Matayos 9:36

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Laakiin goortuu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo, way dhibaataysnaayeen oo kala firidhsanaayeen sidii ido aan adhijir lahayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 6:34 : 34 Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn, wuxuuna bilaabay inuu wax badan baro.
  • Tir 27:17 : 17 oo hortooda dibadda ugu baxa, oo hortooda gudaha soo gala, oo iyaga dibadda u hoggaamiya, oo gudaha soo geliya inaan shirka Rabbigu ahaan sidii ido aan idojir lahayn.
  • Mat 14:14 : 14 Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.
  • Sak 10:2 : 2 Waayo, teraafiimkii waxay ku hadleen wax aan waxba ahayn, waxsheegayaashiina wax been ah bay arkeen, oo waxay sheegeen riyooyin been ah, oo si aan waxtar lahayn ayay ugu qalbi qaboojiyaan, haddaba sidaas daraaddeed waxay u ambadaan sida ido oo kale, oo aad bay u dhibtoodaan, maxaa yeelay, adhijir ma leh.
  • Yex 34:3-6 : 3 Idinku baruurtaad iska cuntaan, oo dhogortana waad xidhataan, oo jarkaad qalataan, laakiinse adhiga ma aad daajisaan. 4 Idinku kii cudur qabay ma aydaan xoogayn, oo kii bukayna ma aydaan bogsiin, oo kii jabnaana ma aydaan kabin, oo kii baxsadayna sooma aydaan celin, oo kii baadiyoobayna ma aydaan doondoonin, laakiinse xoog iyo cadaadin ayaad iyaga ugu taliseen. 5 Oo wax kala firdheen, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo waxay cunto u noqdeen dugaaggii duurka oo dhan markay kala firidhsanaayeen. 6 Idahaygii waxay ku dul wareegeen buuraha oo dhan iyo kur kasta oo dheerba; oo adhigaygii wuxuu ku kala firidhsanaa dhulka oo dhan, mana jirin cid raadisa oo doondoonta.
  • Mat 15:32 : 32 ¶ Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane.
  • Cib 5:2 : 2 Isagu waa u naxariisan karaa kuwaan aqoonta lahayn iyo kuwa qaldan, maxaa yeelay, isaga qudhiisuba wuu itaal daranyahay.
  • Yer 50:6 : 6 ¶ Dadkaygu wuxuu ahaan jiray sidii ido baadiyoobay, oo adhijirradoodii ayaa ka dhigay inay ambadaan. Waxay u celiyeen oo ku sii daayeen xagga buuraha, oo intay buur ilaa kur uga sii bexeen ayay xeradoodii illoobeen.
  • 1 Boq 22:17 : 17 Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.
  • 2 Taar 18:16 : 16 Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.
  • Ish 56:9-9 : 9 ¶ Dugaagga duurka jooga oo dhan iyo dugaagga duudda oo dhammow, kaalaya aad wax cunteene. 10 Waardiyayaashiisu waa indha la' yihiin, oo kulligoodna aqoon ma leh, dhammaantoodna waa eeyo carrab la' oo aan ciyi karin. Way riyoodaan oo jiifaan, oo jecel yihiin inay hurdaan. 11 Eeyadu way hunguri weyn yihiin, weligoodna ma dhergi karaan, oo kuwaasuna waa adhijirro aan innaba wax garan karin. Kulligood waxay u leexdeen jidkoodii, oo midkood kastaaba xataa kii ugu dambeeyey wuxuu iska daba galay faa'iidadiisii.
  • Sak 11:16 : 16 Waayo, bal eeg, waxaan dalka ka dhex kicin doonaa adhijir aan soo booqanayn kuwa ambaday, oo aan doondoonayn kuwa kala firdhay, oo aan bogsiinayn kii jaban, oo aan daajinayn kii feyow, laakiinse isagu wuxuu cuni doonaa hilibka baruurta, oo raafafkoodana wuu kala dildillaacin doonaa.
  • Sak 13:7-8 : 7 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar. 8 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in dalka oo dhan laba dalool baabba'do oo dhimato, laakiinse daloolka saddexaad wuu hadhi doonaa.
  • Mat 10:6 : 6 laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah.
  • Mat 15:24 : 24 Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa'iil maahee.
  • Cib 4:15 : 15 Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 6:33-36
    4 aayado
    88%

    33Dadkii baase arkay iyagoo tegaya, qaar badanna way garteen, oo magaalooyinka oo dhan ayay ka soo ordeen, wayna ka dheereeyeen.

    34Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn, wuxuuna bilaabay inuu wax badan baro.

    35¶ Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay.

    36Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.

  • Mat 14:13-16
    4 aayado
    81%

    13¶ Ciise goortuu taas maqlay, ayuu halkaas doonni kaga soo noqday, oo meel cidla ah ayuu keligiis tegey. Dadkii badnaana goortay warkaas maqleen, ayay magaalooyinka lug kaga soo raaceen.

    14Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.

    15Goortii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, wakhtigiina waa dhammaaday, haddaba dadka dir si ay tuulooyinka u tagaan oo cunto u soo iibsadaan.

    16Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.

  • Mat 9:37-38
    2 aayado
    79%

    37Markaasuu xertiisii ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin.

    38Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.

  • Mark 8:1-3
    3 aayado
    78%

    1¶ Maalmahaas dadkii aad buu u badnaa oo waxay cunaanna ma haysan, markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi,

    2Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan.

    3Haddii aan guryahooda u diro, iyagoo sooman, jidkay ku itaalbeeli doonaan, waayo, qaarkood waxay ka yimaadeen meel fog.

  • Mat 15:30-33
    4 aayado
    77%

    30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.

    31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

    32¶ Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane.

    33Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?

  • 35¶ Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:

  • 34Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.

  • Luuk 9:11-13
    3 aayado
    73%

    11Laakiin dadkii badnaa, goortay ogaadeen, way soo raaceen. Markaasuuna iyaga soo dhoweeyey, oo wuxuu kala hadlay wax ku saabsan boqortooyadii. Ilaah, oo kuwii u baahnaa in la bogsiiyona wuu bogsiiyey.

    12Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa.

    13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.

  • Yex 34:5-6
    2 aayado
    73%

    5Oo wax kala firdheen, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo waxay cunto u noqdeen dugaaggii duurka oo dhan markay kala firidhsanaayeen.

    6Idahaygii waxay ku dul wareegeen buuraha oo dhan iyo kur kasta oo dheerba; oo adhigaygii wuxuu ku kala firidhsanaa dhulka oo dhan, mana jirin cid raadisa oo doondoonta.

  • 18¶ Goortuu Ciise dad badan oo ku wareegsan arkay, ayuu amray inay dhinaca kale tagaan.

  • 2Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.

  • 16Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.

  • 12¶ Maxay idinla tahay, Nin hadduu tiro ido ah leeyahay oo middood ay ka hallowdo, miyaanu sagaal iyo sagaashanka buuraha dushooda kaga tegin oo doonin tii hallowday?

  • 4Ninkiinnee baa tiro ido ah leh, oo middood ka hallowday, aan sagaal iyo sagaashanka cidlada kaga tegin, oo aan tii hallowday ka daba tegin, ilaa uu soo helo?

  • 12Kan ciidanka ah oo aan adhijirka ahayn, iduhuna aanay kuwiisa ahayn, kolkuu arko yeeyda oo soo socota, wuu ka tagaa idaha oo ka cararaa. Markaasay yeeydu qabsataa oo kala firdhisaa iyaga.

  • 9Xertiisii wuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Doonni yar ha i sugto dadkii badnaa aawadiis si ayan ii cidhiidhiyin.

  • 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

  • 6laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah.

  • 2Wuxuuna ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin. Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.

  • Mark 9:14-15
    2 aayado
    70%

    14¶ Markay xertii u yimaadeen, waxay arkeen dad faro badan oo la jooga. Culimmaduna wax bay weyddiinayeen.

    15Kolkiiba dadkii badnaa markay isaga arkeen aad bay u yaabeen oo ku soo ordeen oo nabdaadiyeen.

  • 5Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan?

  • 1¶ Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid.

  • 2oo waxaa u soo ururay dad faro badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay oo fadhiistay, dadkii badnaa oo dhammuna xeebtay taagnaayeen.

  • 17Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn, oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo.

  • 15¶ Ciise goortuu ogaaday ayuu halkaas ka tegey, oo waxaa raacay dad badan, dhammaantoodna wuu wada bogsiiyey.

  • 2Dad badanna way raaceen, waayo, waxay arkeen calaamooyinkii uu ku sameeyey kuwii bukay.

  • 13¶ Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray.

  • 33Laakiin nin reer Samaariya ah intuu socday ayuu meeshiisa yimid, oo markuu arkay ayuu u naxariistay.

  • 2Wuuna diray inay boqortooyadii Ilaah ku wacdiyaan dadka oo ay bogsiiyaan kuwa buka.

  • 35Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan.

  • 29¶ Kolkay Yerixoo ka tegayeen waxaa raacay dad aad u badan.

  • 19Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay cawska ku fadhiistaan. Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey oo kibistii kala jejebiyey oo xertiisii siiyey, xertiina dadkii badnaa bay siiyeen.

  • 13Rabbigu goortuu arkay iyada, ayuu u naxariistay oo ku yidhi, Ha ooyin.

  • 32Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha.