Markos 8:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 9:36 : 36 ¶ Laakiin goortuu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo, way dhibaataysnaayeen oo kala firidhsanaayeen sidii ido aan adhijir lahayn.
  • Sab 145:15 : 15 Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan, Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
  • Miik 7:19 : 19 Isagu wuu soo jeedsan doonaa oo wuu inoo naxariisan doonaa. Xumaanteennana cagta buu kula joogsan doonaa. Adigu dembiyadooda oo dhan waxaad ku tuuri doontaa badda moolkeeda.
  • Mat 4:2-4 : 2 Oo goortuu afartan maalmood iyo afartan habeen soomanaa, ayuu dabadeed gaajooday. 3 Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda. 4 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa qoran tahay, Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado.
  • Mat 6:32-33 : 32 Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin. 33 Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.
  • Mark 6:34 : 34 Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn, wuxuuna bilaabay inuu wax badan baro.
  • Mark 9:22 : 22 Marar badan wuxuu ku tuuray dab iyo biyo inuu dumiyo, laakiin haddaad wax samayn kartid, noo naxariiso oo na caawi.
  • Luuk 7:13 : 13 Rabbigu goortuu arkay iyada, ayuu u naxariistay oo ku yidhi, Ha ooyin.
  • Luuk 15:20 : 20 Markaasuu kacay, oo wuxuu u yimid aabbihii, laakiin intuu weli ka fogaa ayaa aabbihiis arkay, waana u naxariistay, oo ku soo orday oo qoortuu iskaga duubay, oo dhunkaday.
  • Yoox 4:6-8 : 6 Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda. 7 ¶ Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi. 8 Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan.
  • Yoox 4:30-34 : 30 Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii. 31 Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun. 32 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn. 33 Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno? 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo.
  • Cib 2:17 : 17 Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka.
  • Cib 4:15 : 15 Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.
  • Cib 5:2 : 2 Isagu waa u naxariisan karaa kuwaan aqoonta lahayn iyo kuwa qaldan, maxaa yeelay, isaga qudhiisuba wuu itaal daranyahay.
  • Mat 14:14 : 14 Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.
  • Mat 20:34 : 34 Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.
  • Mark 1:41 : 41 Kolkaasaa Ciise u naxariistay, oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay oo ku yidhi, Waa doonayaa ee daahirsanow.
  • Mark 5:19 : 19 Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay.
  • Sab 103:13 : 13 Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.
  • Sab 145:8 : 8 Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 15:32-38
    7 aayado
    91%

    32¶ Markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Dadka badan ayaan u naxariisanayaa, waayo, durba saddex maalmood ayay ila joogeen, oo waxay cunaanna ma haystaan. Dooni maayo inaan diro iyagoo sooman waaba intaas oo ay jidka ku itaal beelaane.

    33Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Innagoo meel cidla ah joogna, xaggee baynu ka helaynaa kibis intaa le'eg in dad sida u badanu ka dhergaan?

    34Ciise ayaa ku yidhi Immisa kibsood baad haysaan? Waxay yidhaahdeen, Toddoba iyo waxoogaa kalluun yaryar ah.

    35Oo wuxuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan.

    36Markaasuu toddobadii kibsood iyo kalluunkii soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertii siiyey, xertiina dadkii badnaa ayay siiyeen.

    37Dhammaantood way wada cuneen oo dhergeen, oo waxay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.

    38Dadkii cunayna waxay ahaayeen afar kun oo rag ah oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.

  • 1¶ Maalmahaas dadkii aad buu u badnaa oo waxay cunaanna ma haysan, markaasaa Ciise xertiisii u yeedhay oo ku yidhi,

  • Mark 8:3-9
    7 aayado
    86%

    3Haddii aan guryahooda u diro, iyagoo sooman, jidkay ku itaalbeeli doonaan, waayo, qaarkood waxay ka yimaadeen meel fog.

    4Kolkaasaa xertiisii u jawaabtay, oo waxay ku yidhaahdeen, Meeshan cidlada ah xaggee looga heli karaa kibis dadkanu ka dhergaan?

    5Goortaasuu weyddiiyey, Immisa kibsood baad haysaan? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.

    6Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay dhulka fadhiistaan. Markaasuu toddobadii kibsood soo qaaday, oo goortuu ku mahadnaqay ayuu kala jejebiyey oo xertiisii siiyey inay hortooda dhigaan. Markaasay dadkii badnaa hor dhigeen.

    7Waxay haysteen in yar oo kalluun yaryar ah. Oo intuu barakeeyey, wuxuu ku amray inay kuwaasna hortooda dhigaan.

    8Markaasay cuneen oo dhergeen; kolkaasay soo ururiyeen toddoba dambiilood oo ka buuxa jajabkii hadhay.

    9Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen afar kun, markaasuu diray.

  • Mark 6:34-38
    5 aayado
    80%

    34Ciise goortuu soo degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen sidii ido aan adhijir lahayn, wuxuuna bilaabay inuu wax badan baro.

    35¶ Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay.

    36Dadka dir, si ay u tagaan beeraha iyo tuulooyinka ku wareegsan, oo ay wax la cuno u soo iibsadaan.

    37Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?

    38Markaasuu ku yidhi, Immisa kibsood baad haysaan? Soo eega. Oo markay ogaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Shan kibsood iyo laba kalluun.

  • Luuk 9:12-13
    2 aayado
    79%

    12Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa.

    13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.

  • 36¶ Laakiin goortuu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo, way dhibaataysnaayeen oo kala firidhsanaayeen sidii ido aan adhijir lahayn.

  • Mat 14:14-21
    8 aayado
    77%

    14Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.

    15Goortii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, wakhtigiina waa dhammaaday, haddaba dadka dir si ay tuulooyinka u tagaan oo cunto u soo iibsadaan.

    16Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.

    17Waxay ku yidhaahdeen, Halkan waxba kuma hayno shan kibsood iyo laba kalluun maahee.

    18Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan iigu keena.

    19Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay cawska ku fadhiistaan. Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey oo kibistii kala jejebiyey oo xertiisii siiyey, xertiina dadkii badnaa bay siiyeen.

    20Dhammaantood way wada cuneen oo ka dhergeen, oo waxay soo gureen jajabkii hadhay oo laba iyo toban dambiilood ka buuxa.

    21Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.

  • 5Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan?

  • 17Markaasay cuneen oo ka wada dhergeen; waxaana la guray jajabkii ka hadhay oo laba iyo toban dambiilood ah.

  • 20¶ Kolkaasuu guri galay; oo dad badan ayaa haddana ku soo ururay si aanay karin inay kibis cunaan.

  • 31Markaasuu iyaga ku yidhi, Keligiin kaalaya cidlada, waxoogaana ku nasta. Waayo, kuwii imanayay iyo kuwii tegayay way badnaayeen, nefis ay wax ku cunaanna ma lahayn.

  • Mat 16:8-10
    3 aayado
    72%

    8Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isula hadlaysaan, rumaysadyarayaalow? Ma kibista aydnan haysan aawadeed baa?

    9Miyaydnaan weli garan ama miyaydnaan xusuusnayn shantii kibsood oo shantii kun cuntay, iyo intii dambiilood oo aad ka soo ururiseen?

    10Ama toddobadii kibsood oo afartii kun cuntay iyo intii dambiilood oo aad ka soo ururiseen?

  • 44Kuwii kibistii cunayna waxay ahaayeen shan kun oo nin.

  • 9Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan?

  • 33Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?

  • Mark 8:19-20
    2 aayado
    72%

    19Goortii aan shantii kibsood shantii kun u kala jejebiyey, immisa dambiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Laba iyo toban.

    20Oo goortii aan toddobadii kibsood afartii kun u kala jejebiyey, immisa dambiilood oo jajab ka buuxa ayaad soo ururiseen? Waxay ku yidhaahdeen, Toddoba.

  • 16Markaasay isla wada hadleen, oo isku yidhaahdeen, Sababtaasu waa kibistii aannan haysan aawadeed.

  • 3Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray,

  • Yoox 6:11-12
    2 aayado
    72%

    11Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen.

    12Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.

  • 5Markaasaa Ciise haddaba ku yidhi, Carruur yahay, wax la cuno ma haysaan? Waxay ugu jawaabeen, Maya.

  • 42Dhammaantood way wada cuneen, oo ka dhergeen.

  • 9Xertiisii wuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Doonni yar ha i sugto dadkii badnaa aawadiis si ayan ii cidhiidhiyin.