

    31Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.

    32Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.

    33Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?

  • 4Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen.

  • 13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.

  • Mark 8:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Maalmahaas dadkii aad buu u badnaa oo waxay cunaanna ma haysan, markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi,

    2Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan.

  • 3Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya?

  • 4Kolkaasaa xertiisii u jawaabtay, oo waxay ku yidhaahdeen, Meeshan cidlada ah xaggee looga heli karaa kibis dadkanu ka dhergaan?

  • 5Wuxuu iyaga ku yidhi, Kiinnee baa leh dameer ama dibi ceel ku dhacay oo aan maalin sabti ah dhaqso uga soo bixinaynin?

  • 33¶ Waxay ku yidhaahdeen, Xerta Yooxanaa marar badan bay soomaan oo tukadaan, kuwa Farrisiintuna sidaas oo kale ayay yeelaan, laakiin kuwaagu wax bay cunaan oo cabbaan.

  • 43Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh,

  • 16Culimmadii iyo Farrisiintii markay arkeen isagoo dembilayaal iyo cashuurqaadayaal wax la cunaya, waxay xertiisii ku yidhaahdeen, Waa sidee? Wuxuu wax la cunaa oo la cabbaa cashuurqaadayaal iyo dembilayaal.

  • 9Ciise wuxuu ku yidhi, Wax baan idin weyddiinayaa, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar, in naf la badbaadiyo ama in la dilo?

  • 18¶ Xertii Yooxanaa iyo Farrisiintii ayaa soomi jiray. Isagay u yimaadeen oo waxay ku yidhaahdeen, Xertii Yooxanaa iyo xertii Farrisiintu maxay u soomaan oo ay xertaadu u soomi weydaa?

  • 16Markaasay isla wada hadleen, oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii aannan haysan aawadeed.

  • 11Goortii Farrisiintu arkeen ayay xertiisii ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu muxuu cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha ula cunaa?

  • 12¶ Maalintii dambe, markay Beytaniya ka yimaadeen, wuu gaajaysnaa.

  • 2Xertaadu maxay xeerka waayeellada uga gudbaan? Waayo, ma faro xashaan goortay kibis cunayaan.

  • 37Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay?

  • 33Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?

  • 16Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.

  • 35¶ Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishadla'aan iyo qandila'aan iyo kabola'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba.

  • 5Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan?

  • 14¶ Markaas waxaa u timid xertii Yooxanaa iyagoo leh, Annaga iyo Farrisiintu maxaannu dhaaxa u soonnaa, laakiin xertaadu ay u soomi weydaa?

  • 7Markaasay isla wada hadleen oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii aannan soo qaadan aawadeed.

  • 41¶ Kolkii Farrisiintii isu yimaadeen ayaa Ciise wax weyddiiyey,

  • 11Sidee baad u garan weydeen inaanan kibis idinkala hadlayn? Iska jira khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta.