Markos 8:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Maalmahaas dadkii aad buu u badnaa oo waxay cunaanna ma haysan, markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 15:32-39 : 32 ¶ Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane. 33 Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan? 34 Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo waxoogaa kalluun yaryar ah. 35 Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan. 36 Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen. 37 Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay. 38 Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin. 39 Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.
  • Mark 6:34-44 : 34 Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn, wuxuuna bilaabay inuu wax badan baro. 35 ¶ Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay. 36 Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan. 37 Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan? 38 Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun. 39 ¶ Kolkaasuu ku amray inay cawska koox koox ugu fadhiisiyaan. 40 Waxay u fadhiisteen safaf boqol boqol iyo konton konton ah. 41 Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey, kibistiina ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan, labadii kalluunna wuu u qaybiyey giddigood. 42 Dhammaantood way wada cuneen, oo ka dhergeen. 43 Oo waxay soo gureen laba iyo toban dambiilood oo ka buuxa jajabkii iyo kalluunka. 44 Kuwii kibistii cunayna waxay ahaayeen shan kun oo nin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 8:2-9
    8 aayado
    89%

    2Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan.

    3Haddii aan guryahooda u diro, iyagoo sooman, jidkay ku itaalbeeli doonaan, waayo, qaarkood waxay ka yimaadeen meel fog.

    4Kolkaasaa xertiisii u jawaabtay, oo waxay ku yidhaahdeen, Meeshan cidlada ah xaggee looga heli karaa kibis dadkanu ka dhergaan?

    5Goortaasuu weyddiiyey, Immisa kibsood baad haysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.

    6Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan. Markaasuu toddobadii kibsood soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan. Markaasay dadkii badnaa hor dhigeen.

    7Waxay haysteen in yar oo kalluun yaryar ah. Oo intuu barakeeyey, wuxuu ku amray inay kuwaasna hortooda dhigaan.

    8Markaasay cuneen oo dhergeen; kolkaasay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.

    9Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen afar kun, markaasuu diray.

  • Mat 15:32-38
    7 aayado
    83%

    32¶ Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane.

    33Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?

    34Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo waxoogaa kalluun yaryar ah.

    35Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan.

    36Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen.

    37Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.

    38Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.

  • Luuk 9:12-14
    3 aayado
    81%

    12Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa.

    13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.

    14Waayo, waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin. Wuxuu xertiisii ku yidhi, U fadhiisiya koox koox konton konton ah.

  • Mark 6:34-38
    5 aayado
    80%

    34Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn, wuxuuna bilaabay inuu wax badan baro.

    35¶ Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay.

    36Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.

    37Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?

    38Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.

  • Mat 14:14-20
    7 aayado
    79%

    14Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.

    15Goortii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, wakhtigiina waa dhammaaday, haddaba dadka dir si ay tuulooyinka u tagaan oo cunto u soo iibsadaan.

    16Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.

    17Waxay ku yidhaahdeen, Halkan waxba kuma hayno shan kibsood iyo laba kalluun maahee.

    18Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan iigu keena.

    19Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay cawska ku fadhiistaan. Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey oo kibistii kala jejebiyey oo xertiisii siiyey, xertiina dadkii badnaa bay siiyeen.

    20Dhammaantood way wada cuneen oo ka dhergeen, oo waxay soo gureen jajabkii hadhay oo laba iyo toban dambiilood ka buuxa.

  • 5Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan?

  • 20¶ Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan.

  • Yoox 6:9-12
    4 aayado
    76%

    9Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan?

    10Markaasaa Ciise yidhi, Dadka fadhiisiya. Meeshaasina waxay lahayd doog badan. Haddaba nimankii waa fadhiisteen, tiradooduna qiyaastii waxay ahayd shan kun.

    11Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen.

    12Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.

  • Luuk 9:16-17
    2 aayado
    76%

    16Markaasuu wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay, ayuu barakeeyey, oo kala jejebiyey, oo xertiisii siiyey, inay dadkii badnaa hortooda dhigaan.

    17Markaasay cuneen oo ka wada dhergeen; waxaana la guray jajabkii ka hadhay oo laba iyo toban dambiilood ah.

  • 31Markaasuu iyaga ku yidhi, Keligiin kaalaya cidlada, waxoogaana ku nasta. Waayo, kuwii imanayay iyo kuwii tegayay way badnaayeen, nefis ay wax ku cunaanna ma lahayn.

  • 31Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.

  • Mark 8:19-20
    2 aayado
    75%

    19Goortii aan shantii kibsood shantii kun u kala jejebiyey, immisa dambiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Laba iyo toban.

    20Oo goortii aan toddobadii kibsood afartii kun u kala jejebiyey, immisa dambiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.

  • 9Xertiisii wuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Doonni yar ha i sugto dadkii badnaa aawadiis si ayan ii cidhiidhiyin.

  • 33Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?

  • 44Kuwii kibistii cunayna waxay ahaayeen shan kun oo nin.

  • 5Markaasaa Ciise haddaba ku yidhi, Carruur yahay, wax la cuno ma haysaan? Waxay ugu jawaabeen, Maya.

  • 14¶ Xertii waxay illoobeen inay kibis soo qaataan, oo doonnida kibis kuma ay haysan mid keliya maahane.

  • 36¶ Laakiin goortuu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo, way dhibaataysnaayeen oo kala firidhsanaayeen sidii ido aan adhijir lahayn.

  • 18¶ Goortuu Ciise dad badan oo ku wareegsan arkay, ayuu amray inay dhinaca kale tagaan.

  • 10Ama toddobadii kibsood oo afartii kun cuntay iyo intii dambiilood oo aad ka soo ururiseen?